Dhamaan dadwaynaha sharaftale ee reer somaliland, Waxaan ku slaamayaa salaanta islaamka. Asalaamu calykum Warxmatulaahui Wabarkaatuh ,Salaan kabacdi waxaan idiin soo gudbinayaa gabaygan oo aan ku xusaayo markii la soo galay dalka gudihiisa sida aynu wada ogsoonahayna ay Taariikhdu ahayd 27 MAY BURCO, 29 CADAADLEY, 31 HARGAYSA.Halkaas oo aay ku guulysteen mujaahidiintii SNM oo aay ku hanteen dalkoodii gacntana ku dhigeen dibna ula soo laabteen xornimadoodii.
gabaygan magciisu waa (samaan badane) Wuxuu soo baxay 27/05/2009 Akhris wanaagsan.
Indhawaydba siinki murtida waan ka saahidaye
Sarbeebtii Kaman furin tixihii samayda waynaaye
Ma sawdeeyo Maansooyin kaan sari jiray waaye
Bal aan sadarrada u furo wax badan wayga sugayseen .
Ilaahbaa cirkaa sare u dhigay simay adduunkoo dhan
Dabadeed insaanka u sakhiray oo ku wada sooray
Saldhig buu u kala yeeliyo sabad barwaaqaad-e
Sumad na waa u kala yelyiyo sowarac iyo muuqe
Sawd kuu u kala weeciyiow saanta araggeeda
Nin waliba saxeex buu ku qoray calana waa saaratay.
Inaguna siddo kale ayaan sacab tumaynye
Saanad guuradii qaranka iyo sadkii weeyaane
Sumcada iyo sharaftii la helay sagalkii weeyaane
Saadashii SNM keentay iyo samaydii weyaane
Sitaac iyo iftiinkiyo sidii subaxa weeyaane
Balse kii safaad moodyow waad sah wiyay saye.
Saqaafa ragii noo gale soorta cuni wayay
Ee saawasawii dagal sumucu leefayay
Ragii solol ka jiidhaaye-ye ee sabanka turayay
Suugiyo shilka ridijiriyo weliba siikaawe
Soodhkiyo ragii waranka siday waa sidii weliye
haddii aan SNM siday ahayd saaka yara sheego
Sujaacyadii hadan yara-dayo saafo hadalkayga
Siraad aan damayn bay shideen saatir mahadiye
Nabad bay ku seexdaan dadkii tan iyo sool bariye
Saylac iyo ilaa boramiyo saw duleekeda.
Surad iyo sanaag iyo ilaa buurta sagaxeeda
Salka ceerigabiyo ilaa suuqayada haragaysa
Burco iyo ilaa saaxil iyo sabadka hawd odhan
Nabad aan sal guuraynin baa eebe noo sugaye
Hadii anay sababtaa lahayan waa sal goilayne..
Sadax midable way sudhan yahoo wasidan rabaye
Calankaa sabadka u eeg diinta ku salaysan
Tawxiidka waxaan ugu suntaday saatir magaciisa
Sama taliis inuu ii noqdoo suursho xuma hoodhan
Sabool koriye inuu ii noqde iyo saxalka kii reebaaye.
Sebiga iyo agoomaha inuu nabad ku sooraayo
Sibaraar caano uga buuxinoo sidig umalaayo
Waayeelka socon waayay inuu sare u qaadaye
Kuwa uu siradkii ka lumay araga siinayey
Iyo sucod ku waan haybasanee daba siqaynaaya
Iyagaana sedkoodii inuu xaq ugu saaraye .
Samaan badane weeyoo dhamaan wayna simayay
Salka ciida waxuu ugu hayaa sakabiyo dhaadheere
Sedriguu kuyaloo rag baa seetada u xidhaye
Saamalayl rag baa ugu jiroon seexan abidkoode
Sara jog rag baa u taagan oo soogan garabkise
Balse kii safaad moodayo waad sah wiyay saaye.
SNM samantaa lahoo saaray calankaase
Sidii aay ahayd iyo yagaa keenay sahaydiiye
Sandulayn raagbay kaga dhigeen saakin iyo yeelmo
Ka sindhiidhe somalikale inuu sukeeyeye
Sulub bay ka door teen Rabia waa ku saacidaye .
Waxaba gabaygu yuu ila siqine waan sakalayaye
Duco saafiyiyan marinyaa subiciya aamiinta
Intii aakhirow socotay een saacan nala joogin
Suaashodo tii suubane saxayso diintenu
Inta samada laga soo aqabalay saatir haka yeelo
Saxeex qalinku haydinku dhaco saatir idinkisa
Safka nebiga kuwa aanka hadhin saatir haka yeelo
Sarira janada ee bahay hawga dhigo sooryo
Sarihii fardaowsan ilaah hawga dhigo saanad
Wabilaahi Tawfiiq
Caasha Maxamuud YuusufLondon UK
Thursday, 28 May 2009
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment