Friday, 8 April 2011

BAXSANEY JIBUUTAAY

BAXSANEY JIBUUTAAY

Ba’da gabay burdaha maansadiyo, biligga heestayda
Bud-dhiggeeda suugaanta waw, belo xijaabaaye
Bismillaahi goortaan idhaa, la ii bayaanshaye
Baabkeeda wuu ii furaa, Boqorkii Weynaaye
Buruud uu Ilaah ii gartaa, bedenka ii jiifta
Anna kama bakhaylee runtaan, ‘baga!’ u sheegaaye
Bugtadii damqanaysiyo halkuu, nabarku boogeeyey
Baan uga dhigaayoo intaa, kuba baroortaaye.

Bayhoofku maantuu ka dhacay, beledkii soomaali
Bulshadii dhammayd maalintii, beladu ay jiidhay
Basanbaasku maantuu kacee, laysla balawaasay
Bowdaha markii lays jaree, ‘ba'ay’-du ay yeedhey
Ee biixiyaha laga jabbiyo, bawdadiyo lawga
Baaruuddu ay qaraxday iyo, boobihiyo suugu
Barbarkii la eegaba markii, bellelku uu qaacay.

Boqollow istaagiyo raggii, beesha ila yaallay
Barkhadlow Ismaaciil markuu, dunida baaq geeyey
Uu Beesha Caalamka u wacay, badi ahaantooda
Aniguna bartaan filayey waa, igaga beegnaaday
Bayluuli noo daadiyoo, barana noo xaadhyay
Boga caanaheed noo lisyoo, buqulka noo buuxi
Billad dahab ah buu naga mutiyo, boqorka taashkiisa
Baalweynta taariikhda aan, gelinno buuggeeda
Oon baarka sare kaga qorniyo, bayjka u horreeya.

Bilaneey Jibuutaay ahaw, tii la wada booqdo
Bahdii raagta noo noqo midaan, beladu saameeynnin
Beerkaygii baa tee Ilaah, nabadda kuu baahay
Ku bariidso waagii baryaba, farax ku buuxbuuxa,
Bushaarana ku noolow adduun, waa bil iyo koowe!

Calankaa birta ku taagane, babbisay neecawdu,
Baawarkiisu ha adkaado oo, biligu haw nuuro!
Barxadaadu waa khayr qabtoo, lagu barwaaqowye.

Waxba gabaygu yuu ila bixine, waxan ku soo baacshay
Daruuraha dhammaan bururay oo, biyaha soo daadshay
Ubaxa baalihii kala fidshoo, midabku beegeeyey
Ilo soo burqanayoo dhamman, wada butaacaaya
Balligiyo jidhaantoo rahii, uu botoorinayo
Shinbirruu codkii wada buleen, badi ahaantoodba
Nafta beegsata ay kolkaa, farax la baawooto
Intaa soo baran sheegey ood, bilicda yaabaysid
Baxsaney Jibuutaay adaan, kugu bariidshaa
Ku barbaartay nabaddee Ilaah, barako kuu raaci!

No comments:

Post a Comment