Tuesday, 4 August 2009

SARBEEB

Asc wr wb waxaan idinku salaamayaa dhamaan salaanta Islaamka
salaan ka dib waxaan idiin soo gudbinayaa tix yar oo daba socota suleekha
oo la magac baxday (SARBEEB)
 
BISMILAAH

Sa’da gabay sifaha maansa diyo subaca heestayda
Sedriga iyo laabtaan ka saxay ararta suugane
Suul daaro kuma jiidho iyo sibibixaad toona e
Siigiyo dabayl kuma furee waw sedihiyaaye
Darbaa laba saluugaa markay saddro sheegane
Darbaa jira samaantiyo xumaa kalab saaryne
Darbaa saaka waxa jooga iyo garan sedkii tegeye
Igu sima sideedaba naxwa waan sanceeyaye.

Ninka sumada igu jiidayee saxaya dookhayga
Iyo kaa sun baan dhamay lehee wada sulaaqmaya
Iyo sacabka wiilkaa tumee soo dhaween fidiyey
Iyo soo socdow waxan ku idhi suggo odhah dayda.

Haddaad guurti sugan soo dirtiyo aabaha saxane
Oo aad cuqaal soocan iyo saartid odayaalba
Senge faras haddaad soo tubtiyo saadka lacageedba
Oo aadd sidgaha geela dhalay saaka tirinaysid
Sawd kuma fur adiga oon garan suaashayda?
 
Sebbanaan qarnaan soo jiriyo dhowr sagaa lade
Sebi aan hurdada boganin oo selelay baan ahaye
Waayeel salacaaman ahoo seegay marinkiiye
Hadana saaka uun baan dhashoo maan sabad bixine.

Sogsog baa dharkii iga riftoo soogan baan ahaye
Seeraan ku oodnahay runtii sabad abaar wayne
Sidii aan u weecdaba waxbaa xidhay samaantiiye
Surma seegto waran seeman baa saafay wadnihiiye
Sulub ololayaa igaga dhacay seeda boqon taye
Halbawla waxbaa iga saroo saydhshay dhiigiiye.

Suugaan yahan hadad tahay murtida kala safaynaaya
Sulla meelo laga guuray oo saymo haliseeda
Oo aadamii soo maraba sibiq ku dhaafaayo
Waxan igu sakalay waa inaad siinka ka cadaysid ?

Intaan halaq sabaynaya iyo sigay abes duuban
Intaan aan libaax seeman iyo sigay shabeel soogan
Intaan kaymo wada siqin siqaha ah jiidhay surin oodan.


Anoo curaad suldaan dhallay ah oo sidata bayluulka
Sadex qayd dhacliiyo boqor lehoo oo sudhan garayskayga
Iyo timo sinaha dhaafay oo sabayso neecaawdu
Mid uu qurux ilaah saray oo saafiyaan ahaye
Waxan ahay mid saalixadah oo eebahay sugaye
Mid salaada ooggaysa oo sooman baan ahaye
Mid iimaan sadd loo siiyay oo suuban baan ahaye
Saado iyo shiikh miduu dhaloo suurabban ahaye
Miday hooyo soo abibisoo edab ku saamelan
Oo haddana saran seersan baan saakinow ahaye

Suugaan yahan hadaad tahay murtida kala sifaynaya
Sulla meelo laga guuray oo saymo haliseeda
Oo aadamii soo maraa sibiq ku dhaafaayo
Waxan igu sakalay waa inaad siinka ka cadaysid ?

Kolay marinkii wada seegte oo wayddin sida taaye
Hadba dabinka kii saara baan siiyey weedhaye
Ninka aan sagsaag gelinin baan siiyey weedhaye
Ninka fura sitaar kaan xidhaan siiyey weedhaye ?

Waxba gabaygu yuu ila sibane waan sar jarayey
Xassan ganay sidiisii ninkii surin ka saaraya
Samow gaariyo kale ninkii mariya siiqdisa
Saxanow hadraawo kalo furaya sooyaalka
Ninka gala safkaas oo kalaan subaxan raacye
Hadba calafku kii uu saxee fura sarbeeb taa yar
Yaa cunaya soor tayda oon sawjadiis noqone.

wabi laahi tawfiiq
caasha luul maxamuud yuusuf

No comments:

Post a Comment