Balwada iyo heesa
Gabay baawrkiisii
Geerer ka bilicda leh
Maansada budeedii
Aan idiin balaadhshee
Inyar dhegaha beegsada
Guga oo bashiishtoo
Beeshii intuu helay
Balliyada xareedii
Burqanyso Kadimada
Doogii intuu baxay
Hadaba baal u seexdoo
Baar la fidhaya moodood
Baasheaynta arageed
Indhihii ku beegmaa
Naxariis u boogayaan
beldkaan ku ababiyo
Burcaa iga dhiganoo
waanigow baqoole
ahalyow ku barkee
Basanbaaska ruuxii
Ku basely yurubee
Ku barriiqday barafiyo
Tareen bawda gurayiyo
Shoping biixidas iyo
Kaajebiya bowd yaha
Wixii aan basaas qabay
Iyo baahi culus oo
Beerkiyo Wadena iyo
Badenkayga jiifsaday
Madaarkii bilaaye
Laydhu ay babinayasiyo
Dalkaygaan u baahdee
U beeraqay daraadii
Markii aan bidhansaday
Faraxad bedenka hoosiyo
Beerkiyo Wadena iyo
Bawlaha ka timi baa
Jidhkaygii ku baahdee
Baari weeye mahdiiye
Mar hadaan bureeqiyo
Burco wayn ku soo degay
Baahidaydii raagtiyo
Boholyowgii aan qaba
Waanigaa bogsoodee
Bismilaahi aan idhi
Barxadii wacnayd iyo
Biyihii macaanaa
Mar hadan barin saday
ka baqooli maayee
Naftaydii u bahnyd
Waan ku bbaanan doona
Baashaalka noloshay
Naftu taay u booydee
U buseeshay weeyee
Alahayow ku barakee
Friday, 7 August 2009
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment