Friday, 8 April 2011

HAWAAWI

WAXUU SOO BAXAY 25 OCT 2009



Xaluun baan hawaawiga ku kaacay haatuf ila jooga
Inta baal ku hadaysa oo wada hobsheenysa
Iyo beer ku hayruufto ood hugunka yaabaysid
Hud hud iyo galaydh soo hor kace habar dugaag oodhan
Hadyad ii ilaah igu galladay hibadii lay siiyey
Murti haamo laga buuxiyo iyo heeso wada qaadanay
Hooyaallayda jiibtaan galaa hiirtu nagu gaadhay.


Hawraarta aan dhigo tixday hibatay laabtaydu
Waxan harag u tumayaa daran heelka dhuganynye
Hororrkiyo gumaystaha ayaan hoga tusaaleeyne
Hafeef tiisa kulul iyo balaan hoorka yara sheego
Digo hoos ka nool buu intaa kugu hulaaqaaye
Maa hubsade hanfade waalan buu hilib u tuuraaye
Laba aan is hurahayn ayuu kala hor joogaaye.


Heeryada markuu kugu furteen dhigo hulaabtisa
Habaar qabe halkuu dego intuu nabar ku haareeyo
Afka hooyo lama haybsadoy hodantidii kow dhe
Higgaadiisu waay wada luntaa iyo hab maalkiisu
Hadaamo dheer buu galaa dhaqan hogaankiisu
Hindisaha caqliga toosan wuu halal maceey aaye
Hootada ragguu geliyey baa garan huq dii siiye
Hengelaha ku wuu saaray baan abid hilmaamayne
Hurin tuu dhex galo waa hubaal inuu hadhuudh shaye.

Hurgumada haddaan sheego iyo halista waabayda
Halaq iyo suntii sii haddaan hubuqda kuu taabto
Gumaystu hog buu kuu qodaa hogobyo naareede
Holac iyo dabkuu kugu shidaa himirta waawyne
Hadaf garashadii dheer ayuu hanaqa gooyaaye
Halbowlaha intuu kaa jaruu hibitiqaa dhiige
Inta uu hammiga ka dilluu kugu hal gaad-aaye
Hangoolkii faraarraha lahaa gudintii heeraysay
Haddaan laga horgeyn waa hubaal inuu ham leeynaayo.

Soomalaaya habsaan baad tahoo waad hafanysaa
Hagaas kaad ka jecesha hay inaad libinta hab taaye
Afirca koo han yari lagu salliday baad la hayb tahaye
Maad hoyan ifkana waadigaa heeda dawga ahe
Hab qada iyo dhaameelka guro o hiinso dacar qooshan.
Hibirirsi gaas-uun ku soco haajir baad tahaye

Afartaa humaag maanso iyo gabay hanaankiis dheeh
Habka nabada heemal qurxoon nolosha haynteed dheh
Hiddo tiriska suugaan habboon halowsigeedii dheeh
Hubka qoriga hawsariga dhaca hirar ka dhaadheer dheeh
Hagarli hantida gaare hee eebe ii huray dheh.

Afarkale halkaan degi lahaa hadalka aan sheego
Adduunyadu waxay haybsatee loo hirdamay sheego
Hoggaanka iyo seetada la furay hawsha balaan sheego
Hadhuubkiyo listii loo halgamay hooska yare sheego,

Hodan nabadu weeyee dhulkaa lagu hadaaqayo
Haddaan heegan loo noqon illeen lama hurden jiife
Hareera hadaan laysla qaban lama hillaad sheene
Hawada iyo dayaxa sare ayaan lagu hayaameen e
Hiigsiga aduunyada ayaan lala han qaadeene .

Hadal kuma dhameeye bal aan hore u sii raaco
Gobanimo horseed weeye iyo hayga nololeede
Bulsho himilo dooneysa bay hiil u noqotaye
Hibo weeye EEBAHAY baxshoo cidina kuu hayne

Haybadda iyo sharaf weeye uu kugu hagoogay e.
Waa heego kuu curatay iyo hogol daruur eede
Waa haleela doo kuu dhashood ka haqab beesha ye
Waa hoorimaad koo da'o haradu buuxdaye

Waa ubax hareerha fiid shood halacsi eegtaye
Waa hamsh dhirtoo wada ahood hadhaca jiiftaye
Waa midhaha oo haawray ood gurato hoobane
Shicib horumar garanaya baa hela wanaag aase
Markuu geesi heensa how xidhee halista uu jiidho
Ee hanad xabaalaha galaa lagu hirtaa guule.


Haddaan gabaygu waa ila hadfee soo hojiyo luuqada
Waxa badan bay abwaaniin horiyo haatan ku wa jooga
Halqabsi iyo maahmaah qoreen shay hal beegsiye ahe
Haddaan dheguu hu hoodaamin oon laabtu hidinynin
Harraad weeye waanadu markaan ruuxba hananyne
Hoosiis ku nooleeye ILLAAH haadka kuma siiyo.

No comments:

Post a Comment