Sunday, 8 May 2011

caafimaad sidow

cada gabay cabiran maansadiyo cududda geeraarka
casuun sharaf leh suugaan cammiran camalsaneey heesta
cawo fiida caddo tobana bay cugatay laabtaydu
cidla kama abuuree runtaan ku cilmiyeeyaaye
aan caddeeyo waa taa wax badan igu cillaasheene.

cagaar iyo caddaan iyo casaan midabbo cayn cayna
ku caddaynay tawxiidka culus ciriqa diinteena
calaamado saraan ku gu xusniyo caadil magaciisa
ciso badan malaa’iig carfoon carshiga kuu qaaday
caafimaad sidow calankayaga ciiro kuma fuusho.

inoo curi culuun madax ah oo cabirta taariikhda
inoo curi caddaalad iyo diin lagu cawaynaayo
inoo curi dhaamaan ciidankoo cadwoga goobaya
inoo curi dastuur koo cad oon cidi ka baydhay-nin
inoo curi sidii caalamkoo aan cod bixinayno
inoo curi xisbiyo caan ahoo cudurka saaraya.

Afartaa cirkoo hooray iyo curashadii-sii dheeh
curdin baxay caleen iyo ugbaad cosobka oo hawray
cuuddkoo inoo wada dhaloo caano laga buuxshay
oo ciirta iyo dhayda iyo subaggu ceegaago
ku canqari caruuraa dhashiyo culimo waayeela.

afar kale ducaan cuurayaa sida cammuuddaase
carrab aadami cawrida ishiyo caadku kuma fuulo
cimrigii jiryoow caadilkay naga ma kaa ciirsho
ha cabbudhin caloolyoow ha mudan caynku kuma gooyo
caku laguma odhan caaqilow ciiddu kuma gaadho.

nacas carara caallaha hurdiyo caaqu kuma taabto
caqli gaab calooshiis ka talis caare kuma taabto
cillad qabe curaaf jaahilyo caasi kuma taabto
ciil ku raag cidaa kala diiriyo ciinku kuma taabto
coomaade ciirsada qabiil caaduf kuma taabto
cuqdad side colaad kiciye iyo caabuq kuma taabto
cuqaal talo xun cirro baaqatiyo cawle kuma taabto.

waxba yuu caleen daaqin oo caynta miranuune
aan soo cumaamado murtidu way cartamaysaye
ceesh xalaala carri nabadbaa calaf laquutaye
casal malaba buuraha cigcigan macdanta ciiraysa
badahaa camirane nimcadu cimidhka ay joogto.
cidhif iyo ilaa cidhif waxaa canbar inoo jiifa
cayn kaad u eegtaba dhulkaa nabadu ceegaagto
Haddii aan ilaah kugu cawilin laguma caynteene

calan yow cajiib ceebta laga dhawray
inta cagala intaan ciirsi qabin cadiban ee buuxa
hooyada cadceed yuururteen cidi ka waabaynin
agoomaha cidlada jooga ee cago gubyoonaaya
curubtaa carceertee tahriib lagu calaameeyey
inta uu qurbuhu wada cuneen calaal la moodayo
kugu ceesh e kugu ciide oo kugu cibaadyste

Tuesday, 12 April 2011

SOMALILAND MUDAN

Madaxweyna heeniyo
Mar wadeena sharaf taale
Dhamaan mudana yaashiyo
Inta madasha joogtaba

Salaan muxubbo badanoo
Maamuus ku ladhan yahay
Milgadeeda hoyoo
Madaxwayne heenow
Mulkigeeda iga qabo

Haddaan maansadaydiyo
Mooshin kayga sii wado
Hadal waa midh kii odho
Ama waa macanaha bogo

Madaxweyna heenow
Mufti baa ku dhaarsho
Masxaf kii kitaab kad
Midig taada saartoo
Adaa yidhi ma gayna da
Aniga masuul ka ah

Waxii maamulkii hore
Meel aay ka tuureen
Anigaa ma saxayo
Majaraa xidhayo
Muwaadininta hagyoo
Maax iyo barwaaqiyo
Meel ducaysan wa dagayn

Meer tidii xilku lahaa
Bulshadii mug wayniyo
Makhluuq ii u soo baxay
Saddexdii mataanood
Mareegta da doorto
Magacaaga ugu riday
Miisaankii loo qoray
Wixii aay mutaysteen
Mur hadday ka daran tahay
Midh ka dhaafi maynoo
Meel bay ku taallaa.


Afartaas madal aha
Metelaya ummadaan
Inkastaanu moogee
U dul maray muhiim kee
Bal aan meeris kale gal
Somaliland mudan
Macaanoo dalkaygii
Maydi dii sanaag iyo
Sool midab wanaag eed
Daalo muunadeedii
Mush mushaaxa xiisiyo
Maydh geesaheedii

Marsadii berbera iyo
Midha sarca boorama`
Maslaii hargeysaad
Muuq wacan togdheeroo
Murtida iyo suugaan
Inta geesi magcliyo
Mujaahidiinta gaarkee
Burco loo midh soociyo
Mahuraan kii weeyee
Ha midowdo garashadu

Dhulkaa soo aan maray
In kaloonan magac dhabin
Calan keena miignaa
Madowgii ka saaroo
Milicda ka hadheeyoo
Waa meel ilaahay
Ku manaystay nabaddoo
Miyir lagu ilaashee
Sharci lagu miskeedaa
Mow low Allahayow
Kuwii mahadsha naga yeel.

Macdan taa dingiigtoo
Dahabkaa mutulanoo
Malabkaa dilqanayoo
Baadroolkaa milmilyoo
Moodka ka buuxoo
Meeshaad istagtaba
Maadh kaa inoo yaal

Mugdiga iyo jaahili
Maangaab aqoon daran
Musuq maasquun wade
Muska reerka wad yaal
Murugada u kala side

Macaash kii qabiilkiyo
Ma shaqooyin kama kore
Mooska kii dab sudhi raba
Ka ilaasha malow goo
Yaan munaafaq soo gelin
Xuduudenu yay madhan
Cadow soo muquuriyo
Mas ku yaanu soo gelin
Yaan bas aasku soo marin.

Mulatariga geeyoo
Mooraal dhiskoodiyo
Masruuf gaara siiyoo
Mushaara dooddana
Mirrir yay dib uga dhicin.

Kii miliq sanaayee
Masiibooyin doonee
Misciriirta soo gala
Madfac haw adeegsan e
Maskax iyo aqoon
dastuur ku meel mari.

Milgo-oy aaminay maqal
Maamuus kii sharaftaay
Marwadii dalkeenee
U mudnayd hawenkay.

Maxastiyo dhaaankiyo
Maatidaa daryeeshaa
Inta aan manfaca helin
Adigow miciinoo
Mumo hoos u eegee
Tay mahadiyaan noqo.

Dumar wada maduluunoo
Meelay galaan iyo
Maryo ay xidhaan qabin
Waayeel makalan baa
Mahuraan kii joogee
Marshaandiis haraacino
Haka qari nin muuq-ee
Miskiin quudiya u noqo

Dhallintaa malegenee
Gidaarada ku madhatee
Macaluushu haysee
Maandooriya cunee
Meehanaabay gaajada
Maqasheen-ii weeyee
Macallin u sameeyoo
Waa inaad masruuf taa.

Waxaba yaanan maansada
Hadba mawjad saarin
Aan miimki soo xidho
Mar hadynu maantaba
Ka mid nahay aduunyda
Maansha la weeyiyo
Mahdi eebe leeyahay
Mowlaha allahayow
Kuwii mahdsha naga yeel.

Friday, 8 April 2011

HAWAAWI

WAXUU SOO BAXAY 25 OCT 2009



Xaluun baan hawaawiga ku kaacay haatuf ila jooga
Inta baal ku hadaysa oo wada hobsheenysa
Iyo beer ku hayruufto ood hugunka yaabaysid
Hud hud iyo galaydh soo hor kace habar dugaag oodhan
Hadyad ii ilaah igu galladay hibadii lay siiyey
Murti haamo laga buuxiyo iyo heeso wada qaadanay
Hooyaallayda jiibtaan galaa hiirtu nagu gaadhay.


Hawraarta aan dhigo tixday hibatay laabtaydu
Waxan harag u tumayaa daran heelka dhuganynye
Hororrkiyo gumaystaha ayaan hoga tusaaleeyne
Hafeef tiisa kulul iyo balaan hoorka yara sheego
Digo hoos ka nool buu intaa kugu hulaaqaaye
Maa hubsade hanfade waalan buu hilib u tuuraaye
Laba aan is hurahayn ayuu kala hor joogaaye.


Heeryada markuu kugu furteen dhigo hulaabtisa
Habaar qabe halkuu dego intuu nabar ku haareeyo
Afka hooyo lama haybsadoy hodantidii kow dhe
Higgaadiisu waay wada luntaa iyo hab maalkiisu
Hadaamo dheer buu galaa dhaqan hogaankiisu
Hindisaha caqliga toosan wuu halal maceey aaye
Hootada ragguu geliyey baa garan huq dii siiye
Hengelaha ku wuu saaray baan abid hilmaamayne
Hurin tuu dhex galo waa hubaal inuu hadhuudh shaye.

Hurgumada haddaan sheego iyo halista waabayda
Halaq iyo suntii sii haddaan hubuqda kuu taabto
Gumaystu hog buu kuu qodaa hogobyo naareede
Holac iyo dabkuu kugu shidaa himirta waawyne
Hadaf garashadii dheer ayuu hanaqa gooyaaye
Halbowlaha intuu kaa jaruu hibitiqaa dhiige
Inta uu hammiga ka dilluu kugu hal gaad-aaye
Hangoolkii faraarraha lahaa gudintii heeraysay
Haddaan laga horgeyn waa hubaal inuu ham leeynaayo.

Soomalaaya habsaan baad tahoo waad hafanysaa
Hagaas kaad ka jecesha hay inaad libinta hab taaye
Afirca koo han yari lagu salliday baad la hayb tahaye
Maad hoyan ifkana waadigaa heeda dawga ahe
Hab qada iyo dhaameelka guro o hiinso dacar qooshan.
Hibirirsi gaas-uun ku soco haajir baad tahaye

Afartaa humaag maanso iyo gabay hanaankiis dheeh
Habka nabada heemal qurxoon nolosha haynteed dheh
Hiddo tiriska suugaan habboon halowsigeedii dheeh
Hubka qoriga hawsariga dhaca hirar ka dhaadheer dheeh
Hagarli hantida gaare hee eebe ii huray dheh.

Afarkale halkaan degi lahaa hadalka aan sheego
Adduunyadu waxay haybsatee loo hirdamay sheego
Hoggaanka iyo seetada la furay hawsha balaan sheego
Hadhuubkiyo listii loo halgamay hooska yare sheego,

Hodan nabadu weeyee dhulkaa lagu hadaaqayo
Haddaan heegan loo noqon illeen lama hurden jiife
Hareera hadaan laysla qaban lama hillaad sheene
Hawada iyo dayaxa sare ayaan lagu hayaameen e
Hiigsiga aduunyada ayaan lala han qaadeene .

Hadal kuma dhameeye bal aan hore u sii raaco
Gobanimo horseed weeye iyo hayga nololeede
Bulsho himilo dooneysa bay hiil u noqotaye
Hibo weeye EEBAHAY baxshoo cidina kuu hayne

Haybadda iyo sharaf weeye uu kugu hagoogay e.
Waa heego kuu curatay iyo hogol daruur eede
Waa haleela doo kuu dhashood ka haqab beesha ye
Waa hoorimaad koo da'o haradu buuxdaye

Waa ubax hareerha fiid shood halacsi eegtaye
Waa hamsh dhirtoo wada ahood hadhaca jiiftaye
Waa midhaha oo haawray ood gurato hoobane
Shicib horumar garanaya baa hela wanaag aase
Markuu geesi heensa how xidhee halista uu jiidho
Ee hanad xabaalaha galaa lagu hirtaa guule.


Haddaan gabaygu waa ila hadfee soo hojiyo luuqada
Waxa badan bay abwaaniin horiyo haatan ku wa jooga
Halqabsi iyo maahmaah qoreen shay hal beegsiye ahe
Haddaan dheguu hu hoodaamin oon laabtu hidinynin
Harraad weeye waanadu markaan ruuxba hananyne
Hoosiis ku nooleeye ILLAAH haadka kuma siiyo.

XAMIDE EEBE

XAMDI

Xurriyaddoo Rabbi buuxsho
Xaasidkoo la idleeyo
Xaqdarradoo la dulleeyo
Xumaantoo dhan mid reeba
Xamdi Eebbe na siyoo

Duqay xeerka adkaysa
Arday diin xiftiyeysa
Aqoonyahan xaqa dhawra.
Madaxweyne xalaal ah
Xushmad loon ka dambeeynno
Millitari nagu xeeran
Calankoo xor u taagan.

Mid danteenna u xaydan
U xanjeeran wanaagga
Badahaa la xadaayo
Ugaadhi la xasuuqay
Macdantaa la xagaafay
Tahriibtaa lagu xaaqmay
Mid ay xaaddu u diirtoo
Xuduudda ilaasha oon
Lagu soo xadgudbayn.

Mid waayeelka xurmeeya
Xannaaneeya agoonta
Xoogga kii aan lahayn iyo
Mid xasuusta dhallaanka.

Mid xaaraanta ka roora
Xaadiraaya salaaada
Xadiiskeenni Rasuulkiyo (CSW)
Mid xaqiija Quraanka
Waan u xiisa qabnaaye,
Xaakimow na tus manta!

Afraataas qalbi xaadhanoo
Xaaladdii waddankeenna
Xogwaraysi ku sheegey
Waa xisaabo dahsoone
Idina xooja aammiinta.

Afar kaleeto xaruuri iyo
Xaashee quruxdiisaa
Xubin yar aan ka tilmaamee.

Xilli roobku da’aayo
Xoolaha oo dhalay manta
Xoorka oo la lisaayo
Xaawaleey ciirta lulaysa
Xantadoo laga shiilay
Sixintoo xaggan taalla.

Googgooskoo la xardhaayo
Iskujoog xarafaysan
Toddobaale xariir ah
Kebeddoo la xurmeeyey
Farshaxankoo xigmadeeysan
Ku xayndaaban wanaagga
Waan u xiiso qabnaaye,
Xaakinkow na tus manta!

Xamakowgoo bislaaday
Quwaaxii xagashowbay
Madheedhkoo xanjiroobay
Hohobtoo qolof xaydday.

Shinnidood xiinka ka yaabto
Malabkii xidhxidhaysaa
Dhurdihiina ku xoomay.

Balligoo leh xayaabo
Xarfinayso dabayshuye
Rahu xeelad dhawaaqay
Hadba koox xasillooni
Xejinysa cayaarta,
Shinbirihiina xaggoodii
Xarakeeyey codkiiyoo
Hees la soo xulay moodidood
Hadba mowjad xidhaaya
Waan u xiiso qabnaaye,
Xaakinkow na tus manta!

SURMI

SURMI

Maansadii sifaysnayd
Gabaygii sarbeebnaa
Suugaantii miirnayd
Inkastoon ka saahiday
Sa’ iyo Miim ka qoriddii
Si kastaba ha noqotee
Inta ay sidaa tahay
Gumeystuu i sudhanyahay
Kama seexanaayoo
Qalinkaygu wuu socon.

Saancaddaale baas baa
Soo diraaya amarkoon
Sakal ugu jirnaayoo
Mareeg aan u sudhannahay
Maskan soo siqaayee
Miciyaa sifeeystaan
Suurrayn warkiisee
Adiguna bal ila soco.

Milas baa saxiix iyo
Suulka gacanta saaroo
Yidhi: ‘kaan sidaan rabo
Igu siinin garabkee
Igu daba saqlaynow!
Saldhig hoos u qodan baan
Kuu dhigay silsiladdoo
Sabarado caddaadiyo
Madanii salselayaan
Summad kaaga dhigayaa.’

Ninkii aynnu soocnee
Xilka aynnu saarnee
Nidhi samo ku duuloo
Saaka adigu noo tali.

Illayn waa sawaabkaa
Maskaxdii saxaysiyo
Caqligii ka seexdeen
Ka siqsiqin xumaantee.

Marka uu sunuuddii
Sanqadhooda loo tumo
Yuu yidhi: ‘Sanaawow
Sida aan u darabjaro
Saacad adigu ii qabo’.

‘Siikawe dhaca iyo
Suugiyo shilka ah iyo
Saadka adigu ii badi
Badh anaa solaayoo
Saaraaya daawaha
Badh sanuunad kulul iyo
Suugaan ka dhigayaa
Badh suuf la daadshiyo
Salool baan ka dhigayaa
Sarahaan duminayaa
Suuqyadaan xannibayaa
Badahaan saydhaynoo
Sunta ugu darayaa
Dalka siinaddiisiyo
Siidhkiisa waan gubi.

Soomaalinnimadiyo
Waxaanay ku seleleen
Sinjigeeda waan bi'in
Kan samaacadahiyo
La wareega siidhi ee
Suxufiga la leeyeey,
Isagana suryaan gelin.

Saaxiib Kibaakow!
Dabar baan u soohoo
Seetaan ku xidhayoo
Sixirkii qabiilkaan
Soomaali raacshoo
Soor ugu walaaqee
Adiguna si kale keen!
Siidhiga u tumo oo
Saameel markaagoo
Soo qaado seefaha.

Sambabka iyo beerkiyo
Surimmada wadnahiyo
Seed iyo halbowlaha
Anigaa sarsarsarayoo
Saafaya jiidhkee,
Saaxib ka yara baydh!

Dar surwaal khamiiskiyo
Sanka loo xidhxidhaaya
Darna suufiyaal iyo
Sito iyo xer bay noqon
Darna Saalixiin iyo
Selef baan ka dhigayaa.

Diintaan saawasaaweyn
Siiradaan beddelayaa
Sunnaha iyo faralkaan
Soddon nooc u dhigayaa
Subaca iyo Quraankana
Hadba qaar la saxayaa
Sadarrada xaddiiskaan
Nin walow ku samafalo
Hadal ugu sar jarayaa.

Yaa ka qaba su’aal tolow,
Soomaalinnimadii
Sax in loo cabudhiyoo
Saxariir la badayoo
Silicaan dhammaan baa
Loo suray kooraha.

Ninka aynnu sugaynnee
‘Saajinow!’ ku leennahay
Isagaa bay sidataa
Amarkii Sanaawiyo
Salaan buu bixinayaa.

Isaguna si dalag buu
Si yar ugu yidhaahda
Suudh dawarsi kuu xidhay
Kugu idhi sekada guri
Haddaba sooryo qaado
La wareeg suxuuntoo
Saddaqada ku noolow.


Waxaan siinka kaga baxay
Maansadaydii Sooyaal
Seben hore wixii dhacay
Iyo saaka waxa jira
Soo socoto aan iimin
Ninka aan sax iyo maan,
Kala saarahaynow!
Malaa waad salcaantoo
Sarrifkaa ku qaatee
Sidan dunidu ma ahayn.

Taariikhdu way socon
Saxar dhaafi maysoo
Sahal bay u qoraysaa
Sedka Eebbe bixiyiyo
Samir lagama quustee
Tukaalaan ku sugayaa.

Saatir baan baryaaya
Mid samaanta jeceloo
Sabadkiisa dhowroo
Saxalkaa dhex yaalliyo
Saaraya xumahoo
Gumeystaa sifeeyoo.

Saboolka iyo maatada
Waayeelka sakatiyey
Seleleen hurdada bogan
Agoonkii surmigu dilay
Hooyadii sukowdee
Saygeedii waydee
Subax noolba ooydee
Ilmadu ay ka socotee
Seegseegtey noloshii.

Mid u samafalaayoo
Saantu ay u diirtoo
Seeraha ku ururshoo
Sharaftii saraysiyo
Sumcadday lahayd iyo
Sawraceedi toosnaa,
Soo celiya noo keen!

XAQA SUXUFIGEE LUMAY

Xaqa suxufigee lumay
Xabaalaha kan lagu guray
Xasuuqaan la dabar jaray
Xorriyaddaan la siinayn
Xaashaday ku taallee
Ku xariiqantay sheeg!

Suxufiga in lagu xidho
Xabsiyada dambiilaha
Xabbad lagu dilaacshoo
Xuquuqdood la duudsiyo
Xaqdhawr aan la siinayn
Xaashiday ku taallee
Ku xariiiqantay sheeg!

Xaqdarradan dillaacdee
Xamastiyo carruuraha
Lagu xiiray maatada
Xawaleey la dabar jaray
Xamar haw darnaatee
Haddii ay xog sheegeen
Maxaa loo xasuuqoo,
Tolow loo xidhxidhayaa!

Ninka xadhigga miiqee
Xumaatada ku noolee
Xasillooni diid iyo
Tuuggaa wax xadayee
Xabbadaha ridaayow
Xisaab baa ku daba taal.

Waxba yaanan xiiqinoo
Ku xabeebsan hadalkee
Soomaalaan xurmayn iyo
Xushmad ruuxna siinoo
Xabaalaha ku faantoo
Xooggeeda aastoo
Xinjiraa ka dhuratoo
Xuurtaysa geesiga.

Xeerka dunida kuwa qoray
Sida ay xaqiijeen
Saddex baan xumaan geyin:

Suxufigu xor weeyaan
Xaqay noo iftiinshaan
Nabadday xasiliyaan
Xaasidkay la diriraan.

Markay xaajo dhabaqdee
Xarbi laysku qaadee
Rasaas xaami dhacayso
Xiinka roob la moodaa
Xag kastaba ka yeedhee
Maydku u xad dhaafee
Xisaab beelo dhaawacu
Naftu xanaf wareertee
Xusulduubto orodkee
Xammil joogi waydana
Suxufigays ku xooroo
Xayn daabka jiidhoo
Warka soo xaqiijoo
Xuduud malaha celisoo
Xadku waa u furan yahay
Ma geyaan xumaatoo
Suxufigu xor weeyaan.

Afartaa nin xiisoo
Ku xadreeyey jiifkoo
Xuskiisii kursigu galay,
Isagoo xilkii sida
Xiddigana ku taxan yiin
Ku riyooday xalay baa
Markuu waagii xaytamo
Xawaarii ka toosoo
Xaadhxaadhay boodhkii.

Marka ay xantiisiyo
Xam-xamtiisa heegaan
Waa xeedho madhan oo
Ka xaalufa wanaaggoo
Xaajo kale ma keenee
Inta uu xanaaqoo
Xawlaladu kacaan buu
Xanibaa wargeysyada.

Fannaan xiiso badanoo
Xarakeeya luuqdoo
Ku xeeldheer garaacoo
Xilli kasta diyaaroo
Xubbigiyo kalgacalkiyo
Xasuustii fogaatiyo
Xoorkii idiin shuba.

Marka ay xanibantee
Taladu ay xayirantee
Xagal daaca keentana
Fannaankaa u xaytoo
Ka dillaacsha xuubkoo
Xantoobsada dhibaatada
Oo ma geyaan xumaatada.

Xilkas weeye gaaroo
Xigmad Eebbe siiyoo
Murti xaakiim barayoo
Waa xeelad gaaroo
Xidid weeye hoosoo
Xananaaya ciiddoo
La xarbiya gumeystaha;
Marna xabag barsheed iyo
Xareed roobku shubay iyo
Xayskiyo guggii iyo
Dayrtoo xab bururtoo
Xooluhu dhaleenoo
Xasillooni nabad iyo
Xamdi Eebbe lagu jiro.

Waxa xaraf ku muujee
Taariikh ku xaydee
Ku xardhaaya suugaan
Xashaa lillaahiye,
Xeerbeegti weeyoo,
Abwaankaan xumaan geyin.
Tahriib

Da’da gabayga dabuubtiyo murtida, doodda hadalkayga
Waxaan uga dan leeyahay inaan, danaha sheegaaye
Dadweynow waxaan doonayaa, inaan dadaalaaye
Dulmigan dhacaayaan rabaa, inaan dillaacshaaye
Tahriibtaa dadkeennii rogtaan, dayr ku xidhayaaye .

U dulqaadan kariwaayay oo, waan damqanayaaye
Jidhkaa iga dubaaxiya markaan, dib u jalleecaayo
Inta aan ilmada daadiyaan, dibinta ruugaaye.

Afrikaa dhib deris looga dhigay, daayin abidkoode
Soomaaliduna ka daran oo way, ugu dambeeysaaye
Qalbigaa intuu daxal ka galay, daamur wada yeeshey
Dareenkii waddanigaa lumoo, waa dad baabba’aye
Damiirkii waxaa garanayay baan, digigixoonayne
Dabin laysu dhigay weeye oo, duul kalaa xidhaye
Diiwaanka waxaa noogu qoran, doorkii Falastiine
Ma daneeye aan diirran baa, dooxay shacabkiiye
Dillaal iyo mallaal baa midiba, dacalka haystaaye.

Haddii laga dareeroo dalkii, doonni laga raacay
Deebaaq qadhaadh iyo hadduu, dacar inoo yeeshey
Dulin iyo abaar iyo hadduu, diirato horseedey
Daad laga ordaayiyo hadduu, degel madow yeeshey
Duufaan kacaysiyo haddii, duumo laga qaaday
Duqaydiyo carruurtii hadday, dibed u soo yaacday.

Dalka yaa u hadhi tolow markaa, waa dareen yimiye?
Waa xaajo duudduuban iyo, sheeko duluc dheere
Da’ yartaa dhammaatiyo waxa, dumar idlaanaaya
Diricyada tahriibaaya ee, dabar go’aa taagan
Diihaalka gaajada kuwaa, dibed wareegaaya
Badahay dul-heehaabayaan, damalladeenniiye.

Diibkiyo yaxaaskaa cunoo, daaqay lafahooda
Dugaaggiyo waraabaa daldala, darib sideediiye
Duleedkaa la soo wada wadhiyo, dacalka xeebaaye
Iyagoo dubkiyo diirku baxay, baa la daawadaye
Waa kuwaa darxumo le’day een, duuggan kari waynnay.

Damac baa dadkaygii galoo, waa dawamayaane
Dayow baynnu noqonnay iyo ways, daba maryaynaaye
Dib-u-socod ayaan wada nihiyo, dawlad jaahila’e
Dawarsiga ku naaxdaan nihiyo, doonis ruux kale
Diif aan dhammaanaynnin baa, loogu dawgalaye.

Afartaa intaan dabar ka furay, diirad ma ku eegay
Darajada Ilaah baa baxshee, mawga furay daaha,
Doorkaa abwaannadu horey, uga daliilsheene
Deelleyda maansada horey, uga daqiiqsheene,
Aniguna ka daba geeyey oo, waan ku darayaaye
Waanadu kuway deeqdo ee, raacda danahooda
Iyo kuwa dariiqii wacnaa, diinta ku eekaada,
Daayinow Ilaahow ka yeel, dabargo’ weeyaane!

Waxba gabaygu yuu ila durkine, waan dabrahayaaye
Haddii dalagga aan beernoo, doogga la abqaalo
Nimcadaa inoo dararaysan iyo, badaha duudduban
Buurahan Ilaah noo dejee, godol la soo daatay
Baadroolka diliq laynayee, dixaya hoostooda
Macdantaa dingiigtiyo haddaan, dahab ka soo saarno
Duunyada haddaan dhaqannoo, doobi laga buuxsho
Duruusta iyo cilmiga lays baroo, diinta la adkeeyo
Dalku wayna wada deeqi laa, aynnu dib u joogno
Daaquudka aan naarno iyo, ducufka shayddaanka
Khayraadku waa dihinyahee, aan dibnaha saarno.

BAXSANEY JIBUUTAAY

BAXSANEY JIBUUTAAY

Ba’da gabay burdaha maansadiyo, biligga heestayda
Bud-dhiggeeda suugaanta waw, belo xijaabaaye
Bismillaahi goortaan idhaa, la ii bayaanshaye
Baabkeeda wuu ii furaa, Boqorkii Weynaaye
Buruud uu Ilaah ii gartaa, bedenka ii jiifta
Anna kama bakhaylee runtaan, ‘baga!’ u sheegaaye
Bugtadii damqanaysiyo halkuu, nabarku boogeeyey
Baan uga dhigaayoo intaa, kuba baroortaaye.

Bayhoofku maantuu ka dhacay, beledkii soomaali
Bulshadii dhammayd maalintii, beladu ay jiidhay
Basanbaasku maantuu kacee, laysla balawaasay
Bowdaha markii lays jaree, ‘ba'ay’-du ay yeedhey
Ee biixiyaha laga jabbiyo, bawdadiyo lawga
Baaruuddu ay qaraxday iyo, boobihiyo suugu
Barbarkii la eegaba markii, bellelku uu qaacay.

Boqollow istaagiyo raggii, beesha ila yaallay
Barkhadlow Ismaaciil markuu, dunida baaq geeyey
Uu Beesha Caalamka u wacay, badi ahaantooda
Aniguna bartaan filayey waa, igaga beegnaaday
Bayluuli noo daadiyoo, barana noo xaadhyay
Boga caanaheed noo lisyoo, buqulka noo buuxi
Billad dahab ah buu naga mutiyo, boqorka taashkiisa
Baalweynta taariikhda aan, gelinno buuggeeda
Oon baarka sare kaga qorniyo, bayjka u horreeya.

Bilaneey Jibuutaay ahaw, tii la wada booqdo
Bahdii raagta noo noqo midaan, beladu saameeynnin
Beerkaygii baa tee Ilaah, nabadda kuu baahay
Ku bariidso waagii baryaba, farax ku buuxbuuxa,
Bushaarana ku noolow adduun, waa bil iyo koowe!

Calankaa birta ku taagane, babbisay neecawdu,
Baawarkiisu ha adkaado oo, biligu haw nuuro!
Barxadaadu waa khayr qabtoo, lagu barwaaqowye.

Waxba gabaygu yuu ila bixine, waxan ku soo baacshay
Daruuraha dhammaan bururay oo, biyaha soo daadshay
Ubaxa baalihii kala fidshoo, midabku beegeeyey
Ilo soo burqanayoo dhamman, wada butaacaaya
Balligiyo jidhaantoo rahii, uu botoorinayo
Shinbirruu codkii wada buleen, badi ahaantoodba
Nafta beegsata ay kolkaa, farax la baawooto
Intaa soo baran sheegey ood, bilicda yaabaysid
Baxsaney Jibuutaay adaan, kugu bariidshaa
Ku barbaartay nabaddee Ilaah, barako kuu raaci!

agoon

Agoon

Ararta gabayga waayadaan, eeg isma lahayne
Ma aloosin maansooyinkii, aan astayn jiraye
Alifka iyo Miimkaba ma curin, iba furkoodiiye
Asaaski murtida waanigii, daayay ilinkeede
Allaylee markaan uur xumada, eegi kari waayay
Inaan erey idhaahdaa kolkaa, way ekoontahye.

Waddan aabbihii waayay oo, wada agoomoobay
Ay ooridiisii mar hore, aakhirow hoyatay
Afka oodda laga saaray oo, aqal madow taagan
Oo aan adeer iyo abtiyo, eeddo kale haysan
Oo ehelka kii ugu xigaa, iilka wada geeyey
Oo ay ayaaniba ayaan, ugu amaah doontay.

Abris aadunoo laba afle ah, odayadiisii dheh
Wixii aan aqoonyahan lahaa, aaway magacood dheh
Isma dhaanto bay wada noqdeen, inan raggeedii dheh
Ergadoodu waa taa iyaga, uubta gelinaysa
Amlay baa wadnaha laga sudhaa, amarka kii diida
Iyagays arkaayee cid kale, kuma ilduufteene
Indho beeshey Soomaali oo, waa ogsoonnahaye
Awood hadday lahayd beri iyagays, jaray unuunkiiye

Abeesow inkaaraa dhiciyo, aafadiyo hoogga
Awaaraha iyo boodhkaa ka kaca, arladi Soomaale
Uuradaa ka boodaysa oo, aadmi geli waaye
Adduunyadaa ku tababbarata oo, waa iskuul furane
Ummaddii ku noolaydna waa, kala abraareene.

Argaggaxii ku dhacay waa kuwaa, inniba meel aadday;
Inna waa intaa ooyaysee, wada itaal beeshey
Inna waa intaa ololaysee, loo arxama haynnin
Inna waa intaa aay cidla ah, lagu ugaadhaysto
Inna waa intaa aayo li’i, arli Carbeed daadsan
Inna waa intaa arliga Gaal, eeridhaban keeney
Inna waa intaa eedadday oo, ubuc badeed jiifta.

Ayaandarrada ina haystaan, la anfariiraaye
Eerigo’anka aan taagannaan, la amankaagaaye
Is afgarad la’aantaa ayaan, ka istixyoodaaye
Asaraarka diintii galee, loo abtirinaayo
Arday iyo macallinkii ayaa, wada alhuumaysan
Astaantii Kitaabkay wataan, iyo Axaaddiise
Nin waliba intuu doonayuu, ku andacoodaaye
Abdo beeshayoo waydinkaa, aan u tudhahayne
Waxa aan galnee uumiyuu, innagu eedeeyey
Af-ku-xoogle mooyee nin kale, waa ogsoonyahaye.

Aheey sow qalbiga kama ilmeeyn, umal la taaheenna!
Aheey sow qalbiga kama ilmeeyn, aayo li'idiinna!
Aheey sow qalbiga kama ilmeeyn, aniga ii daada!
Aheey sow qalbiga kama ilmeeyn, aano nagu raagta!
Aheey sow qalbiga kama ilmeeyn, ayaan li’ideeda!
Aheey sow qalbiga kama ilmeeyn, ‘aayar tali!’ diidka!

Hooyada sidii igadh maqaar, wayday ubadkeeda
Hooyada halkay eeg tidhaa, lagaba awdaayo
Hooyada ‘ax’ iyo ‘way’ ku nool, oogtiyo allaylka
Hooyada halkay addin dhigtaba, adhax wareegaysa
Hooyada agteedii madfaca, lagu asiibaayo.

Waxba arami bay jiifsatee, yaanan urugoonnin
Isticimaar hadduu ii dhashiyo, amar-ku-taaglayni
Addoonsigaan ka baxay waanigaa, galay albaabkiise
Afrikada madow bayga daran, aarka saanta cade
Asqow baa raggii iga noqdoo, wuu anbanayaaye
Sidii awrta raraygoo kalaa, ‘ooh’ la leeyahaye
Ama adhi xayeeysoo kalay, wada ekaadeene.

Afgembiga wax igaga daran, amal la’aantayda
Aayar baa wixii layla rabaan, oofinahayaaye
Ilig baa la dhaafsaday Abees, udub dhexaadkiiye
Asaaggay haddii aan ka hadhay, eegmo xumadayda
Waa inaan illoobaa naftaba, way eekoontahaye
Waa inaan abaadaa sidaan, aakhirow kacaye
Waa inaan adduunyada dhammaan, kaba ag guuraaye.

Waxba alifku yuu ila gudbine, waxaan ku soo ooday
Eebbow iyagays eersadee, cidi ma aanayne
Eebbow is aamminid la’aan, uurxumada taalla
Eebbow iyagays wada arkee, adigu soo oolli,
Eebboow abaaraha dhiciyo, omoska jiilaalka
Inuu ubuxu noo soo baxaan, kaa igmanayaaye,
Nabad baan u oonnee Allow, adigu noo oofi,
Neecow udgoon badan Inaad, uga dambeeysiisid
Isnacayb ayaa kala galee, mid isu keenaaya
Oo Eebbihii garanayaan, hadal ku soo ooday.

Waa GABAY KU wa jahan dhalinyartii lagu qarxiyey hotle SHAMOQ MUQDISHO

DHAWAAQ Disembar 2009

Dha’da gabayga wataanan tirin, dhowr guyoo tegeye
Dhaantadiyo waa taanan tumin, dheeshi maansada’e
Dhoolkii murtida waanigaan, dhab ugu luuqeeyne
Soomaali ruux dhiig u galay, dhawrsan kari waaye
Anuun baa dhalaallaye malaa, dhuganba maysaane.

Maantana dhawaaq baa bixiyo, dhiillo aan damine
Dhakhaatiirti wada laaye iyo, dhidibki Soomaale
Dhuuxii Caddow bay shubeen, waqay dhantaalmaane
Qamar oo madhaafanna bay, luxudka dhiibsheene
Dhallintii la sugayay mar qudha, dhaadka jebiyeene
Dhirtu waa u oydoo cirkuna, dhibic u soo daaye,
Bal maxay ka dheefeen kuwaa, cunay dhallaankooda?

Dheeldheel ninkiii moodayow, dhamacday Soomaali
Dhaawac baa ka taahaya oo, dhaymo lala waaye
Maydkaa dhalfiifaha noqdoon, cidina dhaadayne
Ubbada kii dhanqalan weeye oo, dhaygag baa dilaye
Dumarkii dhafoorkay hayaan, dhama’ daraaddiiye
Dhag hurdada u lediwaa qofkii, dheegtey Univeersal
Dhankii aad ka eegtaba qalbigu, waa is dhimayaaye

Qaxootiga kan dhunyaalay baa, dhibay naftaydiiye
Kuwa doonta lagu dhoofiyee, lagu dhammeeynaayo
Ee badweyn ku dhimanaaya baa, dhibay naftaydiiye
Dhaqankeennan baabba’ay ayaa, dhibay naftaydiiye
Diintaa la dhalandhooliyaa, dhibay naftaydiiye.

Xamareey dhibkaagay damqoo, waan dhutinayaaye
Xamareey raggii kuu dhashaa, dhuunta kuu galaye
Xamareey dhurwaa baa ku heley, aan dhergi aqoone
Xamareey nin dhaar kuu galaan, kuu dhammeeyn weliye
Xamareey dhunkaal qooshan bay, kugu dhex daadsheene
Xamareey nin aan kuu dhigayn, baa ku dhaansadaye
Xamareey raggii dhaadhacyoo, dhuuryay baa hadhaye
Dhoongay iyo nacas baa fadhiya, dhamastii weyneyde
Dhira-dhabato kaa beere iyo, geed dhilowyahane.

Dharaartii Ilaah keeno iyo, waaga dhaladkiisa
Dhugta qoriga kaaraha dhiciyo, jiibka dhabanaaya
Dhinbiilaha qarxaayiyo madfaca, dhamacda tuuraaya
Suugaa dhacaayiyo waxaa, dhuumo laba qaacay
Hub gumeyste soo dhiibay baa, laysla dhacayaaye
Dhallaanka iyo maatida ayaa, lagu dhammeeyaaye
Dhabandaadna garanwaa inuu, taa ka dhiidhiyo’e
Doqon baa dhabbada sii hayoo, dhawda muu garane
Dhugdhugtuba raggeer uma dhacsana, jeer la soo dhigo’e.

Waxba gabaygu yuu ila dhacmine, wayska dhigayaaye
Waxa aan u sii dhaadhacaa, waa dhegxumo uune
Dhidarkii xabaalaha qotaan, noqon dhiggiisiiye
Dheef lagama quustee dadkii, waa dhursugayaaye
Duco dhaaban baan marinayaa, dhaha bal aammiinta!

Allahayow halyey dhiirran oo, dhaarta fulinaaya
Oo Dhammays lisaayoo nirgaha, aan ka dhadhinaynnin
Dhiilka iyo gaawaha midkii, dhayda uga buuxsha
Oo nabaddu waa dheemanee, Dheeha uga maala;
Dhulku wuu ilmeeyee midkii, dhab ugu soo hiisha
Dhagaxa iyo ciiddana mid aan, cadow u soo dhaafin
Dhadhamiyo midaan lagu sabayn, dheriga loo buuxsha
Fule dhababaceeyaa helee, kii u dhimanaaya
Dhaxan baa idlaysee midkii, dhacan ku awdaaya
Dabayshaa dhurbaxays iyo, dhedada hooraysa
Mid dhismo adkeeynaya oo, seeska dhababaaya,
Rabbiyow mid calankii dhisaan, kaa dhursugayaaye.

Waa GABAY la magac baxay XINJIR BURURSHE

Xa'da gabayga xiisaha murtida xulashadii heesta
Xariirraynta maansada beryahan kuma xanjeernyne
Xiddiggiisa maan furin wax badan xarakadiisiye
Xawliga aduunyada ayaan sii xuslinyaaye
Aan xarriiqo saadooy beryahan waanigii xidhaye.


Lixdankii xornimadaan hellee xaakim iina siiyey
Xawawariska waa tuu ka galay xalay gumystuhye
Xalaal maalintuu ii noqdee aan xamddiga joogay
Xawaaraynta waa tuu galee xaynkii laga saaray;
Xaadhnida qalbigu waa wuxuu xuudku ii cunaye
Xilkas yeesha yaynaan mar kale wada xajiimone.


Ummushuba xanuunkay martiyo xanftii soo jiidhay
Xummadda iyo fooshii ayaa laga xayuubshaaye
Inagaa xaqiiqdii ka dhigan oon xergi lahayne
Nabarkii xal xalay bay naftani xoog u dhayasaaye
Xasuus yeesha yaynaan markale dib u xan baaroone.


Xantoobaysigii dhagaxa iyo xiinkii laga yaabay
dhalinyaradii xaaddu u kacdee loogu xidhay jeelka
xuduudaha ku wii jiidhay ee xabash ka soo jeestay
xabaalaha haaddaan geesi gelin xulad ma maaleene.


Lama heleen xornimadaa jirtiyo calankii xayn daabe
Lama heleen xadiiska iyo diin xaakim soo rogaye
Lama heleen cirkoo xaydh lehoo shubaya xayskiiye
Lama heleen midhaha xamakow giyo xabag barsheeddiiye
lama heleen xareed jiifta iyo xamashlihii dooge
Xasiilooni nabad lama heleen xeer dastuur dhigaye.


Geed kuba haddaan xidid u bixin ciida xananaaya
Oo aan biyuhu soo xulayn ubax ma xaydeene
Xansharaad hadaan laga rabayn wuu xar kagaaye
Inaguna hadynaan xafidin xeesha dana heena

Ooynaan xaqiirkiyo ka hiriin xulufo shaydanka
Xantada iyo subag leefihii xawlal ku adkaaday
Mid qabiil xunshuuqaaya oo xumaha beeraya
Xaaraan badsade daalinoo aan xiq tiranaynin
Xushmad laawe aan garana hayan xeerka qaran keenna
Xaasid aan Ilaahay ka biqin oo xiqdi abuura
Xafiiltame xaluulaysta oo xalad kale maaggan
Xordanaaye buuraha midkii dhuuxa xaganaaya

Xangullada mid siibaaya oo aan xunbbada reebin
Xagaafaaya badahahoo darkale xuurto ugu geeya
yaan laba xag jire soo dhex gelin manka laga xooray.


Waxba gabaygu yuu ila xadfine waan xaddida yaaye
Maah maaha xog dheeroo qalbiga xadanto kaa gaadho
Xeerbigti weedheediba lays xasuus shaaye
Xusulkaa intuu nool yaheen ciida lagu xaydin
In dar daaran xay lagu yidhaa waa xaq la hubaaye
Haddii ay abaar xumi dhacdoo xaaluf la istaago

Oo geela xoor lagadhamiyo xuuko laga waayo
Xorfadda iyo Dhoobadu gudhoo xaabka la idleeyo
Adhiguna xayeesh wada noqdoo maalku xamasoobo
Xinjir bururshe yuu xulin markale kayn xidh bahaleeda
xarun kale ayuu aadin iyo xaafad garan waaya.



WABILAAHI TAWFIIQ

Caasha luul maxamuud yusuf