Tuesday, 18 August 2009

GURMAD

Asalaamu Calaykum dhamaan,, waxa aan idin oo guud binayaa tix gabaya oo la magac baxday (gurmad) oo ka hadlyasa dhibka gabooyaha lagu hayo ee soo jireeyn ka ah taasoo inna wada saran yahay waajibkeedu, aniga oo ku hanbalyaynaya Abwaanadii ka hadlay ee yar iyo wayn ba lahaa. Hase ahaatee inaynu kaga hadhno intaas maaha waa inaynu dabar gooynaa, lana dagaalanaa dhibkaa soo taagan.


Indhawaydba gabay gii ma gelin kal gurkiisiiye

Googoos masaafadka iyo guurow lagu heeso

Murti gaawe lagu soo shubana waan ka gaabsadaye

Geeraarka maansada ma furo gebiba suugaan

Markaa se aan gufeeyaba docbaa galow ka yeedhaye.

Gefka qaranka laga galay ayaan furay gartiisiiye

Garoon baynu wada jeexaanaa lagu gorfeeyaaye

Gole wayn ayaa laysku wici gaanka Soomaale

Guddi baan u xulaynaa gashoo gudata hawsheeda

Gunaad raagay weeyiyo hurgumo gogosha nootaala

Haddaynaan gilgilashada xumaa gacanta loo taagin

Inaguna garaad yaridataal waa la gelynaaye

Odayada nabsiga soo galee weli ku gaashaaman

Guntintay xidheen baan rabaa inaynu goynaaye .

Waxan lgu gumeeyey galeen aan lagaranynin

Godob aan la sababaynin baa guudka loo sudhaye

Geeshkaa dhan ee nala deggaa gooni loo xidhaye

Waa guuldariyo hoog dhibkaan laga garaabayne

Taariikh guracan weeye oo geerna qabanayn e

Odayada nabsiga soo galee weli ku gaashman

Guntintay xidheen baan rabaa inaynu goynaaye.

Giraan weeye duniduyo wataa geririg laynaysa

Hadhka labada gelin weeye iyo goboda waabeye

Gabbalkii dhacana waa kaluu eebbe geliyaaye

Gaajo iyo dhereg weeye oo galaba waa cayne

Nina gaar umuu helin inuu keli go'aanshaaye

Odayada nabsiga soo galee weli ku gaashman

Guntintay xidheen baan rabaa inaynu goynaaye .

Aduunyaduba waa geba gebiyo gumar qadhaadh weyne

Marna waa gu soo hooray ood gurato hoobane

Marna waa abaara gelen geliyo gubadka jiilaale

Ninka gooni loo riixaye geeska lagu feedhay

Geediga maruun buu ku furi guri barwaaqaade

Guushka iyo malabkay ka guran godomadeeniiye

Geelaa u dhaliyoo marbay gaaxda laba maali

Odayada nabsiga soo galee weli ku gaashman

Guntintay xidheen baan rabaa inaynu goynaye

Gabooyuu gudoonshay ahaan gaadha meel sare

Inshallaahu guulaan beryee waay u geli maalin .

Inta geesi gibbidh aan aqoon soo guntaday maanta

Guutada u babacdhigi yaqaan gaadihiyo muuqba

Galalafana meeshay galaan oo gamta u jooja

Gumuciyo rasastana genbiya goorta loo baahdo

Garyaqaano loo aayo iyo guurti iyo shiikhle

Gacalooy hablaha yaga layidhi gooni uga weeco

Gelbisna looga dhaartaa ileen gurintir weeyana

Geyi maysid gabadh lagu yidhaa gurintir weyane .

Inta guud haldhaaley timuhu garabka sodhaafay

Oo edebtu gaadh siisan tahay gaari lagu daabay

Gacaltooyo farax liyo wanaag gaara loo dhiibay

Midabkana guduud aan casayn geddisan maarriina

Gobanimada waa loo dhashee hadal ku gaadh siisa

Gelbisna looga dhaartaa ileen gurin tir weeyana

Geyi maysid wiil lagu yidhaa gurintir weyane .

Guhaaday qabaan baa qalbigu iga gariiraaye

Gaar loo faaquuqaa naftani gibasho ooydaaye

Gujadaa qanjaha laga geshaan keli la goohaye

Gardarada dadakaa lagu falaan gabax ilmeeyaaye.

Waxba gabaygu yuu ila guudbine gaabshay hadalkiiye

Gudaha iyo debadaba hadaan gurmad ka gaadh sino

Gadh madoobe aan saarno iyo guud cadaa taliya

Odayada nabsiga soo galee weli ku gaashman

Guntintay xidheen baan rabaa inaynu goynaaye

Gallad baa ilaahay u dhalin goor iyo ayaane

Godol baa cirkuna roob u shubi geeda soo bixiya .


wabilaahi tawfiiq

caashaluul maxamuud yuusuf

London, uk

Monday, 10 August 2009

waa maanso la magac baxday CIRIiQ

Caynka maanso lo dhigo
Cabbir gabaygu leeyahay
Geeraar la soo cugay
Casuun weyee heeladu
Caadli keena waynbaa
Cindga igudhigay taas.

Waxaan caynka ula baxay
Carigena sharaftale
Inaan lagu cayar falan.

Maansadan cajiibka ah
Waxa aan ku curinlaa
Sida calanka lo helay
Iyadooy caarif ay tahay
Cidna aanay mooganyn.

Calanke waa hore
La car ceeris tiisii
waatii carigu dumay
Coomaadi hii helay
Inkastuu cidhiidhiiyo
Nagu furay carqalada .

Ciriiq I roor iyo
Cudurkii idegay beri
Caynka iyo baydii
Ugu cararay waagii
Cidhiibti dalooshiyo
Cagtuu raranku iga gubay
Ciilkaan bigaan galay
Caawaba iday soo
Ciladaydii waan saxay.


Carbis ninman qaba yimi
Cilmi baraya ilaahay
Culimo iyo shiikh ba leeh
Niman wada cadaaliya
Curinaaya garshada
Caqli toosan baa yimi.

Calankaygii waan sudhay
Ciidankaygii waan tubay
Calamkaan lafoofaa.

Ciidayda hooyaana
Canbahiyo tufaaxiyo
Canab kaan ku beertaa
Cirku way darrooraa
Cuud kiina way dhalay
Ciirtaa la lulaya
Cayrtaa la tumayaa
Caraabuuna galabtii
Ka carow dhankisi.

Carruurtiyo haweenkii
Farxad bay ku ciidan
Casharkiyo qur'aanka
Looxa loogu caddeeyaa
Cisho waliba nolosheed
Cisibay ku gaadhaan.

Caaddilkaa ku samay taa
Caqligaan la kaashaday
Casiis kun I garan sii
Nabadaan ku caan baxay
Kuma helin cayaar fudud e
Curadda la dhaafsaday.

Cududaan lahaa iyo
Inta geesi caan baxay
Ciida hoose iga jira
Cadawgii I soo maray
Intuu wiil calashaday
Curdin soo ka cayana
Imisuu cunaa dhigay.

Inta uu cadrada dumar
Iga cunay cadaawuhu
Cadad tiro ka badan kow.

Waase caadil mahdii
Haddaan calankii ka taagon
Cashiiradiyo helkuba
Ku cawynyaan nabad.
 
 
 
 
 
 

Friday, 7 August 2009

BURCO WAAYN

Balwada iyo heesa
Gabay baawrkiisii
Geerer ka bilicda leh
Maansada budeedii
Aan idiin balaadhshee
Inyar dhegaha beegsada


Guga oo bashiishtoo
Beeshii intuu helay
Balliyada xareedii
Burqanyso Kadimada

Doogii intuu baxay
Hadaba baal u seexdoo
Baar la fidhaya moodood
Baasheaynta arageed
Indhihii ku beegmaa
Naxariis u boogayaan


beldkaan ku ababiyo
Burcaa iga dhiganoo
waanigow baqoole
ahalyow ku barkee


Basanbaaska ruuxii
Ku basely yurubee
Ku barriiqday barafiyo
Tareen bawda gurayiyo
Shoping biixidas iyo
Kaajebiya bowd yaha

Wixii aan basaas qabay
Iyo baahi culus oo
Beerkiyo Wadena iyo
Badenkayga jiifsaday
 
Madaarkii bilaaye
Laydhu ay babinayasiyo
Dalkaygaan u baahdee
U beeraqay daraadii
Markii aan bidhansaday
Faraxad bedenka hoosiyo
Beerkiyo Wadena iyo
Bawlaha ka timi baa
Jidhkaygii ku baahdee


Baari weeye mahdiiye
Mar hadaan bureeqiyo
Burco wayn ku soo degay
Baahidaydii raagtiyo
Boholyowgii aan qaba
Waanigaa bogsoodee
Bismilaahi aan idhi


Barxadii wacnayd iyo
Biyihii macaanaa
Mar hadan barin saday
ka baqooli maayee
Naftaydii u bahnyd
Waan ku bbaanan doona
Baashaalka noloshay
Naftu taay u booydee
U buseeshay weeyee
Alahayow ku barakee
 
 
 
 
 

Tuesday, 4 August 2009

SARBEEB

Asc wr wb waxaan idinku salaamayaa dhamaan salaanta Islaamka
salaan ka dib waxaan idiin soo gudbinayaa tix yar oo daba socota suleekha
oo la magac baxday (SARBEEB)
 
BISMILAAH

Sa’da gabay sifaha maansa diyo subaca heestayda
Sedriga iyo laabtaan ka saxay ararta suugane
Suul daaro kuma jiidho iyo sibibixaad toona e
Siigiyo dabayl kuma furee waw sedihiyaaye
Darbaa laba saluugaa markay saddro sheegane
Darbaa jira samaantiyo xumaa kalab saaryne
Darbaa saaka waxa jooga iyo garan sedkii tegeye
Igu sima sideedaba naxwa waan sanceeyaye.

Ninka sumada igu jiidayee saxaya dookhayga
Iyo kaa sun baan dhamay lehee wada sulaaqmaya
Iyo sacabka wiilkaa tumee soo dhaween fidiyey
Iyo soo socdow waxan ku idhi suggo odhah dayda.

Haddaad guurti sugan soo dirtiyo aabaha saxane
Oo aad cuqaal soocan iyo saartid odayaalba
Senge faras haddaad soo tubtiyo saadka lacageedba
Oo aadd sidgaha geela dhalay saaka tirinaysid
Sawd kuma fur adiga oon garan suaashayda?
 
Sebbanaan qarnaan soo jiriyo dhowr sagaa lade
Sebi aan hurdada boganin oo selelay baan ahaye
Waayeel salacaaman ahoo seegay marinkiiye
Hadana saaka uun baan dhashoo maan sabad bixine.

Sogsog baa dharkii iga riftoo soogan baan ahaye
Seeraan ku oodnahay runtii sabad abaar wayne
Sidii aan u weecdaba waxbaa xidhay samaantiiye
Surma seegto waran seeman baa saafay wadnihiiye
Sulub ololayaa igaga dhacay seeda boqon taye
Halbawla waxbaa iga saroo saydhshay dhiigiiye.

Suugaan yahan hadad tahay murtida kala safaynaaya
Sulla meelo laga guuray oo saymo haliseeda
Oo aadamii soo maraba sibiq ku dhaafaayo
Waxan igu sakalay waa inaad siinka ka cadaysid ?

Intaan halaq sabaynaya iyo sigay abes duuban
Intaan aan libaax seeman iyo sigay shabeel soogan
Intaan kaymo wada siqin siqaha ah jiidhay surin oodan.


Anoo curaad suldaan dhallay ah oo sidata bayluulka
Sadex qayd dhacliiyo boqor lehoo oo sudhan garayskayga
Iyo timo sinaha dhaafay oo sabayso neecaawdu
Mid uu qurux ilaah saray oo saafiyaan ahaye
Waxan ahay mid saalixadah oo eebahay sugaye
Mid salaada ooggaysa oo sooman baan ahaye
Mid iimaan sadd loo siiyay oo suuban baan ahaye
Saado iyo shiikh miduu dhaloo suurabban ahaye
Miday hooyo soo abibisoo edab ku saamelan
Oo haddana saran seersan baan saakinow ahaye

Suugaan yahan hadaad tahay murtida kala sifaynaya
Sulla meelo laga guuray oo saymo haliseeda
Oo aadamii soo maraa sibiq ku dhaafaayo
Waxan igu sakalay waa inaad siinka ka cadaysid ?

Kolay marinkii wada seegte oo wayddin sida taaye
Hadba dabinka kii saara baan siiyey weedhaye
Ninka aan sagsaag gelinin baan siiyey weedhaye
Ninka fura sitaar kaan xidhaan siiyey weedhaye ?

Waxba gabaygu yuu ila sibane waan sar jarayey
Xassan ganay sidiisii ninkii surin ka saaraya
Samow gaariyo kale ninkii mariya siiqdisa
Saxanow hadraawo kalo furaya sooyaalka
Ninka gala safkaas oo kalaan subaxan raacye
Hadba calafku kii uu saxee fura sarbeeb taa yar
Yaa cunaya soor tayda oon sawjadiis noqone.

wabi laahi tawfiiq
caasha luul maxamuud yuusuf