Friday, 6 February 2009

garwaaqsi waxuu so baxay 06 09 2008

Indhawaydba gabaygii ma tirin golena maan tagine
Ma gorfaynin maansooyinkii gulucda waynaaye
Waxse aan u yara gaabiyoo reebay gacantay
daAma aan godkaan degi jiriyo meeris uga giigay
Markay dawladdeenii gudhee gaane uun noqotay
Ee gaaggax mooyee mar qudha godolba loo diiday.

Garbay noqotay inaan gees maroo go’a hagoogtaaye
Garbay noqotay inaan gaabsadoon gabayba daayaaye
Waxse galabta ii yeedhay oo godolka nooleeyay
Golaheennan waynee murtidu gallan-galcaynayso
Geeraaradaa is dhaafaaya iyo gabay rag soo tiriyay
Giiriyaale guubaabo iyo siduu gudgude sheegay
Ama maansadii garab la'a ee gama'a ii diidday

Garwaaqsaday in loo baahan yahay garab aan liicaynnin
Garwaaqsaday in loo baahan yahay talo la wada goosto
Garwaaqsaday in loo baahan yahay garasho dheeraada
Saddex gees ayaan eegay oo wada galoof madhan ah

Geesi waa tahriibtaa la galay ee gam naga siiyay
Geesna waa ganboorkaa raggii goostay badankoodu
Geesna waa gumaystaha qarsoon een la garanaynin.

Gudin iyo hangool bay sitaan geed qudhana waabin
Geeddiga la raray lama yaqaan goor la furi doono
Guurtidu ma hadashoo dhammaan waa gabbanayaane
Gole Baarlamankii xilkii waa ka gaabsadaye
Gabbaarayda ina hayasatiyo garab castaa daadsan
Gumaystaha qarsoon waa inaan gaadh ka qabannaaye
Gafanaha gigtaa nagu hayee guraya dhiiggeenna
Giddigood inaan wada gurnaan talo ku soo gooyay

Galbeed geedka laga keenayee aan la garanaynin
Gumartaa intay dhilanayeen baa la gees maraye
Gabdho iyo inay reer dhaqdaan waa ku waa gabaye
Godka ay galeen bay dhammaan guul u haystaane

Guul darrada geyiga taalla een cidi ka giigaynin
Inta gabanno aan wayney ee gaws yaxaas jiifta
Ama badahu ay guuranayaan ee gundhada yaalla
Ama gegi cidlaa uu intaa bahal ku goobaayo
Ee gaajada u le’eday ee luunku wada gooyay
Ee fiintu ay goohday ee galowgu ooyaayo
Waa geeri laba geeriyood gayax lana taagn

Waxba gabygu yuu ila gudbine ducaan ku soo gooyay
Allahayow geyiga nooga yeel guri barwaaqaad
Allahayow geyiiga nooga yeel gogol nabaadiino
Allahayow cirkoo noo godlada guunyo noo daaqdo
Allahayow nimcada gaaxanteyna noo ged dhali manta
Allow madaxda garansii xaqana gebi ahantoodba

Thursday, 5 February 2009

carurta nafada ah buu ka hadalyaa gerarkani

Canabey cisho aad
cudrkaa wax dilaaya
iyo caruurta nafadu hayso
igu sheegatay codkaaga
calooshaan ka ilmeeyay
murugo aan lacarceray
cuntadii la cunaayay
iyo biyihii lacabayay
waan ka caaga xagooda.

cajilad aan damahayn
baa cawadii iyo maalin
cindigyga ka daaran
oo ugu soo ceshamayasa
calolyo aan goahayan buu
igu beery codkaagu.

Caadilkii i abuurtow
casiiskii ilahayow
ubadkaa aan cimrigood
ku cawaynin negaad
caafimadana ku toosin
oo caruur iiny la faraxan
cayar aya la tuntaan
calooshoda ku haayn .
malaaigta cisaysaan
ee sharafta aad ku casuntay
caafimad ugu dhiib.

canabay carigeena
cibaro aad u balaadhan
iyo cudur aan ddawo hayasan
oo cadibaya halboowle
maskaxdii ciladeeyey
qaarna go'oyay cagaa
caamiyo aan waxa aarkayan
oo usha loo celinaayoiyo
maasiibaa camiraan.

Waaxse uu cudurkase
ku cabadayaa manata
ama uu cunyaa
ciroole aan kaca hayan
iyo caruurtaa yaryar weeye

ilaahow cawiya mooyee
cidina aay u maqanaayn
sida aad cabirayso ee gabaygaagu
cadeeyey inaagaw cida maanata
ee ceebi yaya ina raacin.

Tuesday, 3 February 2009

gabaygan tabasho waxan u tiriyey halyeyadii SNM

Tacabiyo talaa lagu socdaa, turuq ku mashaaye
Tartan kaa aduunyada gashaa, tiigsataa libine
madaxwayne Taama aad heshaa goleha ku taagan
oo aad halkaad taab dhigtaba lagu tixgelinaayo
sharaf lagugu teedshaa marakaad taagan tahay miiska
ubax lagugu turaa marakad hadalka tebinysid
Alaylehe bilaash lama tabcee taa SNM baa keentay
Hadaan eebahay toosinayan, teemed ma masheene
Ragii tiirka adaag noo dhisee, nolasha noo taagay
Tawaxiidka adag raacayee, rabi ku taageeray
Ee talo ilaah baa lahee, aan ka tegin diinta.

Taliskii caqliga liitay iyo, tawradii jeebiyay
Ee toogatay cadawgeeniyee, faqashtii taan dheeyeyee
toos ubaxay inaya helaan xornimo tooxweyne
Alylehe bilaash lama tabacee, taa SNM baa keentay
Alaylee tiriig aan damayan, eebe nagu taagye.

Tuuskan caawa noo hoorayiyo, togaagan noo buuxa
Tiigaaddaa baxaysiyo nimacadan, meel kastaba taala
Tobanaan kun oo wiil ayaa, akhiroow teegaye
Hayeeshee wax baan Toyonayaa, laabtu tabaysaaye

In taalooyin adag loo dhisoo, magacayo loo teedsho
Oo laydhadh laga taago bay, laabtu tabaysaa
Tacsi qaraan in lagu soo xusay, laabtu tabaysaaoo
Taarikhda lagu wada dhigay, laabtu tabaysaa
Ciidamada in lagu teba baraay, laabtu tebaysaa
Oo calanka lagu taago bay, laabtu tebaysaa
Oo taalooyin koodii wacanaa, lagu tusalaysto
Oo toosna loo qaato bay, laabtu yebaysas.

kuwa tacabirkaan soo marniyo, diidan taladeena
ama tiraya magaceena ee, lumiyay taariikhda
ama inaan tis qadniyo jeclayn, tooska nolosheena
ee tabiya xumeheena ee, caalam kaw tiriyayee
tacadiigii dhacay waqood, dib ugu taanaaya
inay tooriyayn maalin oo, taar ku mari doonto
SNM baa tilmantaa lehe taa hala ogaado.

Tiriigaa dhulkii wada ifshee, bari ka soo toosay
ee sanaag tisqaadki xornimo, sool ku tamash leeyey
ee guusha loo wada tashaday, lagu taxaasheeyey
Alaylee bilaash lama tabcee, taa SNM keentay
Ninka weli tiraabaya iyo tal xumaa jooga
Ee wiliba Soo taagan baay, tiirku xidhayaane
Taariikhdu way qoran tahee, tab iyo xeeshiinna.


Dhammaad.

dariiqaan lahayn qodax waxay soo baxaday 3/ july /2008

Ninkaa daabaka haystee
deelayda curiyee
Darmo lagu caweeyiyo
dhigay duraaxadaha ee
Ardaa noo dingiigshee
dabana yidhi kulaalee
Doobi xorka buxana
dabac nooga maalee
ubbo noo daboolaw
salaan diiran iga hano.

Aan taa ka soo deego
ragii hadal da wayan
Iyo deelayda tiriyee
reebay duugan maanta ah
duco aan u mariyee
aaminta igu dara

inta daarta akhiro
rabigay u dirayee
jooga taan la Diidayn
daayinoow alahayoow
durdurada fardoowsiyo
Ilaaha dareeriyo
darka weligii aan gi'in
Ku warabi deeqadaa
oo danbigooda wada dhaaf

daaqadaha janada
eebe haw dilaacshoo
daaha hawga qaado
hablo dahaba lamoodoo
eebahay diyaarshiyo
xuuracayan ha dortaan

wiilala da'da isleeg oo
dirshadda u nuguloo
hawsha aan ka daalayan
Dushooda haku meraan
dayinow alahyow
Qof daciifa baan ee
ducadayada iga yeel.

Inta eebe dayee
ifka weli dul joogtana
duco aan u mariyee
aaminta igu daraa
alee haydin Daayo
dabayl cafimad iyo
daawo aan dhamanyn
Haydinku deeqee
dadaalkinii waakaa
doogoobin weligii

dunidu way sal wayntee
daantaa ka jogtaan
Kudakeeya raaxoo
ku dalxisa nabadoo
nuurkinu yuuDaamin
taarikhudna ma daashoo
da'yarataa u aydee
daddaal kinii waa kaa
dadku wada higsanayaan .

Aan taa ka soo deego
raggan deelka mariyee
maanasada isu diryee
doodu ay dhex marray soow
marka hore dan waa kow
marka xigana aan dego
dantaan maanata leeyahay
hadaladan dawanayee
deelayed lagu dhigay
ma dan baa ma daawaa

Ma deeq baa madayraa
ma abara da'wayn iyo
dabadheer lamodbaa
ma digniin shisheeyoo
weli aan la dihanbaa
ma siyaasad doqonoo
duul hore Kudaaleen
baynu daba hablayanaa,

mise damal hadhwaynoo
Dumaraka iyo carurtiyo
duqaydaan Kacayn iyo
Deeqaya maxastaa.

aan taa ka soo deego
dareenkayguWuxu yidhi
danta guud ma eegnaa
abwanada Dalakaygoowiyo
kuwa debeda joogoow
maxay uga Dabooshen
dibnahodii waa kow .

dayartiyo carurtiyo
dumarakaa idlaadee
baduhu ay la deegayaan
ee Tahariib ku dabar go'ay
miyaan laga damqana hayn
Midkalaa se dacal taal
dumarkaan xishood kiyo
dabar aan lahayne
damiir kii waxa celin jiray
kaga Lumay dariiqyada
ee diiran aaya qaadkii
iyo rag Dulaysan baa badan
oo dunidaba ka haajiray.

Gurya heeni wada dumme
ubadkeeni waakaa
u dareeray meel darran
ee raggan soo duryamayoow
dawadeedu Waa maxay ?
daliil keeda yaa heli?
yaa furaya dawa Wacan
iyo dariiq aan lahayn qodax .

Wabi lahaahi tawfiiq

ducoo waxuu soo baxay 10 /28/2008

Ma'da gabayga ina muusa gurayoow daayay marin teede
maankaba kumaan hayn inaan mariyo luuqdeede
hayeeshee ducadaad meerisyo maansadii gasbayga
Miyir kay i qaadoo runbaan ula muraaqooday
Madax iyo minjaba waan bardee mawle kuu yeel
Oo rbbibaa muftax yada hayee Maxamed haw yeelo
Oo waa masiibee xanuun maalin ha u doorsho
Alahyow malaaigta culus midgta ay saarto oo
Aay macsuun uga dhigaan caafimad maxmed

Waxes aan u magasan saday ilaah mawlena u tugay
Inuu maxamed noo caafiyoo murugtu ina daayso
Oo uu mushaaxo ku maro meelwalaba raaxo
Oo diinta noo meriyoo mu'aadin noo gaadho
Oo uu mushiikh culus noqdoo makka ka eedamo
Alahyow mac buud baad tahiyo mawa lahay wayne
Mustajaba eebow ka yeel ducada aan mariyay

Qof waliba inuu mowd dhadhamin waa midh lahubaye
Qof waliba inuu malin teegi waa midh lahubaye
Ina aduunku uu madhan maraly waa midh lahubay
Anigu ducaan moosya magane aamin dheeh
Alahyow mulkow maligow maxamed noo caafi
Alahyow macbuud baad tehee maxamed noo caafi

Ducadan ku maansonya meel fog weyaane
Oo maxamed baan doonya inan u mariyay
Idinkuna ha iga maaigine mariya aaminta
Oo mawle ila tuuga oo mariya aaminta

alahyow adaa mamula dunidan misaman
majaraha adaa noo hayoo noo meshan mari dono
alahyow muradkayaga culus maanta noo yeel
Oo maxamed oo guri lehoo ubad gardadinya
Oo mudanihisii dhaliyo mamadis qaali iyaguna
mafsuud ay yihiin oo midig ka yaalan
Alahyow adaa mahada lehee manta noo yeel
oo maxamed waa jecelnaheye nooga yeel munad

waxa la yidhahdaa hayaan

Hurun teenan wacan
Hadhac roobku heely

Hooyga looga dhiigay
Salaan hayabada laan
Hawada ugu diiray

Hawad roobka daya
Hamash doogu yahay
hawreen dhirtuuna
hayaan kaan galee
hayinka ugu raraya

sowdin kan hakalaya
hanaq iyo wadanaha
hootada ku jaraay

Halelada dhashaan
hadhuub buuxi laa
hadhka damaladan
hurdo seexo laa
hoobaan baxadaan
hadaba gooso laaa
haro buuxsan taan
ku haraad bax laa

sowdinka hakalay
hanaqa iyo wadanah
hootada ku jaray

hawrarta gabaya
heesaa qurxoon
jiiftada haboon
maansada la hufo
hogee baad degtan
oo ka hal qaadataan

siduu hore u yidhi
qolqol noo hor kacay
hadimadu ma yara
dhulkii waa haloof
hadal kana dulmara
sarbebta haka tegiin
higadad dhigtana
yaan hebed ku garan
nacas yuu hanaqalin

heer sare garaac
hadal iyo dhamaan
hubka dhiga ragow
koly waan hubaa
ways hilin ogtiin
ee hog kale uga baxa

gabaygan waxa la yidhaahdaa isqar dhaaf waxuu soo baxay 10 15 2008

Indhowayd ba gabaygii ma qorin qaaliga ahaye
ma qotominnin maansooyin kaan qaabadayn jiraye
qalanbaawi gii wan gaboo qun uma luuqayne
halka se uu qalbigu doonayuu qalinku raacaaye
wax wayn bay su kay qaban la oo aan qawadayaaye
Is qar dhaafka noloshii ku dhacay waa qisiyo yaab.
**********
Qormo nabada Soomaali ood quruxda yaabayso
oo qoys wanaag iyo ku sugan waxan la qudhaynin
qosol iyo mashxarad beesha oo lagu qaxwaynayo
oo sharafta quutoo ku nool qadarin ta u fiican
oo aan qiiyamo iyo aqoon quudhsi ruuxkaleba
nolosheenii qiimaha lahayad waa la qonsaday e.
*********
Haadaan qun uga faalodo oon qodob ka soo qaato
ama qoys ku sidii uu ahaa kuuba yara qeexo
qorshe kala danbeeyuu lahaa qaybo miisaaman
qaynuuno culus buu lahaa meel la qabadasiiyo
Qof kastaaba xeer qabanayaa qoorta loo sudhayay
qalad kiisa waxu sii saxadaa qaabilka hortiiye
qaabkaasi noloshii horiyo qiimaheedii dheh
wax qayiray qiyaastaa wacnayd qaad nin laasimaye
*********
Qoton beena hadal aan wax qaban qararac daa taagan
qayliyo sawaxan aan damayn qaare beenaad ka
qalalaase ruuxuun ku nool oon qaboobaynin
oo qalaw ka laalaada oon kuu qab samahaynin.
haddii uu qabriga ruux galoo luxudka loo qaydo
qalbigaga samir baa galoo waad ku qanacadaye
wax qaracanka kugu rida qof aan dhimana nolyn e
qalad kiisa ruuxaan aqoon iyo qaloociisa
qammacana ku naaxoo ka hela nolosha ta u qaawan.

*****
Ragga qubaya qiimii dadnimo eeyna kala qaaray
qalwadii maskiyo waxay galeen qarandi hooy geede
Ka qadhmuun halkuu qaadka yaal qaadhka waxaraaye
ninka qaadka gadanaaya baa qabatin loo yahaye
qool buu gashaday oo nin qudhi qawl ma celinaayo
qolqolkay u tuban yiin sii qoon la doorsaday e
eaxa qaribaya soomaali ee qarannimow u diiday
ee qaylo dami wayday iyo qaaq ka yeedhsiiyay
inuu qaadka shayga-si yahay yaa ka qaba dood.
******
waxaba gabay gu yuu ila qunbacan ama saan qiiroone
Gobannimadda qoyskaa xukuma laguna qaydaaye
haddaan qodax aroortiyo la tirin qoomamo iyo ciilka
ama aan qorshiyo haybad wacan seeska lagu qaydin
oon qadafka ceebtiyo la latirin qaxarka reerkooda
Gunnimmadu inay qaalib noqon waa la qirayaaye
halkaas oo qorshaa laga saxaa qiil la heli laaye
bal qiyaasa tiiyoo ragani talada qoolayo
oo ay haween kay qabeen qoyska dhinac hayso
oo aan qalooc iyo lahayn wax is qilaafya.
bal wax Qiimahaa yeesha iyo sheega quurux deeda