Sunday, 27 January 2013
dhab dhab wuxuu soo baxay 13/08/2008
tixdan yar ee gabayga ah waxan ka ga hadalaya dhibatada inaga soo
gadhay wadamada rer galbeedka iyo sida uu dhaqankeenii u burburay aniga oo korka xaadinya.
Indhawaydba gabaygii dhigay oo dhaafay hadalkiisa
waxse caawa igu dhaliyay oo dhaygag igu reebay
Oo dhibay naftaydii ayaan kuu dhex marayaye,
Dhul balaadhan Soomaali oo nabad ku dhaantaysa
Oo aan dhibaato iyo lahayn cadow dhirbaaxaaya
Oo calanka lagu dhaato ooy ciiddu tahay dheemmaan
Waatii dhibaatadu dhacdee dumay dhulkeenniiye
Nin waliba dhabbuu qaaday oo toos u dhaalan dhoolye
Dhinacyada ayaa lagaga yimi badaha dhaadheere
Qof waliba halkii ay dhigtay weli dhex joogaaye,
Dheef iyo nagaad lagama helin dhoofiddii Yurube
Dhanka Reer Amerika ka daran dhaxal wareeggeene
Dheddig iyo laboodkii waa kaa dheehii naga guray
Wiilasheennii waa kuwa dhammaan jeelka lagu dhoobay
Ee aan sidii dhidar bakhtiyay cidina dhaadaynin
Hablaheennii waa kuwaa dheg-xumo dhababacaynaaya
Magaceennii waa kaa dhumeen cidina dhawrayni
Dhibkaa taa ka sii daran dadyow aan la dhuganaynin
Dhaqan adag hadduu beri jiriyo dhaabe iyo xeere
Oday talada loo dhiibo oon hadalka dhaafaynin
Marwo sharaaf ku dhimanaysa oo dhaqanka xalaysa
Oo dheelligaw diidda oo hawsha dhinac taagan,
hablihii la dhaafsisan jiray boqole dhiigisa
Ee geelalaga dhiibi jiray dhumuca baaruda
Iyo geesi Magaca dheer lehoo oo fule ka dheerado
Oo Malinatay dharatana guula soo dhaliya
Dhaqankaa wax lagu beddeley dhediyo ceeryaane
Dhunkaal baa la qooshtoo sidii geela dhugatowye
Dhaan baa la raray haamo aan dhibicna loo haynine
dhamaca iyo dabaa lagu socdaa dhuxulo naared
Dhalanteed ku guurnee halkay ina dhigtaan eegi
Ma dhisnaado aqalkaan lahayn hooyo lagu dhaarto
Dheegatiga ayaa kalagoo udub ma dhaabnado
dhigaha is wada dhaafa iyo tir dhexaad yada e,
Dhalnkiyo ubadakana cidlaa dhidar ka qataye
dhabdhab nolosha lagu kenay iyo dhib iyo luufluufka
iyo dheesha gaal baayna rogay dhemasho weeyane
Dumarow dhankeenii gabnee dhiriqda aan maydhno
Aabaha dhankiisii gabo dhugo odhaadayda
waar hooy ma dhaaddoow intaad dhilaysid geed baaska
EE aad barjaha dhiibsantahay tahay dhuundhasna cunaysid
Dhereg aad u aydiyo wallee nololi kaa dheere
Dhoobada ku aasnow wadigaan dhimanna noollayne.
Waxba gabaygu yuu ila dhamcine waxan ku sii dhaafay
Ma dhamayn karaayee haddaan nuxurka soo dhiibo
Dhaaxay abwaanaddu hortay dhiibayeen hadale
Murti dhaxal galeeniyo intaa dhigayeen taariikhe,
Ma dhamato waanoo intaa waa la dhurayaye,
dhegihiiIlaah waan shay bay dhab ugu baydhaaye
Dhiifbay ku naaxdee alow adigu soo dheekmi
Dhaahaya u jeex oo rabow dhimirku soo laabto
QUUD AWLIYAAD
Qada gabaga waa taanan qorin qad iyo looxiiye
Ma qotominn maansoyinkan qaadi jiray waaye
Qayuurkii murtida daayay oo waaban qoonsaday
Markii qaadkii loo hiilyaan qaadacoo jaraye
Waxse caawa igu soo qasaboo qaaf ka ii geeyey
Oon qaadan kari waayay waa qaan fariineede
Oo qaadku soo dhiibay baan soo qadimayaaye
Bal qabsada runbuu qeexayaa qaadka hadalkiisa.
Anigoo quruumaha roggoo qaaradaha dumiyay......qaadka ka war gura !
Anoo qodax u dadshoo rag badan qaaxo ku higaagay
Anoo qoysas kii dumiyay iyo quruxdiii reerrahaba
Anigoo qiyaammada bariyo quud ninkale haysto
Anigoo xishood waa qaniye layga wada qaaday
Anigoo wanaag oodhan qubay qiimo lagu faano
Anigoo qasaaraha horkaca qubana maalkodhan
Anoo qiiq ku wada daara oo qarafna sii raacsha
Anoon qalin ku soo koobi karan qoon intaan geeysatay
Oo weliba qarinaaya baad qaali igu sheegatay
Qaar kii kaloo iga hurdaad siidhiga u qabatay
Qool laygu sii rooriyiyo qaare igu boobe
Quud aawliyaad haygu oodhaan qaatil baan ahye.
Qudhun iyo waxan ahay intii laga qashaafaye ..ogow wali jaadkiiba ha
Qodka aan ku alaa runtii qayr lagu hayne
Qaxar iyo dhibaatan ahiyo qoomamiyo ciile
Qiil qiilka noloshaan ahiyo quudka naarede
Qardo aa dhamaan iyo intaa qarow la toos kiisa
Qisaas odhan baa igu jirtiyo qawlka la nacayaaye
Qarni aan ka liitaba ma arag qaanca xumadayda
Qaraamaadka laysoo guraa waygu sii qaane
Qiil radskaa kala dhacyee haygu sii qaylin
Quud awliyaad haygu odhaan qaatil baan ahye.
Intaa aan qulqulad gaysatay iyo qodobyo waawayn ba
Ama aan g’od hooseba u qoday tiro ma qaadayso
Inta quusta laga taagan yahay tiro ma qaadayso
Inta waali loo qirayo ee qubay hu'gii oodhan
Ma qiyaasi karayoo anaa qaadan kari waayay.
Qafil baan ku xidhay wiilashii quruxda waynaaye
Qolfoof baan ka wada dhiigay raggii qarada waynaaye
Qoobab duur lamooday waddada qararfaleeyane
Qalow baan ka wada tuuray iyo qar iyo buur dheer
Waatay qafiif wada noden qaadka awagiiye
Quud awliyaad haygu oodhaan qaatil baan ahye
Waxa gabayga yaan sii qorine waan qatimayaaye
Anoon hadalka wada qawinayn qurxda weedhayda
Cabashadu qarany soo jirtoo waa la qirayaaye
Qafaal baan udirynaa qofkii qaata dabadeene
Qolal kii mandheeraynu gayan qaabad xumadisa
Ku qabooba qaadkii dhamaan waa la qubayaaye
Wabilaahi Tawfiiq
Subscribe to:
Posts (Atom)