Sunday, 27 January 2013

dhab dhab wuxuu soo baxay 13/08/2008 tixdan yar ee gabayga ah waxan ka ga hadalaya dhibatada inaga soo gadhay wadamada rer galbeedka iyo sida uu dhaqankeenii u burburay aniga oo korka xaadinya. Indhawaydba gabaygii dhigay oo dhaafay hadalkiisa waxse caawa igu dhaliyay oo dhaygag igu reebay Oo dhibay naftaydii ayaan kuu dhex marayaye, Dhul balaadhan Soomaali oo nabad ku dhaantaysa Oo aan dhibaato iyo lahayn cadow dhirbaaxaaya Oo calanka lagu dhaato ooy ciiddu tahay dheemmaan Waatii dhibaatadu dhacdee dumay dhulkeenniiye Nin waliba dhabbuu qaaday oo toos u dhaalan dhoolye Dhinacyada ayaa lagaga yimi badaha dhaadheere Qof waliba halkii ay dhigtay weli dhex joogaaye, Dheef iyo nagaad lagama helin dhoofiddii Yurube Dhanka Reer Amerika ka daran dhaxal wareeggeene Dheddig iyo laboodkii waa kaa dheehii naga guray Wiilasheennii waa kuwa dhammaan jeelka lagu dhoobay Ee aan sidii dhidar bakhtiyay cidina dhaadaynin Hablaheennii waa kuwaa dheg-xumo dhababacaynaaya Magaceennii waa kaa dhumeen cidina dhawrayni Dhibkaa taa ka sii daran dadyow aan la dhuganaynin Dhaqan adag hadduu beri jiriyo dhaabe iyo xeere Oday talada loo dhiibo oon hadalka dhaafaynin Marwo sharaaf ku dhimanaysa oo dhaqanka xalaysa Oo dheelligaw diidda oo hawsha dhinac taagan, hablihii la dhaafsisan jiray boqole dhiigisa Ee geelalaga dhiibi jiray dhumuca baaruda Iyo geesi Magaca dheer lehoo oo fule ka dheerado Oo Malinatay dharatana guula soo dhaliya Dhaqankaa wax lagu beddeley dhediyo ceeryaane Dhunkaal baa la qooshtoo sidii geela dhugatowye Dhaan baa la raray haamo aan dhibicna loo haynine dhamaca iyo dabaa lagu socdaa dhuxulo naared Dhalanteed ku guurnee halkay ina dhigtaan eegi Ma dhisnaado aqalkaan lahayn hooyo lagu dhaarto Dheegatiga ayaa kalagoo udub ma dhaabnado dhigaha is wada dhaafa iyo tir dhexaad yada e, Dhalnkiyo ubadakana cidlaa dhidar ka qataye dhabdhab nolosha lagu kenay iyo dhib iyo luufluufka iyo dheesha gaal baayna rogay dhemasho weeyane Dumarow dhankeenii gabnee dhiriqda aan maydhno Aabaha dhankiisii gabo dhugo odhaadayda waar hooy ma dhaaddoow intaad dhilaysid geed baaska EE aad barjaha dhiibsantahay tahay dhuundhasna cunaysid Dhereg aad u aydiyo wallee nololi kaa dheere Dhoobada ku aasnow wadigaan dhimanna noollayne. Waxba gabaygu yuu ila dhamcine waxan ku sii dhaafay Ma dhamayn karaayee haddaan nuxurka soo dhiibo Dhaaxay abwaanaddu hortay dhiibayeen hadale Murti dhaxal galeeniyo intaa dhigayeen taariikhe, Ma dhamato waanoo intaa waa la dhurayaye, dhegihiiIlaah waan shay bay dhab ugu baydhaaye Dhiifbay ku naaxdee alow adigu soo dheekmi Dhaahaya u jeex oo rabow dhimirku soo laabto
QUUD AWLIYAAD Qada gabaga waa taanan qorin qad iyo looxiiye Ma qotominn maansoyinkan qaadi jiray waaye Qayuurkii murtida daayay oo waaban qoonsaday Markii qaadkii loo hiilyaan qaadacoo jaraye Waxse caawa igu soo qasaboo qaaf ka ii geeyey Oon qaadan kari waayay waa qaan fariineede Oo qaadku soo dhiibay baan soo qadimayaaye Bal qabsada runbuu qeexayaa qaadka hadalkiisa. Anigoo quruumaha roggoo qaaradaha dumiyay......qaadka ka war gura ! Anoo qodax u dadshoo rag badan qaaxo ku higaagay Anoo qoysas kii dumiyay iyo quruxdiii reerrahaba Anigoo qiyaammada bariyo quud ninkale haysto Anigoo xishood waa qaniye layga wada qaaday Anigoo wanaag oodhan qubay qiimo lagu faano Anigoo qasaaraha horkaca qubana maalkodhan Anoo qiiq ku wada daara oo qarafna sii raacsha Anoon qalin ku soo koobi karan qoon intaan geeysatay Oo weliba qarinaaya baad qaali igu sheegatay Qaar kii kaloo iga hurdaad siidhiga u qabatay Qool laygu sii rooriyiyo qaare igu boobe Quud aawliyaad haygu oodhaan qaatil baan ahye. Qudhun iyo waxan ahay intii laga qashaafaye ..ogow wali jaadkiiba ha Qodka aan ku alaa runtii qayr lagu hayne Qaxar iyo dhibaatan ahiyo qoomamiyo ciile Qiil qiilka noloshaan ahiyo quudka naarede Qardo aa dhamaan iyo intaa qarow la toos kiisa Qisaas odhan baa igu jirtiyo qawlka la nacayaaye Qarni aan ka liitaba ma arag qaanca xumadayda Qaraamaadka laysoo guraa waygu sii qaane Qiil radskaa kala dhacyee haygu sii qaylin Quud awliyaad haygu odhaan qaatil baan ahye. Intaa aan qulqulad gaysatay iyo qodobyo waawayn ba Ama aan g’od hooseba u qoday tiro ma qaadayso Inta quusta laga taagan yahay tiro ma qaadayso Inta waali loo qirayo ee qubay hu'gii oodhan Ma qiyaasi karayoo anaa qaadan kari waayay. Qafil baan ku xidhay wiilashii quruxda waynaaye Qolfoof baan ka wada dhiigay raggii qarada waynaaye Qoobab duur lamooday waddada qararfaleeyane Qalow baan ka wada tuuray iyo qar iyo buur dheer Waatay qafiif wada noden qaadka awagiiye Quud awliyaad haygu oodhaan qaatil baan ahye Waxa gabayga yaan sii qorine waan qatimayaaye Anoon hadalka wada qawinayn qurxda weedhayda Cabashadu qarany soo jirtoo waa la qirayaaye Qafaal baan udirynaa qofkii qaata dabadeene Qolal kii mandheeraynu gayan qaabad xumadisa Ku qabooba qaadkii dhamaan waa la qubayaaye Wabilaahi Tawfiiq

Sunday, 8 May 2011

caafimaad sidow

cada gabay cabiran maansadiyo cududda geeraarka
casuun sharaf leh suugaan cammiran camalsaneey heesta
cawo fiida caddo tobana bay cugatay laabtaydu
cidla kama abuuree runtaan ku cilmiyeeyaaye
aan caddeeyo waa taa wax badan igu cillaasheene.

cagaar iyo caddaan iyo casaan midabbo cayn cayna
ku caddaynay tawxiidka culus ciriqa diinteena
calaamado saraan ku gu xusniyo caadil magaciisa
ciso badan malaa’iig carfoon carshiga kuu qaaday
caafimaad sidow calankayaga ciiro kuma fuusho.

inoo curi culuun madax ah oo cabirta taariikhda
inoo curi caddaalad iyo diin lagu cawaynaayo
inoo curi dhaamaan ciidankoo cadwoga goobaya
inoo curi dastuur koo cad oon cidi ka baydhay-nin
inoo curi sidii caalamkoo aan cod bixinayno
inoo curi xisbiyo caan ahoo cudurka saaraya.

Afartaa cirkoo hooray iyo curashadii-sii dheeh
curdin baxay caleen iyo ugbaad cosobka oo hawray
cuuddkoo inoo wada dhaloo caano laga buuxshay
oo ciirta iyo dhayda iyo subaggu ceegaago
ku canqari caruuraa dhashiyo culimo waayeela.

afar kale ducaan cuurayaa sida cammuuddaase
carrab aadami cawrida ishiyo caadku kuma fuulo
cimrigii jiryoow caadilkay naga ma kaa ciirsho
ha cabbudhin caloolyoow ha mudan caynku kuma gooyo
caku laguma odhan caaqilow ciiddu kuma gaadho.

nacas carara caallaha hurdiyo caaqu kuma taabto
caqli gaab calooshiis ka talis caare kuma taabto
cillad qabe curaaf jaahilyo caasi kuma taabto
ciil ku raag cidaa kala diiriyo ciinku kuma taabto
coomaade ciirsada qabiil caaduf kuma taabto
cuqdad side colaad kiciye iyo caabuq kuma taabto
cuqaal talo xun cirro baaqatiyo cawle kuma taabto.

waxba yuu caleen daaqin oo caynta miranuune
aan soo cumaamado murtidu way cartamaysaye
ceesh xalaala carri nabadbaa calaf laquutaye
casal malaba buuraha cigcigan macdanta ciiraysa
badahaa camirane nimcadu cimidhka ay joogto.
cidhif iyo ilaa cidhif waxaa canbar inoo jiifa
cayn kaad u eegtaba dhulkaa nabadu ceegaagto
Haddii aan ilaah kugu cawilin laguma caynteene

calan yow cajiib ceebta laga dhawray
inta cagala intaan ciirsi qabin cadiban ee buuxa
hooyada cadceed yuururteen cidi ka waabaynin
agoomaha cidlada jooga ee cago gubyoonaaya
curubtaa carceertee tahriib lagu calaameeyey
inta uu qurbuhu wada cuneen calaal la moodayo
kugu ceesh e kugu ciide oo kugu cibaadyste

Tuesday, 12 April 2011

SOMALILAND MUDAN

Madaxweyna heeniyo
Mar wadeena sharaf taale
Dhamaan mudana yaashiyo
Inta madasha joogtaba

Salaan muxubbo badanoo
Maamuus ku ladhan yahay
Milgadeeda hoyoo
Madaxwayne heenow
Mulkigeeda iga qabo

Haddaan maansadaydiyo
Mooshin kayga sii wado
Hadal waa midh kii odho
Ama waa macanaha bogo

Madaxweyna heenow
Mufti baa ku dhaarsho
Masxaf kii kitaab kad
Midig taada saartoo
Adaa yidhi ma gayna da
Aniga masuul ka ah

Waxii maamulkii hore
Meel aay ka tuureen
Anigaa ma saxayo
Majaraa xidhayo
Muwaadininta hagyoo
Maax iyo barwaaqiyo
Meel ducaysan wa dagayn

Meer tidii xilku lahaa
Bulshadii mug wayniyo
Makhluuq ii u soo baxay
Saddexdii mataanood
Mareegta da doorto
Magacaaga ugu riday
Miisaankii loo qoray
Wixii aay mutaysteen
Mur hadday ka daran tahay
Midh ka dhaafi maynoo
Meel bay ku taallaa.


Afartaas madal aha
Metelaya ummadaan
Inkastaanu moogee
U dul maray muhiim kee
Bal aan meeris kale gal
Somaliland mudan
Macaanoo dalkaygii
Maydi dii sanaag iyo
Sool midab wanaag eed
Daalo muunadeedii
Mush mushaaxa xiisiyo
Maydh geesaheedii

Marsadii berbera iyo
Midha sarca boorama`
Maslaii hargeysaad
Muuq wacan togdheeroo
Murtida iyo suugaan
Inta geesi magcliyo
Mujaahidiinta gaarkee
Burco loo midh soociyo
Mahuraan kii weeyee
Ha midowdo garashadu

Dhulkaa soo aan maray
In kaloonan magac dhabin
Calan keena miignaa
Madowgii ka saaroo
Milicda ka hadheeyoo
Waa meel ilaahay
Ku manaystay nabaddoo
Miyir lagu ilaashee
Sharci lagu miskeedaa
Mow low Allahayow
Kuwii mahadsha naga yeel.

Macdan taa dingiigtoo
Dahabkaa mutulanoo
Malabkaa dilqanayoo
Baadroolkaa milmilyoo
Moodka ka buuxoo
Meeshaad istagtaba
Maadh kaa inoo yaal

Mugdiga iyo jaahili
Maangaab aqoon daran
Musuq maasquun wade
Muska reerka wad yaal
Murugada u kala side

Macaash kii qabiilkiyo
Ma shaqooyin kama kore
Mooska kii dab sudhi raba
Ka ilaasha malow goo
Yaan munaafaq soo gelin
Xuduudenu yay madhan
Cadow soo muquuriyo
Mas ku yaanu soo gelin
Yaan bas aasku soo marin.

Mulatariga geeyoo
Mooraal dhiskoodiyo
Masruuf gaara siiyoo
Mushaara dooddana
Mirrir yay dib uga dhicin.

Kii miliq sanaayee
Masiibooyin doonee
Misciriirta soo gala
Madfac haw adeegsan e
Maskax iyo aqoon
dastuur ku meel mari.

Milgo-oy aaminay maqal
Maamuus kii sharaftaay
Marwadii dalkeenee
U mudnayd hawenkay.

Maxastiyo dhaaankiyo
Maatidaa daryeeshaa
Inta aan manfaca helin
Adigow miciinoo
Mumo hoos u eegee
Tay mahadiyaan noqo.

Dumar wada maduluunoo
Meelay galaan iyo
Maryo ay xidhaan qabin
Waayeel makalan baa
Mahuraan kii joogee
Marshaandiis haraacino
Haka qari nin muuq-ee
Miskiin quudiya u noqo

Dhallintaa malegenee
Gidaarada ku madhatee
Macaluushu haysee
Maandooriya cunee
Meehanaabay gaajada
Maqasheen-ii weeyee
Macallin u sameeyoo
Waa inaad masruuf taa.

Waxaba yaanan maansada
Hadba mawjad saarin
Aan miimki soo xidho
Mar hadynu maantaba
Ka mid nahay aduunyda
Maansha la weeyiyo
Mahdi eebe leeyahay
Mowlaha allahayow
Kuwii mahdsha naga yeel.

Friday, 8 April 2011

HAWAAWI

WAXUU SOO BAXAY 25 OCT 2009



Xaluun baan hawaawiga ku kaacay haatuf ila jooga
Inta baal ku hadaysa oo wada hobsheenysa
Iyo beer ku hayruufto ood hugunka yaabaysid
Hud hud iyo galaydh soo hor kace habar dugaag oodhan
Hadyad ii ilaah igu galladay hibadii lay siiyey
Murti haamo laga buuxiyo iyo heeso wada qaadanay
Hooyaallayda jiibtaan galaa hiirtu nagu gaadhay.


Hawraarta aan dhigo tixday hibatay laabtaydu
Waxan harag u tumayaa daran heelka dhuganynye
Hororrkiyo gumaystaha ayaan hoga tusaaleeyne
Hafeef tiisa kulul iyo balaan hoorka yara sheego
Digo hoos ka nool buu intaa kugu hulaaqaaye
Maa hubsade hanfade waalan buu hilib u tuuraaye
Laba aan is hurahayn ayuu kala hor joogaaye.


Heeryada markuu kugu furteen dhigo hulaabtisa
Habaar qabe halkuu dego intuu nabar ku haareeyo
Afka hooyo lama haybsadoy hodantidii kow dhe
Higgaadiisu waay wada luntaa iyo hab maalkiisu
Hadaamo dheer buu galaa dhaqan hogaankiisu
Hindisaha caqliga toosan wuu halal maceey aaye
Hootada ragguu geliyey baa garan huq dii siiye
Hengelaha ku wuu saaray baan abid hilmaamayne
Hurin tuu dhex galo waa hubaal inuu hadhuudh shaye.

Hurgumada haddaan sheego iyo halista waabayda
Halaq iyo suntii sii haddaan hubuqda kuu taabto
Gumaystu hog buu kuu qodaa hogobyo naareede
Holac iyo dabkuu kugu shidaa himirta waawyne
Hadaf garashadii dheer ayuu hanaqa gooyaaye
Halbowlaha intuu kaa jaruu hibitiqaa dhiige
Inta uu hammiga ka dilluu kugu hal gaad-aaye
Hangoolkii faraarraha lahaa gudintii heeraysay
Haddaan laga horgeyn waa hubaal inuu ham leeynaayo.

Soomalaaya habsaan baad tahoo waad hafanysaa
Hagaas kaad ka jecesha hay inaad libinta hab taaye
Afirca koo han yari lagu salliday baad la hayb tahaye
Maad hoyan ifkana waadigaa heeda dawga ahe
Hab qada iyo dhaameelka guro o hiinso dacar qooshan.
Hibirirsi gaas-uun ku soco haajir baad tahaye

Afartaa humaag maanso iyo gabay hanaankiis dheeh
Habka nabada heemal qurxoon nolosha haynteed dheh
Hiddo tiriska suugaan habboon halowsigeedii dheeh
Hubka qoriga hawsariga dhaca hirar ka dhaadheer dheeh
Hagarli hantida gaare hee eebe ii huray dheh.

Afarkale halkaan degi lahaa hadalka aan sheego
Adduunyadu waxay haybsatee loo hirdamay sheego
Hoggaanka iyo seetada la furay hawsha balaan sheego
Hadhuubkiyo listii loo halgamay hooska yare sheego,

Hodan nabadu weeyee dhulkaa lagu hadaaqayo
Haddaan heegan loo noqon illeen lama hurden jiife
Hareera hadaan laysla qaban lama hillaad sheene
Hawada iyo dayaxa sare ayaan lagu hayaameen e
Hiigsiga aduunyada ayaan lala han qaadeene .

Hadal kuma dhameeye bal aan hore u sii raaco
Gobanimo horseed weeye iyo hayga nololeede
Bulsho himilo dooneysa bay hiil u noqotaye
Hibo weeye EEBAHAY baxshoo cidina kuu hayne

Haybadda iyo sharaf weeye uu kugu hagoogay e.
Waa heego kuu curatay iyo hogol daruur eede
Waa haleela doo kuu dhashood ka haqab beesha ye
Waa hoorimaad koo da'o haradu buuxdaye

Waa ubax hareerha fiid shood halacsi eegtaye
Waa hamsh dhirtoo wada ahood hadhaca jiiftaye
Waa midhaha oo haawray ood gurato hoobane
Shicib horumar garanaya baa hela wanaag aase
Markuu geesi heensa how xidhee halista uu jiidho
Ee hanad xabaalaha galaa lagu hirtaa guule.


Haddaan gabaygu waa ila hadfee soo hojiyo luuqada
Waxa badan bay abwaaniin horiyo haatan ku wa jooga
Halqabsi iyo maahmaah qoreen shay hal beegsiye ahe
Haddaan dheguu hu hoodaamin oon laabtu hidinynin
Harraad weeye waanadu markaan ruuxba hananyne
Hoosiis ku nooleeye ILLAAH haadka kuma siiyo.

XAMIDE EEBE

XAMDI

Xurriyaddoo Rabbi buuxsho
Xaasidkoo la idleeyo
Xaqdarradoo la dulleeyo
Xumaantoo dhan mid reeba
Xamdi Eebbe na siyoo

Duqay xeerka adkaysa
Arday diin xiftiyeysa
Aqoonyahan xaqa dhawra.
Madaxweyne xalaal ah
Xushmad loon ka dambeeynno
Millitari nagu xeeran
Calankoo xor u taagan.

Mid danteenna u xaydan
U xanjeeran wanaagga
Badahaa la xadaayo
Ugaadhi la xasuuqay
Macdantaa la xagaafay
Tahriibtaa lagu xaaqmay
Mid ay xaaddu u diirtoo
Xuduudda ilaasha oon
Lagu soo xadgudbayn.

Mid waayeelka xurmeeya
Xannaaneeya agoonta
Xoogga kii aan lahayn iyo
Mid xasuusta dhallaanka.

Mid xaaraanta ka roora
Xaadiraaya salaaada
Xadiiskeenni Rasuulkiyo (CSW)
Mid xaqiija Quraanka
Waan u xiisa qabnaaye,
Xaakimow na tus manta!

Afraataas qalbi xaadhanoo
Xaaladdii waddankeenna
Xogwaraysi ku sheegey
Waa xisaabo dahsoone
Idina xooja aammiinta.

Afar kaleeto xaruuri iyo
Xaashee quruxdiisaa
Xubin yar aan ka tilmaamee.

Xilli roobku da’aayo
Xoolaha oo dhalay manta
Xoorka oo la lisaayo
Xaawaleey ciirta lulaysa
Xantadoo laga shiilay
Sixintoo xaggan taalla.

Googgooskoo la xardhaayo
Iskujoog xarafaysan
Toddobaale xariir ah
Kebeddoo la xurmeeyey
Farshaxankoo xigmadeeysan
Ku xayndaaban wanaagga
Waan u xiiso qabnaaye,
Xaakinkow na tus manta!

Xamakowgoo bislaaday
Quwaaxii xagashowbay
Madheedhkoo xanjiroobay
Hohobtoo qolof xaydday.

Shinnidood xiinka ka yaabto
Malabkii xidhxidhaysaa
Dhurdihiina ku xoomay.

Balligoo leh xayaabo
Xarfinayso dabayshuye
Rahu xeelad dhawaaqay
Hadba koox xasillooni
Xejinysa cayaarta,
Shinbirihiina xaggoodii
Xarakeeyey codkiiyoo
Hees la soo xulay moodidood
Hadba mowjad xidhaaya
Waan u xiiso qabnaaye,
Xaakinkow na tus manta!

SURMI

SURMI

Maansadii sifaysnayd
Gabaygii sarbeebnaa
Suugaantii miirnayd
Inkastoon ka saahiday
Sa’ iyo Miim ka qoriddii
Si kastaba ha noqotee
Inta ay sidaa tahay
Gumeystuu i sudhanyahay
Kama seexanaayoo
Qalinkaygu wuu socon.

Saancaddaale baas baa
Soo diraaya amarkoon
Sakal ugu jirnaayoo
Mareeg aan u sudhannahay
Maskan soo siqaayee
Miciyaa sifeeystaan
Suurrayn warkiisee
Adiguna bal ila soco.

Milas baa saxiix iyo
Suulka gacanta saaroo
Yidhi: ‘kaan sidaan rabo
Igu siinin garabkee
Igu daba saqlaynow!
Saldhig hoos u qodan baan
Kuu dhigay silsiladdoo
Sabarado caddaadiyo
Madanii salselayaan
Summad kaaga dhigayaa.’

Ninkii aynnu soocnee
Xilka aynnu saarnee
Nidhi samo ku duuloo
Saaka adigu noo tali.

Illayn waa sawaabkaa
Maskaxdii saxaysiyo
Caqligii ka seexdeen
Ka siqsiqin xumaantee.

Marka uu sunuuddii
Sanqadhooda loo tumo
Yuu yidhi: ‘Sanaawow
Sida aan u darabjaro
Saacad adigu ii qabo’.

‘Siikawe dhaca iyo
Suugiyo shilka ah iyo
Saadka adigu ii badi
Badh anaa solaayoo
Saaraaya daawaha
Badh sanuunad kulul iyo
Suugaan ka dhigayaa
Badh suuf la daadshiyo
Salool baan ka dhigayaa
Sarahaan duminayaa
Suuqyadaan xannibayaa
Badahaan saydhaynoo
Sunta ugu darayaa
Dalka siinaddiisiyo
Siidhkiisa waan gubi.

Soomaalinnimadiyo
Waxaanay ku seleleen
Sinjigeeda waan bi'in
Kan samaacadahiyo
La wareega siidhi ee
Suxufiga la leeyeey,
Isagana suryaan gelin.

Saaxiib Kibaakow!
Dabar baan u soohoo
Seetaan ku xidhayoo
Sixirkii qabiilkaan
Soomaali raacshoo
Soor ugu walaaqee
Adiguna si kale keen!
Siidhiga u tumo oo
Saameel markaagoo
Soo qaado seefaha.

Sambabka iyo beerkiyo
Surimmada wadnahiyo
Seed iyo halbowlaha
Anigaa sarsarsarayoo
Saafaya jiidhkee,
Saaxib ka yara baydh!

Dar surwaal khamiiskiyo
Sanka loo xidhxidhaaya
Darna suufiyaal iyo
Sito iyo xer bay noqon
Darna Saalixiin iyo
Selef baan ka dhigayaa.

Diintaan saawasaaweyn
Siiradaan beddelayaa
Sunnaha iyo faralkaan
Soddon nooc u dhigayaa
Subaca iyo Quraankana
Hadba qaar la saxayaa
Sadarrada xaddiiskaan
Nin walow ku samafalo
Hadal ugu sar jarayaa.

Yaa ka qaba su’aal tolow,
Soomaalinnimadii
Sax in loo cabudhiyoo
Saxariir la badayoo
Silicaan dhammaan baa
Loo suray kooraha.

Ninka aynnu sugaynnee
‘Saajinow!’ ku leennahay
Isagaa bay sidataa
Amarkii Sanaawiyo
Salaan buu bixinayaa.

Isaguna si dalag buu
Si yar ugu yidhaahda
Suudh dawarsi kuu xidhay
Kugu idhi sekada guri
Haddaba sooryo qaado
La wareeg suxuuntoo
Saddaqada ku noolow.


Waxaan siinka kaga baxay
Maansadaydii Sooyaal
Seben hore wixii dhacay
Iyo saaka waxa jira
Soo socoto aan iimin
Ninka aan sax iyo maan,
Kala saarahaynow!
Malaa waad salcaantoo
Sarrifkaa ku qaatee
Sidan dunidu ma ahayn.

Taariikhdu way socon
Saxar dhaafi maysoo
Sahal bay u qoraysaa
Sedka Eebbe bixiyiyo
Samir lagama quustee
Tukaalaan ku sugayaa.

Saatir baan baryaaya
Mid samaanta jeceloo
Sabadkiisa dhowroo
Saxalkaa dhex yaalliyo
Saaraya xumahoo
Gumeystaa sifeeyoo.

Saboolka iyo maatada
Waayeelka sakatiyey
Seleleen hurdada bogan
Agoonkii surmigu dilay
Hooyadii sukowdee
Saygeedii waydee
Subax noolba ooydee
Ilmadu ay ka socotee
Seegseegtey noloshii.

Mid u samafalaayoo
Saantu ay u diirtoo
Seeraha ku ururshoo
Sharaftii saraysiyo
Sumcadday lahayd iyo
Sawraceedi toosnaa,
Soo celiya noo keen!