SURMI
Maansadii sifaysnayd
Gabaygii sarbeebnaa
Suugaantii miirnayd
Inkastoon ka saahiday
Sa’ iyo Miim ka qoriddii
Si kastaba ha noqotee
Inta ay sidaa tahay
Gumeystuu i sudhanyahay
Kama seexanaayoo
Qalinkaygu wuu socon.
Saancaddaale baas baa
Soo diraaya amarkoon
Sakal ugu jirnaayoo
Mareeg aan u sudhannahay
Maskan soo siqaayee
Miciyaa sifeeystaan
Suurrayn warkiisee
Adiguna bal ila soco.
Milas baa saxiix iyo
Suulka gacanta saaroo
Yidhi: ‘kaan sidaan rabo
Igu siinin garabkee
Igu daba saqlaynow!
Saldhig hoos u qodan baan
Kuu dhigay silsiladdoo
Sabarado caddaadiyo
Madanii salselayaan
Summad kaaga dhigayaa.’
Ninkii aynnu soocnee
Xilka aynnu saarnee
Nidhi samo ku duuloo
Saaka adigu noo tali.
Illayn waa sawaabkaa
Maskaxdii saxaysiyo
Caqligii ka seexdeen
Ka siqsiqin xumaantee.
Marka uu sunuuddii
Sanqadhooda loo tumo
Yuu yidhi: ‘Sanaawow
Sida aan u darabjaro
Saacad adigu ii qabo’.
‘Siikawe dhaca iyo
Suugiyo shilka ah iyo
Saadka adigu ii badi
Badh anaa solaayoo
Saaraaya daawaha
Badh sanuunad kulul iyo
Suugaan ka dhigayaa
Badh suuf la daadshiyo
Salool baan ka dhigayaa
Sarahaan duminayaa
Suuqyadaan xannibayaa
Badahaan saydhaynoo
Sunta ugu darayaa
Dalka siinaddiisiyo
Siidhkiisa waan gubi.
Soomaalinnimadiyo
Waxaanay ku seleleen
Sinjigeeda waan bi'in
Kan samaacadahiyo
La wareega siidhi ee
Suxufiga la leeyeey,
Isagana suryaan gelin.
Saaxiib Kibaakow!
Dabar baan u soohoo
Seetaan ku xidhayoo
Sixirkii qabiilkaan
Soomaali raacshoo
Soor ugu walaaqee
Adiguna si kale keen!
Siidhiga u tumo oo
Saameel markaagoo
Soo qaado seefaha.
Sambabka iyo beerkiyo
Surimmada wadnahiyo
Seed iyo halbowlaha
Anigaa sarsarsarayoo
Saafaya jiidhkee,
Saaxib ka yara baydh!
Dar surwaal khamiiskiyo
Sanka loo xidhxidhaaya
Darna suufiyaal iyo
Sito iyo xer bay noqon
Darna Saalixiin iyo
Selef baan ka dhigayaa.
Diintaan saawasaaweyn
Siiradaan beddelayaa
Sunnaha iyo faralkaan
Soddon nooc u dhigayaa
Subaca iyo Quraankana
Hadba qaar la saxayaa
Sadarrada xaddiiskaan
Nin walow ku samafalo
Hadal ugu sar jarayaa.
Yaa ka qaba su’aal tolow,
Soomaalinnimadii
Sax in loo cabudhiyoo
Saxariir la badayoo
Silicaan dhammaan baa
Loo suray kooraha.
Ninka aynnu sugaynnee
‘Saajinow!’ ku leennahay
Isagaa bay sidataa
Amarkii Sanaawiyo
Salaan buu bixinayaa.
Isaguna si dalag buu
Si yar ugu yidhaahda
Suudh dawarsi kuu xidhay
Kugu idhi sekada guri
Haddaba sooryo qaado
La wareeg suxuuntoo
Saddaqada ku noolow.
Waxaan siinka kaga baxay
Maansadaydii Sooyaal
Seben hore wixii dhacay
Iyo saaka waxa jira
Soo socoto aan iimin
Ninka aan sax iyo maan,
Kala saarahaynow!
Malaa waad salcaantoo
Sarrifkaa ku qaatee
Sidan dunidu ma ahayn.
Taariikhdu way socon
Saxar dhaafi maysoo
Sahal bay u qoraysaa
Sedka Eebbe bixiyiyo
Samir lagama quustee
Tukaalaan ku sugayaa.
Saatir baan baryaaya
Mid samaanta jeceloo
Sabadkiisa dhowroo
Saxalkaa dhex yaalliyo
Saaraya xumahoo
Gumeystaa sifeeyoo.
Saboolka iyo maatada
Waayeelka sakatiyey
Seleleen hurdada bogan
Agoonkii surmigu dilay
Hooyadii sukowdee
Saygeedii waydee
Subax noolba ooydee
Ilmadu ay ka socotee
Seegseegtey noloshii.
Mid u samafalaayoo
Saantu ay u diirtoo
Seeraha ku ururshoo
Sharaftii saraysiyo
Sumcadday lahayd iyo
Sawraceedi toosnaa,
Soo celiya noo keen!
Friday, 8 April 2011
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Waa suugaan aan looga baran dumarka Soomaaliyeed ragguna u quudhin,aniga oo arrintaa hore uga hadlay sannadkii 2011 bal maqaalkan ila eega:
ReplyDeleteriix hoos:
http://oodweynenews.com/v1/2011/12/dumarka-iyo-suugaanta-by-kayd-maxamed-cabdalla.html