Friday, 8 April 2011

XAMIDE EEBE

XAMDI

Xurriyaddoo Rabbi buuxsho
Xaasidkoo la idleeyo
Xaqdarradoo la dulleeyo
Xumaantoo dhan mid reeba
Xamdi Eebbe na siyoo

Duqay xeerka adkaysa
Arday diin xiftiyeysa
Aqoonyahan xaqa dhawra.
Madaxweyne xalaal ah
Xushmad loon ka dambeeynno
Millitari nagu xeeran
Calankoo xor u taagan.

Mid danteenna u xaydan
U xanjeeran wanaagga
Badahaa la xadaayo
Ugaadhi la xasuuqay
Macdantaa la xagaafay
Tahriibtaa lagu xaaqmay
Mid ay xaaddu u diirtoo
Xuduudda ilaasha oon
Lagu soo xadgudbayn.

Mid waayeelka xurmeeya
Xannaaneeya agoonta
Xoogga kii aan lahayn iyo
Mid xasuusta dhallaanka.

Mid xaaraanta ka roora
Xaadiraaya salaaada
Xadiiskeenni Rasuulkiyo (CSW)
Mid xaqiija Quraanka
Waan u xiisa qabnaaye,
Xaakimow na tus manta!

Afraataas qalbi xaadhanoo
Xaaladdii waddankeenna
Xogwaraysi ku sheegey
Waa xisaabo dahsoone
Idina xooja aammiinta.

Afar kaleeto xaruuri iyo
Xaashee quruxdiisaa
Xubin yar aan ka tilmaamee.

Xilli roobku da’aayo
Xoolaha oo dhalay manta
Xoorka oo la lisaayo
Xaawaleey ciirta lulaysa
Xantadoo laga shiilay
Sixintoo xaggan taalla.

Googgooskoo la xardhaayo
Iskujoog xarafaysan
Toddobaale xariir ah
Kebeddoo la xurmeeyey
Farshaxankoo xigmadeeysan
Ku xayndaaban wanaagga
Waan u xiiso qabnaaye,
Xaakinkow na tus manta!

Xamakowgoo bislaaday
Quwaaxii xagashowbay
Madheedhkoo xanjiroobay
Hohobtoo qolof xaydday.

Shinnidood xiinka ka yaabto
Malabkii xidhxidhaysaa
Dhurdihiina ku xoomay.

Balligoo leh xayaabo
Xarfinayso dabayshuye
Rahu xeelad dhawaaqay
Hadba koox xasillooni
Xejinysa cayaarta,
Shinbirihiina xaggoodii
Xarakeeyey codkiiyoo
Hees la soo xulay moodidood
Hadba mowjad xidhaaya
Waan u xiiso qabnaaye,
Xaakinkow na tus manta!

No comments:

Post a Comment