salaan ka dib waa maanso gaaban oo ku socota jawaabna u ah ninka la yidhaa "talaabo" iyo jacaylka uu ka cabanaayo waxay soo baxday galabta oo 08/08/2008 Maansadan magaceedu waa( aqal laba daryaalaa)
Dar alleee salaan wacan
dadnimona ku ladhan tahay
wadnahayga diirani
abwaanada u soo diray
dul ahaan ba shicib kuna
dareen ila wadagaan
hadhwanaagna lagu daro
waa bariido debec sane
rabi haydin daystee
beryo dunida joogoo
ku dekeeya noloshoo
raaxo aan dakaamayn
iska daaqa baan idhi
*****************
Deelkii la curiyaba
doodii la sheegaba
Dadaalkii lakeenaba
ninwaliba god kuudegay
Dacalkuu u jeediyo
ula durgu halkuurabay
Dayrkiina lama xidhin
hadalkii ma daba go'in
Danta guud ka hadalkeed
ragu waysku dayayaa
Dacwad baa u socotoo
ana waan ku dirsaday
Diraays baan u xidhanoo
kama daalo waanada
********************
Degalkeena Somaal
inta dookh jacaly dilaya
ama Duuga lagu qoray
cilmi baw da'wayn
baal Dahaba kaga yaal
dadkuna wada ogsoonyiin
Dabka kugu baxyiyo
dareenkaa ku taabatayna
Dawo inan u dooniyo
talo laysku wada daro
Diyaar baan u ahayee
dabubatayda iga qabo
*******************
Dulmar inynu doonoo
daaroole qabanoo
duqii aabaheediyo
wiilashooda doonoo
dadab aan yagleeloo
dahab iyo xariir iyo
doolar aan ka bixinoo
boqolgeela didinoo
dunbukh laba dhacaayiyo
sange diir qurxoon iyo
baarqab doobta ridayaba
daradooda gaynoo
ku dulfrano heeryda
oon Dhiibno duunyada
ku ducayso culimadu
*****************
Dumarkuna mushxaradiyo
sacab iyo durbaan iyo
damaanshaad ciyareed
ilaa waagu daalco
darandoori loo tuumo
dabadeena hawd gee
dixidiiyo dureemada
doogiyo barwaaqada
daawshada u wacanee
dadku ay u xiisan
ha il doog satee gee.
aqal laba daryaale ah
daafaha u kala degay
moole loo diyaarshoo
dadab loo sameeyiyo
isku joog dunwacan iyo
googooska damaca waal
aqal lagu dahaadhoo
dushasare xariiriyo
kebed lagu dabooloo
dermadii darfooly
loo dadshay quruxoo
daymada jaleecada
aad ku dirsanysaan
Dulmar loo diyaarshiyo
duuubka sheekada taladii
kudayee doorkii ragan suugi
waxay talo ku darayaan
wabilaahi tawfiiq