ASC, WR ,WB, bacda salaan waxaan dhanbaal tacsiya u diryaa dhamaan meelkasta oo aay joogaan shacbka rer Soomaliland,dhacdadii foosha xumayd ee la ma filanka ahayd ee shaly dhacday.markaan wararkii akhristay waxaa igu dhalatay maanso la magac baxday(DHABANA CAS) akhris wanaagsan
dadkaygow dhan dheeriyo
dhabandaad hurdayiyo
dhaan dhan ma waayow
dhibka kama bogsoodow
dhagxumada ku naaxow
nacas aan dhergayn iyo
dhoohane ma wayoow.
dalkii shaly dhunkashiyo
dhulka hoose loo qoday
marna inay u dhici sidan
niyaddayda kuma dhalan .
waxse aan la dhaygagy
dhakafaarka igu riiday
dhabankiyo gacamaha
la qabsaday dhafoorda .
dhiiggaa la daadshiyo
dhalintaa la laayiyo
shicib dhagaxa tuuroo
ifisadu dhex roortoo
dhiilabay baa iman.
maxaa laysu dhego tiri
madaxdii la dharshee
loo dhegay kitaabkaa
tuubbada u dhigatoo
dhaxaltooyo mooddoo
kursigii ku dhababtoo
dheegguun ka lulatee.
dhaar haloogu maro waa
xilka kani isdhaaf iyo
ninba inuu dharaar yahay.
waxse aan la dheelimay
marna aan i dhaafayn
sida sawirka igu dhigan.
dhudhubaha markaan galay
dhuunyaalay sida geel
dhaxda suunku iga jaray
dhex wareegay kaymah
dhuuniga la cunayiyo
biyihii ka dheel maday
hurdo dhabanka uga jaray
dheelalaabo socod galay
dhimashana u door biday.
dawladii dhisnayd iyo
ciidankeedi dhoobnaa
waxa aan dharaar qudha
ugu saaray dhidibbada
xor inaad ku dhalatoo
ku dhaqaado baan raby.
dhomaddii ku saarnayd
dhangadii lagula dhacay
dhobadaad ku aasnayd
waataan ka dhiidhiyay
SNM na dhaamnteed
u dhamaatay owgaa.
Isma dhaanto yahay baas
dhibaabkii ku soo maray
jilaalkii dheeraa
ma ilowday dha harow
inaad weli dhutinysoo
dheeliyayso ma ogtahay
mise waanad dhaadine
koomaad dhextaalaa
balaan kuu dhaqaajoo
kuu dhiga waraaqdee
dhugo hadaldaydoo
dhab u fiirso gacalloow..
dhaawacii damqanayaan
dhaymaha ku duubaa
dhuuxii rageennaan
ciida weli ka dhurayaa
dhaayaha kun waayaan
dhanka kale u hagyaa
kuwa dhimarka beelan
dhakhtarada la joogaa
agoonkii aan dhalan
baandhabta saar islayeeya hay
hooyadii dhanqaltaan
haamaha u dhaan shaa
waayeel dhibtoodaan
dhiilada u diidaa.
adna carodhuubiyo
dhabanacas rasaas baad
dhayal ugu ridaayood
hoos ugu dhigaysaa
umashaa dhibaatiyo
nabarkii ku dhacay iyo
dhin biilii iilowdee
idinkaa dhiggeeda ah.
waxan kuu dhigdhigaya
marlabaad dhabkuu tusi
raggii dhiiranaanan jiray
SNM taan la dhaafayn
dhulka inay ku nooshooy
dhinacaga joogan
kudhig laabta weeyaan.
haddii aan digniin dheer
dhaabaha ku muujoon
Kuu dhigo ma dhafaan
Dulmi lama dhisaloo
Dhagar lama hulaaqoo
Dhulkoo nabadu taam tahay
Dhakhso looma dumiyee
Ha yaboohsandhalan dhool
caasha luul maxmud yusuf
London,uk.
Tuesday, 15 September 2009
Subscribe to:
Posts (Atom)