Wednesday, 10 June 2009

GAASHAAN

Indhawaydba gabay waanigii gooyay ee jaraye
Gar ilaahay maansoyinkii waan ka gaabsadaye
Geeraaradii daayay iyo gebiba suugaan e
Waxse aan gadaal ugu dhugtoo galabta ii yeedhay
Aan gaawa murtida ugu lisee iyo gaaxda igu raagtay
Gadhwadeen Ismaaciil in aan erayo gaadhsiiyo .

Haddii aan ilaah kugu galadin garaasho dheerada
Ama aadan gooroon u kicin geeskan lagu hoobatay
Oo aadan gaadhsiin dhamaan nabdu waa guule
Oo aadan goobtaa u kicin waa la guban laaye
Goblan baa ku xigi laa hadaan guule ku dirine

Gabal baas markuu dumay markay geeridu isdhaaftay
Madfac lagu gigsii'iyo wixii miino lagu gooyey
Gaas iyo kabriid lagu qabtee iyo gumac rasasedba
Ee dhaawicii wada gegmee haadku ku gableeyey
Ee uu gurboodkii dhamaan wada gunuuyoosay
Ee maadatadii aygo’dee luunko wada gooyay
Ee gayigu uu ololaye gacal ba uu waayay
adigaa gar gare u noqdoo gaadhay gacalowe.

Afartaa gedaan marin jiriyo gogol dhigaygii dhee
Guubaaba daan tiirin jiriyo gabayadaydii dheeh
Gaariye halku dhigay murtida gacan ki u jeexay
Galadii hadraawoo kaleiyo gaanka nabadeed dheeh
Hal abuur gedii soo kaliyo gebi abwaanno dhaan
Inta samaha goobaysa iyo gacan walaalo ah dheeh.

Gardaadshaad ismaaciil tihiyo geesi caan baxaye
Hayin geeska loo soodiroo gaara baad tahaye
Gurmad eebe noo soo diroon gaabin baad tahaye
Gaadiid ilaah soo diroo goo’niyaad tahaye
Afrikaba ilays wada galoo gaadhay baad tahaye
Garab eebe noo soo diriyo geed hadhalaad tahye
Guulayso gaashaan biirow gaasire tahay

Markii aay iskala gadatay ee garishdii wayday
Ee taladu aay gees martee gebi ka sii duushay
God ka dheer markii loo qodee geeshku u heshiiyey
Markii gaal u soo heesay gudin u soo qaatay
Ragii aay ka go'aysyna markii giniga loo tuuray
Ee gabax indhuhu ay noqdeen baad u gaard didaye .

Godobtii amxaar doonayaa goolka loo dhigaye
Inta uu guntaa u soo galuu goostay midhihiiye
Oo gabanaddii layeyo iyo guurti odayaalee
Gabdhaha iyo hooyooyinkii gawraca uu simaye
Golxad buu gurboodkii la galay gebiahntodba
Markii uu gelgelimeeyey baad gaadhay gacaloowe.

Waxba gabaygu yuu ila gudhine aan gunaanado e
Guntintii xidhnayd geesi furay garaashadiisi dhee
Garka iyo hoggaankii lumaad gacanta haysaa dhee
Gumaysiga madow iyo ninkii gaala-daba diiday
Gafaniyo gabaray ninkii gooyey magacooda
Guuleyso gaashaan biirow gaasiraad tahaye


wabilaahi tawfiiq
 

No comments:

Post a Comment