Tuesday, 3 February 2009

ducoo waxuu soo baxay 10 /28/2008

Ma'da gabayga ina muusa gurayoow daayay marin teede
maankaba kumaan hayn inaan mariyo luuqdeede
hayeeshee ducadaad meerisyo maansadii gasbayga
Miyir kay i qaadoo runbaan ula muraaqooday
Madax iyo minjaba waan bardee mawle kuu yeel
Oo rbbibaa muftax yada hayee Maxamed haw yeelo
Oo waa masiibee xanuun maalin ha u doorsho
Alahyow malaaigta culus midgta ay saarto oo
Aay macsuun uga dhigaan caafimad maxmed

Waxes aan u magasan saday ilaah mawlena u tugay
Inuu maxamed noo caafiyoo murugtu ina daayso
Oo uu mushaaxo ku maro meelwalaba raaxo
Oo diinta noo meriyoo mu'aadin noo gaadho
Oo uu mushiikh culus noqdoo makka ka eedamo
Alahyow mac buud baad tahiyo mawa lahay wayne
Mustajaba eebow ka yeel ducada aan mariyay

Qof waliba inuu mowd dhadhamin waa midh lahubaye
Qof waliba inuu malin teegi waa midh lahubaye
Ina aduunku uu madhan maraly waa midh lahubay
Anigu ducaan moosya magane aamin dheeh
Alahyow mulkow maligow maxamed noo caafi
Alahyow macbuud baad tehee maxamed noo caafi

Ducadan ku maansonya meel fog weyaane
Oo maxamed baan doonya inan u mariyay
Idinkuna ha iga maaigine mariya aaminta
Oo mawle ila tuuga oo mariya aaminta

alahyow adaa mamula dunidan misaman
majaraha adaa noo hayoo noo meshan mari dono
alahyow muradkayaga culus maanta noo yeel
Oo maxamed oo guri lehoo ubad gardadinya
Oo mudanihisii dhaliyo mamadis qaali iyaguna
mafsuud ay yihiin oo midig ka yaalan
Alahyow adaa mahada lehee manta noo yeel
oo maxamed waa jecelnaheye nooga yeel munad

No comments:

Post a Comment