Thursday, 22 January 2009

qalin waxuu soo baxay 01/08/2009

haddaan qiimihii qalinka iyo sheego qaradiisa
haddii aan qiyaas buuxda iyo talada qoondeeyo
haddii aan waxa qabadakiisa iyo sheego qalad kiisa

waxa qamar sanaaciga cirkaa lugu qayraanshay
ee dayaxa loo qaybsadee looga dhigay qaarad
nukliyeerka qaacaaya ee qaraxa tuuraaya
intaa miig qumaatiga u kaca ee hawada qaada
markab qaarar wayn liyo waxaa badaha quusaaya
dhakhtarada jidhkaa qaaliga ah maqas dhex qaadsiiya
ee haddana qodob aan la'arag aayar qabad siiya

qormo lacagta lagu kaydiyiyo Qaanadaha buuxa
ee dunida qayabataad tagtaba aad ka qadanaysid
qaladakuna ka dheeryoo xisab qoran laguu dhiibi
qaxar iyo dhibatiyo iyagoon gelin qisaastoona
qallin baa intaba lagu sugee may ku iman qaylo
qaran reer galbeed baa dhistoo taagatay qaynuune
qabqabliyo waxay dabar jareen magac qabiil baase
qoraal bay ku sareen kursiga iyo qiiyaas toosan
qalin baa saxeexo shacbigu waa ku qaanacaye
qaxar iyo dhibatiyo iyagoon gelin qisaastoona
Qalin baa intaa lagu sugee maya ku iman qaylo
Afrikaa qaloocuun taqaan iyo qiyaamaynta
iyagaan qashaafaynin oo quudhsiga ku naaxa
qaraamaad in lo soo guray talo ku qaateene
oo koonbo loo qaybiyoo loo qabanado e
iyagaa qadhiidh uun ku nool quudmo ruux kale e


Arfikaa qasarha u badan qalinku uu keeno
inkastuu degree qaato uu qiimo badan yeesho
inuu qadada soo tuugsada waa wax qaalibe
qalin baa wanaga lugu helaa qarana soo saara
dhalinyarada qiimaha laheey qaata waanada tan
qalinkiinu yuu baydhin ee toos u qabadsiiya
qiyaamaynta laydinku wadiyo qaladka soo sara
quwaadiina siiyo dhamaan qaata derisaatka
qardoofaha shisheeyuu wadiyo qaybsanan diida
qarniyaan danbaynaa somaliland qaybta hore keena
qalin daarka ka ilaasha oo qaybtu ha sinaato
qorshi hiinu ha ahaado inaad tuuga qabatane
qalqalooca ka ilaaliyoo toos sha qarankeenna

Gabaygan wax la yidhaahda tiiraanyo waxuu soo baxay 29 /11 /2008

Taban taabadii gabay beryahan toos umaan galine
Tuduciisa waatan ka hadhay toya sha diisiye
tumatigu markuu dhacay ayaa laygu tibix yidhiye
aan taamay qalnkaan ka tegay oo tixahan qoraye
Dar baa ararta kal tuura oon toos u qabad siine
Aniguse halkaan taabku dhigo waaw tamadiyay
Bal aan tiriyo caawoo kalan toosiyaa hadale.
Markuu taarku soo dhacay warkii toonkii laga sheagay
Tiiranayadaan qaaday baan tiicayaa weliye
Is tahbiibi kari waayay oo waa tukubayaaye
Idinkuna tabtaas inaa tihiin waa tu la hubaaye
Ina taabatoo dhami ahaan waynagaa tubane
Tacsi inan dirnaa weeye iyo tamar waxan hayno
Naf waliba iny malin tagi waa tu'lahubayee
Samir baa wax kuu toosiyee taajir idin siiye,

Hayeeshee tabalaha dhiciyo tuuga nala yala
Cadawgaa taxashiyey dhulkii waayna tolyay
Talaabada halkuu dhigo hadan tooshka lagu haaynin
Oon lala tacaal gelin runti wayna tudhayaaye
Hadan shacbku kii aay tuhmaan shokiga ku tuurin
Oo aanay tiir adag ku xidhin towstu way badane.

Ninka qaraxa nagu tuuray ee toogatay shacbkena
Iyo talaxumaaha soo diraya ee aan u tudha haynin
Tawxiidkiyo quraankiyo sidiiay tidhiba diinteenu
Labadaba inay naartu tumi waa tu la hubaaye
Toolmoni hii maxamed baa taa inoo dhigaye (csw).
Afartaa tiriiggii murtida tahan ma qaadsiiyay
Ma tilmaamay waxan tabanayiyo taan ka socon waayay
Afar kalena waa tu aan ku odhan talo wadaag taayda
Aduunkuba tabaaliyo mar buu turun turoodayee
Tusaalay inoo wada tahiyo tab iyo xeel dheere
Tuka daran tan baa iman hadaan teedka loo xidhine
Tartan bayn garab rooraya iyo cadaw na taamaya
Talaababa inaan qaado oon turuqa aan maalno
Raggay toorri kaga daran tahaa toonka nala yaala
Isu tabiya meeshay galaan oo yanay tamarayasan

Waxaba gabaygu yuu ila teegine taama hadalkayga
Ileen midigtu tamar male hadan bidixdu tiilayne
Iskutiirsanan bay gacmuu tamar ku yeshane
Qurbe joogow aan toosno waa layna tebayaaye
Tashii wayn inaan yeelano tabaruc aan gayno
Oo tacabku waa badan yahee dhiibno tamarteena
Oo aynan is tooyan malintay taagan tahay hoodu
Tuyar iyo tu wayn waa inan taagno gacanteena
Tabaabulshe rag baa lagu ogyee tiirsha dhiniciina
Ooyayna is toyan malin taay taagan taha hoodu

gabaygan waxa la yidhaahda guubaabo waxu soo baxay 17/12/2008.

Gu'yaal iyo gu'yaal aniga oon marinnin geerarka
oo an ka gaabsaday beryahan gabayo iyo maanso
ayuun baa shinbiro gudaya iyo geydhe lay keenay
galaw baa farriin soo diriyo fiintii gololaysay
gorgor duulayaa iigu yimi gogoshii aan jiifay
oo yidhi waxan garan laa’ gacalisow taagan
geeskaan ku naalliyo haddaan geyigii ku sheego
goobtaad is taagtaba xinjiraa galan galcaynaaya
gidaarkaad ka soo weecataba meyd go’aa yaalla
waa lagu goblamay geeskiyee garo waxaan yeelo?

Markaasaan intaan gaar u baxay keligay goobayaalay
oon idhi wataa goosatee geed qadhaadh daaqday
garashadii haddii ay luntoo uu caligii gaabtay
gujo kuma irmanaado oo gaaggax weeyaane
bal gadhsii farriintayda oo gee warkan sheegay.

Ma gumaysigaa aad gashaa adiga kuu guula
Ma gumaadka Soomaali baa adiga kuu guula
Gubashada dalkaaga mindhaa adiga kuu guula
Gurboodkaa la wada laayey baa adiga kuu guula
Hooyada gambada qaadday baa adiga kuu guula
Odayada lagaa gawracaa adiga kuu guula
Geesiga xabaal kaa galaa adiga kuu guula
Calankaaga googo’aya ayaa adiga kuu guula
Gacamaha ood nin kale horsataa adiga kuu guula.

Gantaalaha ku soo daatay ee gubaya Soomaali
Kaaraha ku soo guuxyee gaw ka wada siiyey
Beebeega googooyey ee wada gumaadaaya
Garnayl Miiggu soo ganaya ee gaabshay badankooda
Diyaaradaha gumaystuhu diree guure dhabanaaya
Gabbalkii dhaciyo waaberyaba lagu garaacaayo
aan gelinna laga joojin ee lagu gumadaayo

Intaas oo gunnimo aad qabtaa aanad garanayn dheh!
Geerina ma tihid nololna waa kaa gababsiday dheh!
Nin garaadka kula mida ayaa galabba kuu yeedha
Gamuun culus dar kugu ganaya baa gogosha kuu xaadha
Gacan-haadis beenaad ku jiri guure iyo baabba’.

Garshada inta u liidataad gaar u leedahay dheh!
Adduunyada casriga gaadhay baad gooni-joog tahaydheh!
Afrika oo caqligu wada gudhaad gaane sii tahay dheh!
Gumucii la wada dayrhey baad gaar u sidataa dheh!
Inta aad is kala gadanaysaan guuli kaa dheere.


Maxaa adiga kuu gaara oo gubaya maankaaga?
Maxaa guusha kuu diidey ee geedka kaa saaray?
Maxaa gulufka iyo weerarkiyo gaaska kugu beegay?
Gebagebo maxaa kugu salliday gacan shisheeyaadka?!
Ma gartaad lahayd baad adigu goosan kari waydey?
Godob raagatey iyo ciil maxa kugu guhaameeyey?
Soomaaliya gumoodaye hadmaad garan wixii baaqday?.

Haddii gaawe kuu buuxi jiray gacaliyow daato
Gobaad inaad ku maashaad mar kale godol ka doontaaye
Gobannimo waxaa laga helaa gacan walaalnimo’e
Soomaalay is garo waadigaa gaws libaax galaye
Is-garowsadoo waar mar qudha goosta taladiinna
Nabaddana waa u wada goohayaa shicibka gaadhsiiya
Oo gogol ku wada seexda oo gaar isugu baydha.

Waxba gabaygu yuu ila gudbinne waxaan ku soo gooyey
Ilmo gobo leh dhiiggaa guntamey garshadaa ooydey
Gurracaa dhexdiinnii galiyo gaalo kala raaca
Garab garab ku riixiyo mid kale gooni ula foofka
Nin garaadkii lacag siistay baa gubay dhulkinniiye
Gebi buu ka tuuroo dalkii gaasna qabadsiiye
Doolarkaa uu guranaayo iyo isaga gaadhigaw danahe
Ubadkiisa waa kaa gurtee geeyey meel kale’e
Geyi reer galbeed buu u raray gebi ahaantoodba
Idinkana is googoosta buu idinku gubaabshey
Gacal iyo sokeeyaad tihiin geesh walaalo ahe
Oo guriba guri garanayoo laysu soo gelo’e
Oon geeri mooye marnaba geeddi kala geyne
Ee goosankiinnaa hadhow nabad is gaadhsiiya!!!

wabilaahi tawfiiq

aqal laba daryaala ah

salaan ka dib waa maanso gaaban oo ku socota jawaabna u ah ninka la yidhaa "talaabo" iyo jacaylka uu ka cabanaayo waxay soo baxday galabta oo 08/08/2008 Maansadan magaceedu waa( aqal laba daryaalaa)

Dar alleee salaan wacan
dadnimona ku ladhan tahay
wadnahayga diirani
abwaanada u soo diray
dul ahaan ba shicib kuna
dareen ila wadagaan
hadhwanaagna lagu daro
waa bariido debec sane
rabi haydin daystee
beryo dunida joogoo
ku dekeeya noloshoo
raaxo aan dakaamayn
iska daaqa baan idhi
*****************
Deelkii la curiyaba
doodii la sheegaba
Dadaalkii lakeenaba
ninwaliba god kuudegay
Dacalkuu u jeediyo
ula durgu halkuurabay
Dayrkiina lama xidhin
hadalkii ma daba go'in
Danta guud ka hadalkeed
ragu waysku dayayaa
Dacwad baa u socotoo
ana waan ku dirsaday
Diraays baan u xidhanoo
kama daalo waanada
********************
Degalkeena Somaal
inta dookh jacaly dilaya
ama Duuga lagu qoray
cilmi baw da'wayn
baal Dahaba kaga yaal
dadkuna wada ogsoonyiin
Dabka kugu baxyiyo
dareenkaa ku taabatayna
Dawo inan u dooniyo
talo laysku wada daro
Diyaar baan u ahayee
dabubatayda iga qabo
*******************
Dulmar inynu doonoo
daaroole qabanoo
duqii aabaheediyo
wiilashooda doonoo
dadab aan yagleeloo
dahab iyo xariir iyo
doolar aan ka bixinoo
boqolgeela didinoo
dunbukh laba dhacaayiyo
sange diir qurxoon iyo
baarqab doobta ridayaba
daradooda gaynoo
ku dulfrano heeryda
oon Dhiibno duunyada
ku ducayso culimadu
*****************
Dumarkuna mushxaradiyo
sacab iyo durbaan iyo
damaanshaad ciyareed
ilaa waagu daalco
darandoori loo tuumo
dabadeena hawd gee
dixidiiyo dureemada
doogiyo barwaaqada
daawshada u wacanee
dadku ay u xiisan
ha il doog satee gee.

aqal laba daryaale ah
daafaha u kala degay
moole loo diyaarshoo
dadab loo sameeyiyo
isku joog dunwacan iyo
googooska damaca waal
aqal lagu dahaadhoo
dushasare xariiriyo
kebed lagu dabooloo
dermadii darfooly
loo dadshay quruxoo
daymada jaleecada
aad ku dirsanysaan
Dulmar loo diyaarshiyo
duuubka sheekada taladii
kudayee doorkii ragan suugi
waxay talo ku darayaan

wabilaahi tawfiiq

Wednesday, 21 January 2009

gabaygan waxa la yidhaahda gocasho 2

waxuu soo baxay 17/5/2008


Waatan ana tixidii gabaanyd aan kujawabaya
Waxa gabaga iga keenay oo labatu iga gigtey
oo gubay naftaydii faadumooy gamaana ii diiday
geyigaan ku nolahaya marak gebi ahaan ee gay
gidigoodba adame dhaaman gala iyo islaamba
guryahoda waa wada dhaqadan iyo gaban carureede
somali waxa gaar ka dhigay way igeli wayaday.

Gidii hooyo somali waa wada godankase
gebibaa ku soo dumay dhaman guud haldhaalye
guri lagu negadiyo marakaya wayaday gacaltoyo
uu gabay masuulkii ilaaah garka ugu yeelay
ee geegi habasaliyo ku furay guri aabara wayne.

Gabaahirta hooyada fadhida ee goonida utaagan
Ee gaalku jaarka u yaheen layasu gelahaynin
een gacalan Soo booqn een garabana eegaynin
googol lagu caweey iyo Arkayan Gaaf la wada joogo
oo guri dheexdii yuurutoon Geesna qabanaynin
gayax iyo walaal aan lahayn gacalo soo eegta
Ee kii garagaarka u ahaa ganafka taagayo
soomali waxa gaar ka dhiigay waa I geli wayday.

yeelaha waxaw gooyayee gudin afle u diiday
oo geedi loo sahan tago iyo guri naqle u waayeyee
gogoshii lagu seexan jiray gocondho kaga daadshey
Go’od iyo aabees waxa ka dhigay wanan garanayne
gafan iyo maxa kugu saliday shlin gabarayada
Galoof iyo maxaa ka ga dhigay geela wada gaane,

Gaawaha inaad soo cusho iyo gabano haaneda
Gobaadeey halad maasho iyo goodolka kuu diiday
ee somaali guriigeed ka dhigay gelin waxan dhaamin .
Waxa nala gudboon fadumay gebi ahaantenba
talo loo gudbonyahayoo dhaman laysku garab siiyo
waa inana garataa aan furna golena gayanye
garayaqanadii hadalak iyo guurti aragtaye
oo lagu gorfeeyaa waa inatoy guulo dhalisayeeeeeee!!!!!!!

gabagan waxa la yidhaahda gocasho 1

waxu soo baxay 13 /5 /2008/

Nimaankaa naftoodii gabaye wada galiilyaysan
Nimankaa naftoodii gubee wada gawaamaaya
Nimankaan garsooriyo lahayn garasho wayeelba,

Ganboor iyo waxay daaqayaan geed Ilaah nacaye
Gawaan iyo waxay yuururaan guri xashiish weyne
Goolaftankaa kaaga daran geesiyo is moodka
Galladi waata Eebbee markuu gabay masuulkiiba
Gabadhiyo carruurtii markuu gooyey ehelkiiba
Ee uu gasiinkii ka jaray guri xanaankiiba.

Ee gacalo waa hooyo ee gubatay tiiraanyo,
Labadeeda geesood markuu gaalku kala jiitay
Gidigii haneenkii waxay gawdh la ledi wayday
Gurmad iyo markii aanay hayn aabbe garab taagan
Ee iniba gees aaddey ee talo ku gawdhiidhay
Gabbal dhaciyo waagii beryaba gocasho ooyayaso
Inta ay gacamaa hoorsatay Guule baridaaye

Iskuullada markay geyso bay gur u dhaqadaye
Guntigay u xidhataa ilayn hawshii uu gabaye
Gasiin iyo waxay raadisaa shoping-kii go'aye
Gaadhi bay ka soo buuxisaa gurigii keentaye

Iyadoo harraad gawracan oo gaajo socon waydey
Ayay dheri gangaantaa haddana gaar u karisaye
Galabnimo markay gaadho ee wakhtigu gaabto
Gucla orod ma daysee haddana ubadkii goobtaaye
Sida goodirkiyo cawsha bay gooni socotaaye
Galabtii ayuun bay baxan gabannadii qaare,

Sida galawga iyo fiinta oo uu gudgude haysto
Inta uu nafluhu gama’san yahay gaadh ayay tahaye
Gaaf wareeg ayuu ugu baryaa waagu galacdiiye

Waxba gabaygu yuu ila gudbine waxan ku soo gaabshay
Hooyada guhaaddaa qabteen laga garaabaynin
Hooyada raggeedii gabaye gaabagebaw taagan
Guullaha Ilaahow adaa garan wax meel yaalle
Adigaa gartaa goynayoo gooni kuu tahaye
Adigaa garsoor taama iyo gaadh-hayow u diriye

Mar haddaanan gumuc iyo rasaas kugu garayanin
Ama geed qudhaanjo leh tolkaa kugu gigsiinaynin
Waa inoo godkii Aakhiriyo Golihii Waaynaa dheh!!!!

gabaygan waxa la yidhaahda shaan shaan

waxaan halkan ku soo gudbinayaa gabay daba socda shiinleey da bilaabantay waxaanan u hanbalyaynyaa abwaanka faysal aw cabdi cambalaash oo inoo sii xoojiyay suugantii oo si qurux badan laysu waydarsanyo amaba lagu sheekaysanyo
gabaygan waxa la yidhaah daa (shaan shaan)waxuu soo baxay 8/18/2008


Indhawayd ba shaqal-kii murtida shiish kuman laline
mashakaalin maansooyin kaan shaacir ku ahaaye
aan shukaanta soo weeciyoo shaagga qabad siiyo
haddaad faysaloow shaaxin wayn sheeko adag saartay
oo aad shaxdii jeexday oo shiinkii aad curisay
waxse shaamareer keenay iyo sheeko lala yaabo
Inaad shirisay shaygii raggood shuuftay dumar kiiba
oo shaybe mooyee cidkale tidhi ma shawrayso
xaal baa shullaha kuu fadhiya aan shin go’in abid
************************************
hal xidhaala haad sheegaty ee shaalka ku hagoogtay
eeshaacir-kii inan raglaa sheegi kari waayay
anigaa shifada kuu hayoo kuu sharrixi doona
*********************************
wax shisheeye laga soo gatoo shaaxin lagu keeno
oo aan shar mooyee wanaag shayna kugu biirin
Shay xabashi laga keenay oo shidaya maal keena
oo Shoodhe iyo wiilashiii odayba shirinaaya
oowaliba shakigana ku riday waali lagu sheegay
oo shayadanku wada foorar shoo shaabad ugu jiiday
Shaan shaan halaga tuuro ee sharaf dhac jaad waaye (QAADKA)****************************************
shaqadaa dad wa da doontay ee sharafta loo waayay
ee kii ku sheegmaana uu shaadh cada tolanaayo
oo uu shishlaan iyo baruur laba shidhoobayo
oo shamaca loo daaryee shaarub bira yeesha
oo shiikha iyo weliga Iyo shiicbka laynaaya
oo shookiga ku tuura kii sheef u noqon waaya
waa siyaasdaa lagu shug yidhi ee la wada sheegatay (SIYAASAD)
***************************************
shuf u madhatay xaydh wayn haddii olol shidmaayaaye
Inta aan shabaab weynay ee badaha lagu sheegay
shanqadh dambena aynaan ka maqal iyo wax sheegaaya
shabeel bar baraaliyo libaax wada shuraakooby
hilbahooda ay shimidh sadeen cidina soo sheegin
shaygaasi waa uun tahriib kaa shuf naga siisay
hadday dawladdeenii shibtiidhi oo ka shiri wayday
oon culimadii shaacinayn diintu siday sheegtay
arintani shil nagu soo kordhiyo shuush na rogay weeye (TAAHRIIB)
*****************************************

hariim cadku shay guu diluu dhiiga ka shubtaaye
kayn shareeran buur shalaw ah oon shaagba mara haynin
shilka dhacaya baasuuke iyo shumuc yaraw qoriga
shil aloosan meel lagu shuf yidhi weerar laga shaacay
niman kii shafkoodaw dhigee cadaw ga shiishaayay
niman kii shisheeyaha lagaly dirir shirqoolaysan
niman kii xornimo soo shubee shicibku taageeray
sharcigooda niman kii fushee goosashada sheegay
dawlad shiciba niman kii dhasheen sheegan magaceeda
shidhadii in loo cunay oon ragaa sharaf ba loo haynin
haddii aanay shaygaasi noqon anigu maan sheegin ( SNM)
**************************************

dirxi guba shilbuu ugu dhashaa shay bakhtiya meel
shariir yaha markuu laasto ee shayna laga waayo
isagaa is wada sheema oo shoodhiihis cune
marka doogu soo shaaco ee roobku yara shuuxo
ee shilnta aan wadagurniyo qodax na shaashaysa
ee aan shalaad wada galee aan digriga sheegno
ee shiikha Reer ka ugu wacan uu shin dhalad keeno
mid shar qaba Ma waynoo qabiil shaati loo tolaye
shoodhihiisa wuu cuni qof kaan daynin sheeg sheega (QABYALADA)

maansadan waxa la yidhaahda dabayshii tahriibeed

Mansadan waxa layidhaahda dabayshaa tahribta
Waxay soo baxaday 12/7/2008

Inta deelka marisee
daadihisay maansada
abawanada dalkeeniyo
kuwa debeda joogaba salaan
baan u dirayaa.

dabayshaa tahribtuba
waa waxaan ka diirree

Deelka aan ku mariyee
jidhku iga dubaaxshee
Ka damqaday dhibaatadu

inta hooyo diriceed
Ama inan la daawado
baddu ay la durugtee
Dibna looga maqal hadal

waxse igaga sii daran
Inta aan damiirkiyo
aan lahayn dareenkee
Daba socota meeshay
dayartii ku madhatee
darka aad u furaysaa

Ee doog jacayl iyo
dahabaa la guursaday
ugu marisay Deelkee
isku guraya doonyaha

kolay waano diide
Haddii ay ku daataan
dumaddaada weeyaan .

Dadku waa islaam
dood yar baa laga yidhi

Diinlaga baxaayiyo
dad lasoo muslimiyoo
kuma ogi dalkeennii
doc kalaad u Baydhee

hadaadse mooday Diintaba
dadka inaad ka leedahay
waa dabar ilaahay
Daayinkeen na farayoo
qofna aanu diidayn
daliilkeedu wuxuu yahay
﴿٥٥﴾ وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنْسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ ﴿

Ee danta maysu Sheegnaa.
Debaddaa iska joogoo
daaraha shisheeiyo
iskadaawo yurub na
dood yar baa laga yidhi

mamarkay dekaameen
ee dabaylii xagaagiyo
mawjaddii dilaaceenee
laashash kii wax dilli jiray
ee dekedaha ku meeraayay
doonyii istaageen baad

Dalku inuu wacana yoo
khayraad ku dihin yahay
Iyo garatay dawadii
dadkuna ku samafalay

Ha afduubin xaajadana
dood yar baa laga yidhi

Adigaaba duway oo
dookh iyo jacayl iyo
Diif iyo kalgacal iyo
Dana gaarra sheegoo
Dawgii ka weecshoo
u dawaafay meel kalee

Dummaddaada weeyee
aniga haygu soo duwin.

Waxaan se kaaga digayaa
ama kugu darayaa
marlabaad Ku deeqsiin
deelaydu laba ruux dood
inay wadagaan oo dadaka
kale ka weecshan
ka da'wayn warkeeduye,

Waa dood abwaannoo
waa harro doc wayn oo
waa ceel Daluuniyo
dabin uu abwaan xidhay
waxse loo dulmarayaa
Ama loo dejinayaa
duuga loogu qorayaa
inay noqoto daawayn
Dad ka soo kacaayiyo
duul aanan weli dhalan
kuwaan aan dareemayn
digo hoos ka nool iyo
xero aan la deginoo
Dulin ku uu ku badan yahay
ku dul furayaa reeraha
ayaa loogu Digayaa ee
dooddeenna kaga guudub.

by

caasha luul maxamuud yuusuf

Tuesday, 20 January 2009

dareen nabada lagu sii

Inamada dadaalee

daabacaya Maansada
ee gudbinaya doodahaa
Marna aan ka daalayn
Dib u dhacu ka dheeryahay
Dalabaadaka soo gala

marna aan la daahayn
salaan ban u diryaa .


darkan wiilka furay Iyo
abawaanada ka daba tegay
Ee dajinaaya maansada

salaan Daafo waayn baan

hawada ugu Dirayaa


Deelayda mansada

maan jecalayn In dood iyo
daagal uu bilowdoo,
dadkuna isu muqdan

waxse aan Ka doorbiday

inan debec sanan Iyo

hadal aan denbi lahaayn

warka Kugu duur xulo
danta guud ma eegna
Haday noqotay deel qaaf

daliilban Kalleeyoo

abwaanadaan u diray taa


Dumar baa xishodkiyo

daadinya Sharaftii

hadday adiga doog iyo
Kugu noqotay shay daran
Dareen nabada lagu sii,


anba Dumar ayaan ahay
oo dhibtu Waay damaqaysaa


hadaadse Mooday daayrow
inuu roobka Kuu da'ay

dadku uu ka siman Yahay
maralabaad digniin Hoo,


dalkeenii iyo debadaba
Anoon dood ku kala gurin
Ama dayr ku kala xidhin

hadaan daawo wadayoo
an lahaa dabiib iyo
hadal dhegaha deeqaba

abwaanadu ha daadsheen


Miyay noqtay dacar iyo
naftu Waxanay doonayn.


hadaadse diiday Waanada

adigiyo dad nimma daa,
dalkan anu joogniyo
debadaan kumaqa nahay
dad islaama baanoo

dumarkiyo caruutuba
inta daayin jecelyahay

diintay ilaashaan.

Duufan tahriibeed

iyo degelo baabay
inta hooyo damalkeed

ama dahabadeedii

doonyuu la caryeen
ee dalliyada ka tuureen
ee dugaagga iyo yaydiyo

bahaluhu daldalayaan

duggayda iyo barortiyo

damin wayday qaylada

hadii aan dareemoo

damqashada la qaybsaday,

hooyadaa la daayacay

yaa duubku iga xanunee
maxa keenay diiftiyo
dookhiyo Jacayalkiyo ,

deeqa layga guursaday

Dalkan lagu rogamadyee
dabayluu dhufteenee
Baduhu ay la degyaan

yaad keenatay dooboow
niman doolar sidabaa

dahabadan jecelan

jiray dushaydii ku gursaday


waxa layidhaahda mansadan xilka dorasha guud


Abwaan keena diirane

Baa shax inoo dilaac shoo

Isku Duuba yidhi dega

nin weliba god buu degay

aniguna ka daba tegay

Dooddana ka qayb galay

deegayoo halkaa dhigay

ninka aniga iidaran

Iyo kaan i doonayn

Daawadayda kii neceb

Daldalooladay jecel

dacwadayda hoos dhiga


Daba dhiilifka igu jiraa

Dusha sare nin iga jecel

dabar gooyna ila raba

hadba derejo saara

Yoo daadihiya hawalaha

Waxa igaga sii daran

Sida aan u daba joogee

Dookha iyo xiisuu

Weli iigu daran yahay ee

Inuu daaska sii joogana

Damacaygu sii yahay

Haddaan dooda sii wada

deelaydu durugtoo

Duqaydii ka foof too

Da'yar baa isgu tiimi

Iyana waa dareen yimii

Oo diga rogasho loo waa

Waxase aan ku daraya

Doodana ku soo xidhay

Dimuquradi waxa wada

Dastuurkeena hagi kara

Dawaladaha la xidhan kara

Deejin karaya hawlaa

Deelqaafa ka saxi karaa

Dalaka horumarkii jecel

Diirnacayb qabiiliyo

Danbigana ka daahira

Dareenkoodu uu qabo

Isku duubin wadajiira

citiraaf kudayi karaa

dariiqii saxanaa iyo

dawgeeda marrin kara

Dumarakeena weeyaane

Cabdoow duurkan maanta ah

Xilka doorshada guud

iyagaan ku deyaynaaye

Raggu daacad ma ka yahay


dib inaan isugu waco

dumarkaba dhamaan tood

ka dhex dayo duqda u wacan

darajana u qalantiyo

door kii adnoo kale

iyadaan dan gaariyo

doqoniimo wadanoo

cid kaloo duwaysiyo

nacas daba socdaa jirin

iyadaa dadkeediyo

dalka horu markiisiyo

dawadiisa jeceloo

doog iyo barwaaqiyo

meel ducaysan gayn layd

kinsi waa darwiish adag

aaminaan dabkeediyo

diranaan lahaydoo

doodeedu adagahay

iyadaan dirays kiyo

hubka lagu dagaalamo

dusha sare ka xidhanoo

difaacaysa qarankee

ma u dooranaayoo

raggu daacad ma ka yahay

hadaad diidan tiin taas

iska daba wareeg iyo

deel baa la curiyaa

hadal lagu daqiiqaa

dawo keeni maysee

duuduuba hadalkoo

deeleeyda xidha oo

dana kale ka raacdoo

dembi yaanay nagu noqon