Xaqa suxufigee lumay
Xabaalaha kan lagu guray
Xasuuqaan la dabar jaray
Xorriyaddaan la siinayn
Xaashaday ku taallee
Ku xariiqantay sheeg!
Suxufiga in lagu xidho
Xabsiyada dambiilaha
Xabbad lagu dilaacshoo
Xuquuqdood la duudsiyo
Xaqdhawr aan la siinayn
Xaashiday ku taallee
Ku xariiiqantay sheeg!
Xaqdarradan dillaacdee
Xamastiyo carruuraha
Lagu xiiray maatada
Xawaleey la dabar jaray
Xamar haw darnaatee
Haddii ay xog sheegeen
Maxaa loo xasuuqoo,
Tolow loo xidhxidhayaa!
Ninka xadhigga miiqee
Xumaatada ku noolee
Xasillooni diid iyo
Tuuggaa wax xadayee
Xabbadaha ridaayow
Xisaab baa ku daba taal.
Waxba yaanan xiiqinoo
Ku xabeebsan hadalkee
Soomaalaan xurmayn iyo
Xushmad ruuxna siinoo
Xabaalaha ku faantoo
Xooggeeda aastoo
Xinjiraa ka dhuratoo
Xuurtaysa geesiga.
Xeerka dunida kuwa qoray
Sida ay xaqiijeen
Saddex baan xumaan geyin:
Suxufigu xor weeyaan
Xaqay noo iftiinshaan
Nabadday xasiliyaan
Xaasidkay la diriraan.
Markay xaajo dhabaqdee
Xarbi laysku qaadee
Rasaas xaami dhacayso
Xiinka roob la moodaa
Xag kastaba ka yeedhee
Maydku u xad dhaafee
Xisaab beelo dhaawacu
Naftu xanaf wareertee
Xusulduubto orodkee
Xammil joogi waydana
Suxufigays ku xooroo
Xayn daabka jiidhoo
Warka soo xaqiijoo
Xuduud malaha celisoo
Xadku waa u furan yahay
Ma geyaan xumaatoo
Suxufigu xor weeyaan.
Afartaa nin xiisoo
Ku xadreeyey jiifkoo
Xuskiisii kursigu galay,
Isagoo xilkii sida
Xiddigana ku taxan yiin
Ku riyooday xalay baa
Markuu waagii xaytamo
Xawaarii ka toosoo
Xaadhxaadhay boodhkii.
Marka ay xantiisiyo
Xam-xamtiisa heegaan
Waa xeedho madhan oo
Ka xaalufa wanaaggoo
Xaajo kale ma keenee
Inta uu xanaaqoo
Xawlaladu kacaan buu
Xanibaa wargeysyada.
Fannaan xiiso badanoo
Xarakeeya luuqdoo
Ku xeeldheer garaacoo
Xilli kasta diyaaroo
Xubbigiyo kalgacalkiyo
Xasuustii fogaatiyo
Xoorkii idiin shuba.
Marka ay xanibantee
Taladu ay xayirantee
Xagal daaca keentana
Fannaankaa u xaytoo
Ka dillaacsha xuubkoo
Xantoobsada dhibaatada
Oo ma geyaan xumaatada.
Xilkas weeye gaaroo
Xigmad Eebbe siiyoo
Murti xaakiim barayoo
Waa xeelad gaaroo
Xidid weeye hoosoo
Xananaaya ciiddoo
La xarbiya gumeystaha;
Marna xabag barsheed iyo
Xareed roobku shubay iyo
Xayskiyo guggii iyo
Dayrtoo xab bururtoo
Xooluhu dhaleenoo
Xasillooni nabad iyo
Xamdi Eebbe lagu jiro.
Waxa xaraf ku muujee
Taariikh ku xaydee
Ku xardhaaya suugaan
Xashaa lillaahiye,
Xeerbeegti weeyoo,
Abwaankaan xumaan geyin.
Friday, 8 April 2011
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment