Sunday, 27 January 2013
dhab dhab wuxuu soo baxay 13/08/2008
tixdan yar ee gabayga ah waxan ka ga hadalaya dhibatada inaga soo
gadhay wadamada rer galbeedka iyo sida uu dhaqankeenii u burburay aniga oo korka xaadinya.
Indhawaydba gabaygii dhigay oo dhaafay hadalkiisa
waxse caawa igu dhaliyay oo dhaygag igu reebay
Oo dhibay naftaydii ayaan kuu dhex marayaye,
Dhul balaadhan Soomaali oo nabad ku dhaantaysa
Oo aan dhibaato iyo lahayn cadow dhirbaaxaaya
Oo calanka lagu dhaato ooy ciiddu tahay dheemmaan
Waatii dhibaatadu dhacdee dumay dhulkeenniiye
Nin waliba dhabbuu qaaday oo toos u dhaalan dhoolye
Dhinacyada ayaa lagaga yimi badaha dhaadheere
Qof waliba halkii ay dhigtay weli dhex joogaaye,
Dheef iyo nagaad lagama helin dhoofiddii Yurube
Dhanka Reer Amerika ka daran dhaxal wareeggeene
Dheddig iyo laboodkii waa kaa dheehii naga guray
Wiilasheennii waa kuwa dhammaan jeelka lagu dhoobay
Ee aan sidii dhidar bakhtiyay cidina dhaadaynin
Hablaheennii waa kuwaa dheg-xumo dhababacaynaaya
Magaceennii waa kaa dhumeen cidina dhawrayni
Dhibkaa taa ka sii daran dadyow aan la dhuganaynin
Dhaqan adag hadduu beri jiriyo dhaabe iyo xeere
Oday talada loo dhiibo oon hadalka dhaafaynin
Marwo sharaaf ku dhimanaysa oo dhaqanka xalaysa
Oo dheelligaw diidda oo hawsha dhinac taagan,
hablihii la dhaafsisan jiray boqole dhiigisa
Ee geelalaga dhiibi jiray dhumuca baaruda
Iyo geesi Magaca dheer lehoo oo fule ka dheerado
Oo Malinatay dharatana guula soo dhaliya
Dhaqankaa wax lagu beddeley dhediyo ceeryaane
Dhunkaal baa la qooshtoo sidii geela dhugatowye
Dhaan baa la raray haamo aan dhibicna loo haynine
dhamaca iyo dabaa lagu socdaa dhuxulo naared
Dhalanteed ku guurnee halkay ina dhigtaan eegi
Ma dhisnaado aqalkaan lahayn hooyo lagu dhaarto
Dheegatiga ayaa kalagoo udub ma dhaabnado
dhigaha is wada dhaafa iyo tir dhexaad yada e,
Dhalnkiyo ubadakana cidlaa dhidar ka qataye
dhabdhab nolosha lagu kenay iyo dhib iyo luufluufka
iyo dheesha gaal baayna rogay dhemasho weeyane
Dumarow dhankeenii gabnee dhiriqda aan maydhno
Aabaha dhankiisii gabo dhugo odhaadayda
waar hooy ma dhaaddoow intaad dhilaysid geed baaska
EE aad barjaha dhiibsantahay tahay dhuundhasna cunaysid
Dhereg aad u aydiyo wallee nololi kaa dheere
Dhoobada ku aasnow wadigaan dhimanna noollayne.
Waxba gabaygu yuu ila dhamcine waxan ku sii dhaafay
Ma dhamayn karaayee haddaan nuxurka soo dhiibo
Dhaaxay abwaanaddu hortay dhiibayeen hadale
Murti dhaxal galeeniyo intaa dhigayeen taariikhe,
Ma dhamato waanoo intaa waa la dhurayaye,
dhegihiiIlaah waan shay bay dhab ugu baydhaaye
Dhiifbay ku naaxdee alow adigu soo dheekmi
Dhaahaya u jeex oo rabow dhimirku soo laabto
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment