Asalaamu Calaykum dhamaan,, waxa aan idin oo guud binayaa tix gabaya oo la magac baxday (gurmad) oo ka hadlyasa dhibka gabooyaha lagu hayo ee soo jireeyn ka ah taasoo inna wada saran yahay waajibkeedu, aniga oo ku hanbalyaynaya Abwaanadii ka hadlay ee yar iyo wayn ba lahaa. Hase ahaatee inaynu kaga hadhno intaas maaha waa inaynu dabar gooynaa, lana dagaalanaa dhibkaa soo taagan.
Indhawaydba gabay gii ma gelin kal gurkiisiiye
Googoos masaafadka iyo guurow lagu heeso
Murti gaawe lagu soo shubana waan ka gaabsadaye
Geeraarka maansada ma furo gebiba suugaan
Markaa se aan gufeeyaba docbaa galow ka yeedhaye.
Gefka qaranka laga galay ayaan furay gartiisiiye
Garoon baynu wada jeexaanaa lagu gorfeeyaaye
Gole wayn ayaa laysku wici gaanka Soomaale
Guddi baan u xulaynaa gashoo gudata hawsheeda
Gunaad raagay weeyiyo hurgumo gogosha nootaala
Haddaynaan gilgilashada xumaa gacanta loo taagin
Inaguna garaad yaridataal waa la gelynaaye
Odayada nabsiga soo galee weli ku gaashaaman
Guntintay xidheen baan rabaa inaynu goynaaye .
Waxan lgu gumeeyey galeen aan lagaranynin
Godob aan la sababaynin baa guudka loo sudhaye
Geeshkaa dhan ee nala deggaa gooni loo xidhaye
Waa guuldariyo hoog dhibkaan laga garaabayne
Taariikh guracan weeye oo geerna qabanayn e
Odayada nabsiga soo galee weli ku gaashman
Guntintay xidheen baan rabaa inaynu goynaaye.
Giraan weeye duniduyo wataa geririg laynaysa
Hadhka labada gelin weeye iyo goboda waabeye
Gabbalkii dhacana waa kaluu eebbe geliyaaye
Gaajo iyo dhereg weeye oo galaba waa cayne
Nina gaar umuu helin inuu keli go'aanshaaye
Odayada nabsiga soo galee weli ku gaashman
Guntintay xidheen baan rabaa inaynu goynaaye .
Aduunyaduba waa geba gebiyo gumar qadhaadh weyne
Marna waa gu soo hooray ood gurato hoobane
Marna waa abaara gelen geliyo gubadka jiilaale
Ninka gooni loo riixaye geeska lagu feedhay
Geediga maruun buu ku furi guri barwaaqaade
Guushka iyo malabkay ka guran godomadeeniiye
Geelaa u dhaliyoo marbay gaaxda laba maali
Odayada nabsiga soo galee weli ku gaashman
Guntintay xidheen baan rabaa inaynu goynaye
Gabooyuu gudoonshay ahaan gaadha meel sare
Inshallaahu guulaan beryee waay u geli maalin .
Inta geesi gibbidh aan aqoon soo guntaday maanta
Guutada u babacdhigi yaqaan gaadihiyo muuqba
Galalafana meeshay galaan oo gamta u jooja
Gumuciyo rasastana genbiya goorta loo baahdo
Garyaqaano loo aayo iyo guurti iyo shiikhle
Gacalooy hablaha yaga layidhi gooni uga weeco
Gelbisna looga dhaartaa ileen gurintir weeyana
Geyi maysid gabadh lagu yidhaa gurintir weyane .
Inta guud haldhaaley timuhu garabka sodhaafay
Oo edebtu gaadh siisan tahay gaari lagu daabay
Gacaltooyo farax liyo wanaag gaara loo dhiibay
Midabkana guduud aan casayn geddisan maarriina
Gobanimada waa loo dhashee hadal ku gaadh siisa
Gelbisna looga dhaartaa ileen gurin tir weeyana
Geyi maysid wiil lagu yidhaa gurintir weyane .
Guhaaday qabaan baa qalbigu iga gariiraaye
Gaar loo faaquuqaa naftani gibasho ooydaaye
Gujadaa qanjaha laga geshaan keli la goohaye
Gardarada dadakaa lagu falaan gabax ilmeeyaaye.
Waxba gabaygu yuu ila guudbine gaabshay hadalkiiye
Gudaha iyo debadaba hadaan gurmad ka gaadh sino
Gadh madoobe aan saarno iyo guud cadaa taliya
Odayada nabsiga soo galee weli ku gaashman
Guntintay xidheen baan rabaa inaynu goynaaye
Gallad baa ilaahay u dhalin goor iyo ayaane
Godol baa cirkuna roob u shubi geeda soo bixiya .
wabilaahi tawfiiq
caashaluul maxamuud yuusuf
London, uk
No comments:
Post a Comment