Friday, 6 February 2009

garwaaqsi waxuu so baxay 06 09 2008

Indhawaydba gabaygii ma tirin golena maan tagine
Ma gorfaynin maansooyinkii gulucda waynaaye
Waxse aan u yara gaabiyoo reebay gacantay
daAma aan godkaan degi jiriyo meeris uga giigay
Markay dawladdeenii gudhee gaane uun noqotay
Ee gaaggax mooyee mar qudha godolba loo diiday.

Garbay noqotay inaan gees maroo go’a hagoogtaaye
Garbay noqotay inaan gaabsadoon gabayba daayaaye
Waxse galabta ii yeedhay oo godolka nooleeyay
Golaheennan waynee murtidu gallan-galcaynayso
Geeraaradaa is dhaafaaya iyo gabay rag soo tiriyay
Giiriyaale guubaabo iyo siduu gudgude sheegay
Ama maansadii garab la'a ee gama'a ii diidday

Garwaaqsaday in loo baahan yahay garab aan liicaynnin
Garwaaqsaday in loo baahan yahay talo la wada goosto
Garwaaqsaday in loo baahan yahay garasho dheeraada
Saddex gees ayaan eegay oo wada galoof madhan ah

Geesi waa tahriibtaa la galay ee gam naga siiyay
Geesna waa ganboorkaa raggii goostay badankoodu
Geesna waa gumaystaha qarsoon een la garanaynin.

Gudin iyo hangool bay sitaan geed qudhana waabin
Geeddiga la raray lama yaqaan goor la furi doono
Guurtidu ma hadashoo dhammaan waa gabbanayaane
Gole Baarlamankii xilkii waa ka gaabsadaye
Gabbaarayda ina hayasatiyo garab castaa daadsan
Gumaystaha qarsoon waa inaan gaadh ka qabannaaye
Gafanaha gigtaa nagu hayee guraya dhiiggeenna
Giddigood inaan wada gurnaan talo ku soo gooyay

Galbeed geedka laga keenayee aan la garanaynin
Gumartaa intay dhilanayeen baa la gees maraye
Gabdho iyo inay reer dhaqdaan waa ku waa gabaye
Godka ay galeen bay dhammaan guul u haystaane

Guul darrada geyiga taalla een cidi ka giigaynin
Inta gabanno aan wayney ee gaws yaxaas jiifta
Ama badahu ay guuranayaan ee gundhada yaalla
Ama gegi cidlaa uu intaa bahal ku goobaayo
Ee gaajada u le’eday ee luunku wada gooyay
Ee fiintu ay goohday ee galowgu ooyaayo
Waa geeri laba geeriyood gayax lana taagn

Waxba gabygu yuu ila gudbine ducaan ku soo gooyay
Allahayow geyiga nooga yeel guri barwaaqaad
Allahayow geyiiga nooga yeel gogol nabaadiino
Allahayow cirkoo noo godlada guunyo noo daaqdo
Allahayow nimcada gaaxanteyna noo ged dhali manta
Allow madaxda garansii xaqana gebi ahantoodba

No comments:

Post a Comment