Indhowayd ba gabaygii ma qorin qaaliga ahaye
ma qotominnin maansooyin kaan qaabadayn jiraye
qalanbaawi gii wan gaboo qun uma luuqayne
halka se uu qalbigu doonayuu qalinku raacaaye
wax wayn bay su kay qaban la oo aan qawadayaaye
Is qar dhaafka noloshii ku dhacay waa qisiyo yaab.
**********
Qormo nabada Soomaali ood quruxda yaabayso
oo qoys wanaag iyo ku sugan waxan la qudhaynin
qosol iyo mashxarad beesha oo lagu qaxwaynayo
oo sharafta quutoo ku nool qadarin ta u fiican
oo aan qiiyamo iyo aqoon quudhsi ruuxkaleba
nolosheenii qiimaha lahayad waa la qonsaday e.
*********
Haadaan qun uga faalodo oon qodob ka soo qaato
ama qoys ku sidii uu ahaa kuuba yara qeexo
qorshe kala danbeeyuu lahaa qaybo miisaaman
qaynuuno culus buu lahaa meel la qabadasiiyo
Qof kastaaba xeer qabanayaa qoorta loo sudhayay
qalad kiisa waxu sii saxadaa qaabilka hortiiye
qaabkaasi noloshii horiyo qiimaheedii dheh
wax qayiray qiyaastaa wacnayd qaad nin laasimaye
*********
Qoton beena hadal aan wax qaban qararac daa taagan
qayliyo sawaxan aan damayn qaare beenaad ka
qalalaase ruuxuun ku nool oon qaboobaynin
oo qalaw ka laalaada oon kuu qab samahaynin.
haddii uu qabriga ruux galoo luxudka loo qaydo
qalbigaga samir baa galoo waad ku qanacadaye
wax qaracanka kugu rida qof aan dhimana nolyn e
qalad kiisa ruuxaan aqoon iyo qaloociisa
qammacana ku naaxoo ka hela nolosha ta u qaawan.
*****
Ragga qubaya qiimii dadnimo eeyna kala qaaray
qalwadii maskiyo waxay galeen qarandi hooy geede
Ka qadhmuun halkuu qaadka yaal qaadhka waxaraaye
ninka qaadka gadanaaya baa qabatin loo yahaye
qool buu gashaday oo nin qudhi qawl ma celinaayo
qolqolkay u tuban yiin sii qoon la doorsaday e
eaxa qaribaya soomaali ee qarannimow u diiday
ee qaylo dami wayday iyo qaaq ka yeedhsiiyay
inuu qaadka shayga-si yahay yaa ka qaba dood.
******
waxaba gabay gu yuu ila qunbacan ama saan qiiroone
Gobannimadda qoyskaa xukuma laguna qaydaaye
haddaan qodax aroortiyo la tirin qoomamo iyo ciilka
ama aan qorshiyo haybad wacan seeska lagu qaydin
oon qadafka ceebtiyo la latirin qaxarka reerkooda
Gunnimmadu inay qaalib noqon waa la qirayaaye
halkaas oo qorshaa laga saxaa qiil la heli laaye
bal qiyaasa tiiyoo ragani talada qoolayo
oo ay haween kay qabeen qoyska dhinac hayso
oo aan qalooc iyo lahayn wax is qilaafya.
bal wax Qiimahaa yeesha iyo sheega quurux deeda
Tuesday, 3 February 2009
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment