Tuesday, 20 January 2009

dareen nabada lagu sii

Inamada dadaalee

daabacaya Maansada
ee gudbinaya doodahaa
Marna aan ka daalayn
Dib u dhacu ka dheeryahay
Dalabaadaka soo gala

marna aan la daahayn
salaan ban u diryaa .


darkan wiilka furay Iyo
abawaanada ka daba tegay
Ee dajinaaya maansada

salaan Daafo waayn baan

hawada ugu Dirayaa


Deelayda mansada

maan jecalayn In dood iyo
daagal uu bilowdoo,
dadkuna isu muqdan

waxse aan Ka doorbiday

inan debec sanan Iyo

hadal aan denbi lahaayn

warka Kugu duur xulo
danta guud ma eegna
Haday noqotay deel qaaf

daliilban Kalleeyoo

abwaanadaan u diray taa


Dumar baa xishodkiyo

daadinya Sharaftii

hadday adiga doog iyo
Kugu noqotay shay daran
Dareen nabada lagu sii,


anba Dumar ayaan ahay
oo dhibtu Waay damaqaysaa


hadaadse Mooday daayrow
inuu roobka Kuu da'ay

dadku uu ka siman Yahay
maralabaad digniin Hoo,


dalkeenii iyo debadaba
Anoon dood ku kala gurin
Ama dayr ku kala xidhin

hadaan daawo wadayoo
an lahaa dabiib iyo
hadal dhegaha deeqaba

abwaanadu ha daadsheen


Miyay noqtay dacar iyo
naftu Waxanay doonayn.


hadaadse diiday Waanada

adigiyo dad nimma daa,
dalkan anu joogniyo
debadaan kumaqa nahay
dad islaama baanoo

dumarkiyo caruutuba
inta daayin jecelyahay

diintay ilaashaan.

Duufan tahriibeed

iyo degelo baabay
inta hooyo damalkeed

ama dahabadeedii

doonyuu la caryeen
ee dalliyada ka tuureen
ee dugaagga iyo yaydiyo

bahaluhu daldalayaan

duggayda iyo barortiyo

damin wayday qaylada

hadii aan dareemoo

damqashada la qaybsaday,

hooyadaa la daayacay

yaa duubku iga xanunee
maxa keenay diiftiyo
dookhiyo Jacayalkiyo ,

deeqa layga guursaday

Dalkan lagu rogamadyee
dabayluu dhufteenee
Baduhu ay la degyaan

yaad keenatay dooboow
niman doolar sidabaa

dahabadan jecelan

jiray dushaydii ku gursaday


waxa layidhaahda mansadan xilka dorasha guud


Abwaan keena diirane

Baa shax inoo dilaac shoo

Isku Duuba yidhi dega

nin weliba god buu degay

aniguna ka daba tegay

Dooddana ka qayb galay

deegayoo halkaa dhigay

ninka aniga iidaran

Iyo kaan i doonayn

Daawadayda kii neceb

Daldalooladay jecel

dacwadayda hoos dhiga


Daba dhiilifka igu jiraa

Dusha sare nin iga jecel

dabar gooyna ila raba

hadba derejo saara

Yoo daadihiya hawalaha

Waxa igaga sii daran

Sida aan u daba joogee

Dookha iyo xiisuu

Weli iigu daran yahay ee

Inuu daaska sii joogana

Damacaygu sii yahay

Haddaan dooda sii wada

deelaydu durugtoo

Duqaydii ka foof too

Da'yar baa isgu tiimi

Iyana waa dareen yimii

Oo diga rogasho loo waa

Waxase aan ku daraya

Doodana ku soo xidhay

Dimuquradi waxa wada

Dastuurkeena hagi kara

Dawaladaha la xidhan kara

Deejin karaya hawlaa

Deelqaafa ka saxi karaa

Dalaka horumarkii jecel

Diirnacayb qabiiliyo

Danbigana ka daahira

Dareenkoodu uu qabo

Isku duubin wadajiira

citiraaf kudayi karaa

dariiqii saxanaa iyo

dawgeeda marrin kara

Dumarakeena weeyaane

Cabdoow duurkan maanta ah

Xilka doorshada guud

iyagaan ku deyaynaaye

Raggu daacad ma ka yahay


dib inaan isugu waco

dumarkaba dhamaan tood

ka dhex dayo duqda u wacan

darajana u qalantiyo

door kii adnoo kale

iyadaan dan gaariyo

doqoniimo wadanoo

cid kaloo duwaysiyo

nacas daba socdaa jirin

iyadaa dadkeediyo

dalka horu markiisiyo

dawadiisa jeceloo

doog iyo barwaaqiyo

meel ducaysan gayn layd

kinsi waa darwiish adag

aaminaan dabkeediyo

diranaan lahaydoo

doodeedu adagahay

iyadaan dirays kiyo

hubka lagu dagaalamo

dusha sare ka xidhanoo

difaacaysa qarankee

ma u dooranaayoo

raggu daacad ma ka yahay

hadaad diidan tiin taas

iska daba wareeg iyo

deel baa la curiyaa

hadal lagu daqiiqaa

dawo keeni maysee

duuduuba hadalkoo

deeleeyda xidha oo

dana kale ka raacdoo

dembi yaanay nagu noqon

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete