Thursday, 22 January 2009

gabaygan waxa la yidhaahda guubaabo waxu soo baxay 17/12/2008.

Gu'yaal iyo gu'yaal aniga oon marinnin geerarka
oo an ka gaabsaday beryahan gabayo iyo maanso
ayuun baa shinbiro gudaya iyo geydhe lay keenay
galaw baa farriin soo diriyo fiintii gololaysay
gorgor duulayaa iigu yimi gogoshii aan jiifay
oo yidhi waxan garan laa’ gacalisow taagan
geeskaan ku naalliyo haddaan geyigii ku sheego
goobtaad is taagtaba xinjiraa galan galcaynaaya
gidaarkaad ka soo weecataba meyd go’aa yaalla
waa lagu goblamay geeskiyee garo waxaan yeelo?

Markaasaan intaan gaar u baxay keligay goobayaalay
oon idhi wataa goosatee geed qadhaadh daaqday
garashadii haddii ay luntoo uu caligii gaabtay
gujo kuma irmanaado oo gaaggax weeyaane
bal gadhsii farriintayda oo gee warkan sheegay.

Ma gumaysigaa aad gashaa adiga kuu guula
Ma gumaadka Soomaali baa adiga kuu guula
Gubashada dalkaaga mindhaa adiga kuu guula
Gurboodkaa la wada laayey baa adiga kuu guula
Hooyada gambada qaadday baa adiga kuu guula
Odayada lagaa gawracaa adiga kuu guula
Geesiga xabaal kaa galaa adiga kuu guula
Calankaaga googo’aya ayaa adiga kuu guula
Gacamaha ood nin kale horsataa adiga kuu guula.

Gantaalaha ku soo daatay ee gubaya Soomaali
Kaaraha ku soo guuxyee gaw ka wada siiyey
Beebeega googooyey ee wada gumaadaaya
Garnayl Miiggu soo ganaya ee gaabshay badankooda
Diyaaradaha gumaystuhu diree guure dhabanaaya
Gabbalkii dhaciyo waaberyaba lagu garaacaayo
aan gelinna laga joojin ee lagu gumadaayo

Intaas oo gunnimo aad qabtaa aanad garanayn dheh!
Geerina ma tihid nololna waa kaa gababsiday dheh!
Nin garaadka kula mida ayaa galabba kuu yeedha
Gamuun culus dar kugu ganaya baa gogosha kuu xaadha
Gacan-haadis beenaad ku jiri guure iyo baabba’.

Garshada inta u liidataad gaar u leedahay dheh!
Adduunyada casriga gaadhay baad gooni-joog tahaydheh!
Afrika oo caqligu wada gudhaad gaane sii tahay dheh!
Gumucii la wada dayrhey baad gaar u sidataa dheh!
Inta aad is kala gadanaysaan guuli kaa dheere.


Maxaa adiga kuu gaara oo gubaya maankaaga?
Maxaa guusha kuu diidey ee geedka kaa saaray?
Maxaa gulufka iyo weerarkiyo gaaska kugu beegay?
Gebagebo maxaa kugu salliday gacan shisheeyaadka?!
Ma gartaad lahayd baad adigu goosan kari waydey?
Godob raagatey iyo ciil maxa kugu guhaameeyey?
Soomaaliya gumoodaye hadmaad garan wixii baaqday?.

Haddii gaawe kuu buuxi jiray gacaliyow daato
Gobaad inaad ku maashaad mar kale godol ka doontaaye
Gobannimo waxaa laga helaa gacan walaalnimo’e
Soomaalay is garo waadigaa gaws libaax galaye
Is-garowsadoo waar mar qudha goosta taladiinna
Nabaddana waa u wada goohayaa shicibka gaadhsiiya
Oo gogol ku wada seexda oo gaar isugu baydha.

Waxba gabaygu yuu ila gudbinne waxaan ku soo gooyey
Ilmo gobo leh dhiiggaa guntamey garshadaa ooydey
Gurracaa dhexdiinnii galiyo gaalo kala raaca
Garab garab ku riixiyo mid kale gooni ula foofka
Nin garaadkii lacag siistay baa gubay dhulkinniiye
Gebi buu ka tuuroo dalkii gaasna qabadsiiye
Doolarkaa uu guranaayo iyo isaga gaadhigaw danahe
Ubadkiisa waa kaa gurtee geeyey meel kale’e
Geyi reer galbeed buu u raray gebi ahaantoodba
Idinkana is googoosta buu idinku gubaabshey
Gacal iyo sokeeyaad tihiin geesh walaalo ahe
Oo guriba guri garanayoo laysu soo gelo’e
Oon geeri mooye marnaba geeddi kala geyne
Ee goosankiinnaa hadhow nabad is gaadhsiiya!!!

wabilaahi tawfiiq

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete