Tuesday, 15 September 2009
DHABANA CAS
dadkaygow dhan dheeriyo
dhabandaad hurdayiyo
dhaan dhan ma waayow
dhibka kama bogsoodow
dhagxumada ku naaxow
nacas aan dhergayn iyo
dhoohane ma wayoow.
dalkii shaly dhunkashiyo
dhulka hoose loo qoday
marna inay u dhici sidan
niyaddayda kuma dhalan .
waxse aan la dhaygagy
dhakafaarka igu riiday
dhabankiyo gacamaha
la qabsaday dhafoorda .
dhiiggaa la daadshiyo
dhalintaa la laayiyo
shicib dhagaxa tuuroo
ifisadu dhex roortoo
dhiilabay baa iman.
maxaa laysu dhego tiri
madaxdii la dharshee
loo dhegay kitaabkaa
tuubbada u dhigatoo
dhaxaltooyo mooddoo
kursigii ku dhababtoo
dheegguun ka lulatee.
dhaar haloogu maro waa
xilka kani isdhaaf iyo
ninba inuu dharaar yahay.
waxse aan la dheelimay
marna aan i dhaafayn
sida sawirka igu dhigan.
dhudhubaha markaan galay
dhuunyaalay sida geel
dhaxda suunku iga jaray
dhex wareegay kaymah
dhuuniga la cunayiyo
biyihii ka dheel maday
hurdo dhabanka uga jaray
dheelalaabo socod galay
dhimashana u door biday.
dawladii dhisnayd iyo
ciidankeedi dhoobnaa
waxa aan dharaar qudha
ugu saaray dhidibbada
xor inaad ku dhalatoo
ku dhaqaado baan raby.
dhomaddii ku saarnayd
dhangadii lagula dhacay
dhobadaad ku aasnayd
waataan ka dhiidhiyay
SNM na dhaamnteed
u dhamaatay owgaa.
Isma dhaanto yahay baas
dhibaabkii ku soo maray
jilaalkii dheeraa
ma ilowday dha harow
inaad weli dhutinysoo
dheeliyayso ma ogtahay
mise waanad dhaadine
koomaad dhextaalaa
balaan kuu dhaqaajoo
kuu dhiga waraaqdee
dhugo hadaldaydoo
dhab u fiirso gacalloow..
dhaawacii damqanayaan
dhaymaha ku duubaa
dhuuxii rageennaan
ciida weli ka dhurayaa
dhaayaha kun waayaan
dhanka kale u hagyaa
kuwa dhimarka beelan
dhakhtarada la joogaa
agoonkii aan dhalan
baandhabta saar islayeeya hay
hooyadii dhanqaltaan
haamaha u dhaan shaa
waayeel dhibtoodaan
dhiilada u diidaa.
adna carodhuubiyo
dhabanacas rasaas baad
dhayal ugu ridaayood
hoos ugu dhigaysaa
umashaa dhibaatiyo
nabarkii ku dhacay iyo
dhin biilii iilowdee
idinkaa dhiggeeda ah.
waxan kuu dhigdhigaya
marlabaad dhabkuu tusi
raggii dhiiranaanan jiray
SNM taan la dhaafayn
dhulka inay ku nooshooy
dhinacaga joogan
kudhig laabta weeyaan.
haddii aan digniin dheer
dhaabaha ku muujoon
Kuu dhigo ma dhafaan
Dulmi lama dhisaloo
Dhagar lama hulaaqoo
Dhulkoo nabadu taam tahay
Dhakhso looma dumiyee
Ha yaboohsandhalan dhool
caasha luul maxmud yusuf
London,uk.
Tuesday, 18 August 2009
GURMAD
Asalaamu Calaykum dhamaan,, waxa aan idin oo guud binayaa tix gabaya oo la magac baxday (gurmad) oo ka hadlyasa dhibka gabooyaha lagu hayo ee soo jireeyn ka ah taasoo inna wada saran yahay waajibkeedu, aniga oo ku hanbalyaynaya Abwaanadii ka hadlay ee yar iyo wayn ba lahaa. Hase ahaatee inaynu kaga hadhno intaas maaha waa inaynu dabar gooynaa, lana dagaalanaa dhibkaa soo taagan.
Indhawaydba gabay gii ma gelin kal gurkiisiiye
Googoos masaafadka iyo guurow lagu heeso
Murti gaawe lagu soo shubana waan ka gaabsadaye
Geeraarka maansada ma furo gebiba suugaan
Markaa se aan gufeeyaba docbaa galow ka yeedhaye.
Gefka qaranka laga galay ayaan furay gartiisiiye
Garoon baynu wada jeexaanaa lagu gorfeeyaaye
Gole wayn ayaa laysku wici gaanka Soomaale
Guddi baan u xulaynaa gashoo gudata hawsheeda
Gunaad raagay weeyiyo hurgumo gogosha nootaala
Haddaynaan gilgilashada xumaa gacanta loo taagin
Inaguna garaad yaridataal waa la gelynaaye
Odayada nabsiga soo galee weli ku gaashaaman
Guntintay xidheen baan rabaa inaynu goynaaye .
Waxan lgu gumeeyey galeen aan lagaranynin
Godob aan la sababaynin baa guudka loo sudhaye
Geeshkaa dhan ee nala deggaa gooni loo xidhaye
Waa guuldariyo hoog dhibkaan laga garaabayne
Taariikh guracan weeye oo geerna qabanayn e
Odayada nabsiga soo galee weli ku gaashman
Guntintay xidheen baan rabaa inaynu goynaaye.
Giraan weeye duniduyo wataa geririg laynaysa
Hadhka labada gelin weeye iyo goboda waabeye
Gabbalkii dhacana waa kaluu eebbe geliyaaye
Gaajo iyo dhereg weeye oo galaba waa cayne
Nina gaar umuu helin inuu keli go'aanshaaye
Odayada nabsiga soo galee weli ku gaashman
Guntintay xidheen baan rabaa inaynu goynaaye .
Aduunyaduba waa geba gebiyo gumar qadhaadh weyne
Marna waa gu soo hooray ood gurato hoobane
Marna waa abaara gelen geliyo gubadka jiilaale
Ninka gooni loo riixaye geeska lagu feedhay
Geediga maruun buu ku furi guri barwaaqaade
Guushka iyo malabkay ka guran godomadeeniiye
Geelaa u dhaliyoo marbay gaaxda laba maali
Odayada nabsiga soo galee weli ku gaashman
Guntintay xidheen baan rabaa inaynu goynaye
Gabooyuu gudoonshay ahaan gaadha meel sare
Inshallaahu guulaan beryee waay u geli maalin .
Inta geesi gibbidh aan aqoon soo guntaday maanta
Guutada u babacdhigi yaqaan gaadihiyo muuqba
Galalafana meeshay galaan oo gamta u jooja
Gumuciyo rasastana genbiya goorta loo baahdo
Garyaqaano loo aayo iyo guurti iyo shiikhle
Gacalooy hablaha yaga layidhi gooni uga weeco
Gelbisna looga dhaartaa ileen gurintir weeyana
Geyi maysid gabadh lagu yidhaa gurintir weyane .
Inta guud haldhaaley timuhu garabka sodhaafay
Oo edebtu gaadh siisan tahay gaari lagu daabay
Gacaltooyo farax liyo wanaag gaara loo dhiibay
Midabkana guduud aan casayn geddisan maarriina
Gobanimada waa loo dhashee hadal ku gaadh siisa
Gelbisna looga dhaartaa ileen gurin tir weeyana
Geyi maysid wiil lagu yidhaa gurintir weyane .
Guhaaday qabaan baa qalbigu iga gariiraaye
Gaar loo faaquuqaa naftani gibasho ooydaaye
Gujadaa qanjaha laga geshaan keli la goohaye
Gardarada dadakaa lagu falaan gabax ilmeeyaaye.
Waxba gabaygu yuu ila guudbine gaabshay hadalkiiye
Gudaha iyo debadaba hadaan gurmad ka gaadh sino
Gadh madoobe aan saarno iyo guud cadaa taliya
Odayada nabsiga soo galee weli ku gaashman
Guntintay xidheen baan rabaa inaynu goynaaye
Gallad baa ilaahay u dhalin goor iyo ayaane
Godol baa cirkuna roob u shubi geeda soo bixiya .
wabilaahi tawfiiq
caashaluul maxamuud yuusuf
London, uk
Monday, 10 August 2009
waa maanso la magac baxday CIRIiQ
Cabbir gabaygu leeyahay
Geeraar la soo cugay
Casuun weyee heeladu
Caadli keena waynbaa
Cindga igudhigay taas.
Waxaan caynka ula baxay
Carigena sharaftale
Inaan lagu cayar falan.
Maansadan cajiibka ah
Waxa aan ku curinlaa
Sida calanka lo helay
Iyadooy caarif ay tahay
Cidna aanay mooganyn.
Calanke waa hore
La car ceeris tiisii
waatii carigu dumay
Coomaadi hii helay
Inkastuu cidhiidhiiyo
Nagu furay carqalada .
Ciriiq I roor iyo
Cudurkii idegay beri
Caynka iyo baydii
Ugu cararay waagii
Cidhiibti dalooshiyo
Cagtuu raranku iga gubay
Ciilkaan bigaan galay
Caawaba iday soo
Ciladaydii waan saxay.
Carbis ninman qaba yimi
Cilmi baraya ilaahay
Culimo iyo shiikh ba leeh
Niman wada cadaaliya
Curinaaya garshada
Caqli toosan baa yimi.
Calankaygii waan sudhay
Ciidankaygii waan tubay
Calamkaan lafoofaa.
Ciidayda hooyaana
Canbahiyo tufaaxiyo
Canab kaan ku beertaa
Cirku way darrooraa
Cuud kiina way dhalay
Ciirtaa la lulaya
Cayrtaa la tumayaa
Caraabuuna galabtii
Ka carow dhankisi.
Carruurtiyo haweenkii
Farxad bay ku ciidan
Casharkiyo qur'aanka
Looxa loogu caddeeyaa
Cisho waliba nolosheed
Cisibay ku gaadhaan.
Caaddilkaa ku samay taa
Caqligaan la kaashaday
Casiis kun I garan sii
Nabadaan ku caan baxay
Kuma helin cayaar fudud e
Curadda la dhaafsaday.
Cududaan lahaa iyo
Inta geesi caan baxay
Ciida hoose iga jira
Cadawgii I soo maray
Intuu wiil calashaday
Curdin soo ka cayana
Imisuu cunaa dhigay.
Inta uu cadrada dumar
Iga cunay cadaawuhu
Cadad tiro ka badan kow.
Waase caadil mahdii
Haddaan calankii ka taagon
Cashiiradiyo helkuba
Ku cawynyaan nabad.
Friday, 7 August 2009
BURCO WAAYN
Gabay baawrkiisii
Geerer ka bilicda leh
Maansada budeedii
Aan idiin balaadhshee
Inyar dhegaha beegsada
Guga oo bashiishtoo
Beeshii intuu helay
Balliyada xareedii
Burqanyso Kadimada
Doogii intuu baxay
Hadaba baal u seexdoo
Baar la fidhaya moodood
Baasheaynta arageed
Indhihii ku beegmaa
Naxariis u boogayaan
beldkaan ku ababiyo
Burcaa iga dhiganoo
waanigow baqoole
ahalyow ku barkee
Basanbaaska ruuxii
Ku basely yurubee
Ku barriiqday barafiyo
Tareen bawda gurayiyo
Shoping biixidas iyo
Kaajebiya bowd yaha
Wixii aan basaas qabay
Iyo baahi culus oo
Beerkiyo Wadena iyo
Badenkayga jiifsaday
Madaarkii bilaaye
Laydhu ay babinayasiyo
Dalkaygaan u baahdee
U beeraqay daraadii
Markii aan bidhansaday
Faraxad bedenka hoosiyo
Beerkiyo Wadena iyo
Bawlaha ka timi baa
Jidhkaygii ku baahdee
Baari weeye mahdiiye
Mar hadaan bureeqiyo
Burco wayn ku soo degay
Baahidaydii raagtiyo
Boholyowgii aan qaba
Waanigaa bogsoodee
Bismilaahi aan idhi
Barxadii wacnayd iyo
Biyihii macaanaa
Mar hadan barin saday
ka baqooli maayee
Naftaydii u bahnyd
Waan ku bbaanan doona
Baashaalka noloshay
Naftu taay u booydee
U buseeshay weeyee
Alahayow ku barakee
Tuesday, 4 August 2009
SARBEEB
salaan ka dib waxaan idiin soo gudbinayaa tix yar oo daba socota suleekha
oo la magac baxday (SARBEEB)
BISMILAAH
Sa’da gabay sifaha maansa diyo subaca heestayda
Sedriga iyo laabtaan ka saxay ararta suugane
Suul daaro kuma jiidho iyo sibibixaad toona e
Siigiyo dabayl kuma furee waw sedihiyaaye
Darbaa laba saluugaa markay saddro sheegane
Darbaa jira samaantiyo xumaa kalab saaryne
Darbaa saaka waxa jooga iyo garan sedkii tegeye
Igu sima sideedaba naxwa waan sanceeyaye.
Ninka sumada igu jiidayee saxaya dookhayga
Iyo kaa sun baan dhamay lehee wada sulaaqmaya
Iyo sacabka wiilkaa tumee soo dhaween fidiyey
Iyo soo socdow waxan ku idhi suggo odhah dayda.
Haddaad guurti sugan soo dirtiyo aabaha saxane
Oo aad cuqaal soocan iyo saartid odayaalba
Senge faras haddaad soo tubtiyo saadka lacageedba
Oo aadd sidgaha geela dhalay saaka tirinaysid
Sawd kuma fur adiga oon garan suaashayda?
Sebbanaan qarnaan soo jiriyo dhowr sagaa lade
Sebi aan hurdada boganin oo selelay baan ahaye
Waayeel salacaaman ahoo seegay marinkiiye
Hadana saaka uun baan dhashoo maan sabad bixine.
Sogsog baa dharkii iga riftoo soogan baan ahaye
Seeraan ku oodnahay runtii sabad abaar wayne
Sidii aan u weecdaba waxbaa xidhay samaantiiye
Surma seegto waran seeman baa saafay wadnihiiye
Sulub ololayaa igaga dhacay seeda boqon taye
Halbawla waxbaa iga saroo saydhshay dhiigiiye.
Suugaan yahan hadad tahay murtida kala safaynaaya
Sulla meelo laga guuray oo saymo haliseeda
Oo aadamii soo maraba sibiq ku dhaafaayo
Waxan igu sakalay waa inaad siinka ka cadaysid ?
Intaan halaq sabaynaya iyo sigay abes duuban
Intaan aan libaax seeman iyo sigay shabeel soogan
Intaan kaymo wada siqin siqaha ah jiidhay surin oodan.
Anoo curaad suldaan dhallay ah oo sidata bayluulka
Sadex qayd dhacliiyo boqor lehoo oo sudhan garayskayga
Iyo timo sinaha dhaafay oo sabayso neecaawdu
Mid uu qurux ilaah saray oo saafiyaan ahaye
Waxan ahay mid saalixadah oo eebahay sugaye
Mid salaada ooggaysa oo sooman baan ahaye
Mid iimaan sadd loo siiyay oo suuban baan ahaye
Saado iyo shiikh miduu dhaloo suurabban ahaye
Miday hooyo soo abibisoo edab ku saamelan
Oo haddana saran seersan baan saakinow ahaye
Suugaan yahan hadaad tahay murtida kala sifaynaya
Sulla meelo laga guuray oo saymo haliseeda
Oo aadamii soo maraa sibiq ku dhaafaayo
Waxan igu sakalay waa inaad siinka ka cadaysid ?
Kolay marinkii wada seegte oo wayddin sida taaye
Hadba dabinka kii saara baan siiyey weedhaye
Ninka aan sagsaag gelinin baan siiyey weedhaye
Ninka fura sitaar kaan xidhaan siiyey weedhaye ?
Waxba gabaygu yuu ila sibane waan sar jarayey
Xassan ganay sidiisii ninkii surin ka saaraya
Samow gaariyo kale ninkii mariya siiqdisa
Saxanow hadraawo kalo furaya sooyaalka
Ninka gala safkaas oo kalaan subaxan raacye
Hadba calafku kii uu saxee fura sarbeeb taa yar
Yaa cunaya soor tayda oon sawjadiis noqone.
wabi laahi tawfiiq
caasha luul maxamuud yuusuf
Saturday, 11 July 2009
waxaa la yidhaahda geyigaba
Geeraarka maansada
ma gardaadin heesah
aarartii ma kala gurin
goleheenan wacanee
guurtidu ka buuxdiyo
gurdankaan ka curiyooo
godlay erayadeedeee
bal u fiirso gacalow.
Guluf laguma doonoo
geesh laguma xoogee
garashada illaahbaa
xilka gaar u bixiyoo
waa shay u gooniya
hadba ruuxi gudi kara.
Axmedow gardaash iyo
Gaashaan biraan jabin
Iyo gaasiraad tahay.
howshad guudka saartee
Rabi kugu galadayee
Gacanta aad ku haysana
kuu fudaydi guulluuu
Guullayso abidkaa.
Cirka oo gushubayoo
Xareed galalaclaysiyo
Hobaan guduud iyo
Geedahoo magooliyo
Noqo guri barwaaqaad.
Somali gebigeed
Inta gudiyo debediyo
Great Brittan joogtaan
Garab baad u tahay
iyogeesi aay ku faanaan.
Afrtaa gudgude mayey
Murti gogol dhigeedii
Suugaan gasiin wacan.
Godka maanso laga dego
Gabay meeris kiisii
Geeraar xul kiisii
Iyo gogol dhig weeyaan
Gobo_diina waxay tahay
Ama geba gebayntii.
Dhalinyarada geeskee
Goobatan caawa joogtay
Gar ilaahay eray baan
Gaar idiin ku soo xulay.
Maahmaaho guuniyo
Oday garasho dheer baa
yidhi gacaliyow bari.
Hadaan geedka xididkiyo
Gunta laga abqaalayn
gacankuna biyuhu sidin
Gaadhsiinin dhuumuu.
Ubax kuma gadaanmee
Midho lagama goosteen
Guunyadu ma daaqdeen.
Waxaan uga goleeyahay
gurboodkiyo haween iyo
gadhmadoobe iyo oday
Hadaan garabka lala qaban
ruuxii guddoonshe ah
howshu waa gabnowdaa.
Adiguna garaadow
gacmo furan walaalow
giddi waanu faraxnoo
taariikh go wayn baad
guud ahaanba magacii
geyigaba u curiseee
rabbi garasho wacan iyo
galladiisa khayraad
gondahaaga saameeel
Sunday, 14 June 2009
CARUUS
Oo curubta aad moodo iyo ubaxa casuuskiisa
Cal cal cayda xareediyo lamida cadar u dognkisa
Haddii calfku uu kugu dhacay cadil mahdii dheeh.
Camal geenyo ugub weeye oo casar la soo joojay
Caro doogle la gu so korshiyo ceelka dacalkisa
Oo culimo soo ababisiyo caalin iyo shiikhyo
Cadceed subax la moodaa haday caawa kula jogto
Haddii calafku uu kugu dhacay caadil mahdii dheeh.
Caradaad ku dhalateene hadduu yahay caruuskinu
Carta iyo hadii cali sabiix caawa lagu geeyo
Ciiddii jabuutin maruun cagaha aad saarto
Caadadii iyo dhaqankaan lahayan baa lacugi laaye
Caleemo maa laguu luli la haa camal sanay eedo
Caways yaa la tumilaa cayaar lala cajiibayo
Casuumadda laguu fidan lahaa heedhe kala cayna
Ciidamadaa salaan bixin lahaa calana kuu taagi
Hadan hooyadaadi cudoon caawa yarsheego
Cashirada iyo ehelkaba midi cawda u goglaysay
Masaakinta waa cawiyiyiyo ceeshaka ugu deeqda
Ee aan tolkiyo xidid ka caban ceebna lagu sheegin
Adna canab lamoodyey inaad raacdo camlkeeda
Oo aad la cayan noqoto baan kaa codsanyane.
Faysalow nin caalini dhaloo eebe cudu siiyey
Oon coalool xuma ku korin abidna ciishonin
Oo aan tolkii ceeb ka gelin caado laga baydho
Casiis wiil ilaahay ka dhigay oo codsami taagan
Haddii calafku uu kugu dhacay cadil mahdii dheeh .
Digrii culs ninkaa haysta iyo mastar ka cajibsan
Oo saynys yahan caan baxaa caashaq kuu galaye
Adiguna sidii cayniyey hooyada ceebla
Marwo culus inaad noqoto baan ka codsanaynye
Waxaba gabayga yaan sii cugine waa cabbirayey
Duco yaan ku soo ciiraya camira aaminta
casiisow ducada naga ajiiba caawiyaa tahaye
Carruur khayr qabtana rerkasii caadil baad tahye
Nabada iyo caanaba alow ceelka uga buuxi
Cududoda eebow ka yeel taan ku wada ceeshno
Ilaahyow indhah cawri wada camalka shaydnka
Iyo kuwa cirfiidkaba alow caadka ku wareeji
Wednesday, 10 June 2009
GAASHAAN
Gar ilaahay maansoyinkii waan ka gaabsadaye
Geeraaradii daayay iyo gebiba suugaan e
Waxse aan gadaal ugu dhugtoo galabta ii yeedhay
Aan gaawa murtida ugu lisee iyo gaaxda igu raagtay
Gadhwadeen Ismaaciil in aan erayo gaadhsiiyo .
Haddii aan ilaah kugu galadin garaasho dheerada
Ama aadan gooroon u kicin geeskan lagu hoobatay
Oo aadan gaadhsiin dhamaan nabdu waa guule
Oo aadan goobtaa u kicin waa la guban laaye
Goblan baa ku xigi laa hadaan guule ku dirine
Gabal baas markuu dumay markay geeridu isdhaaftay
Madfac lagu gigsii'iyo wixii miino lagu gooyey
Gaas iyo kabriid lagu qabtee iyo gumac rasasedba
Ee dhaawicii wada gegmee haadku ku gableeyey
Ee uu gurboodkii dhamaan wada gunuuyoosay
Ee maadatadii aygo’dee luunko wada gooyay
Ee gayigu uu ololaye gacal ba uu waayay
adigaa gar gare u noqdoo gaadhay gacalowe.
Afartaa gedaan marin jiriyo gogol dhigaygii dhee
Guubaaba daan tiirin jiriyo gabayadaydii dheeh
Gaariye halku dhigay murtida gacan ki u jeexay
Galadii hadraawoo kaleiyo gaanka nabadeed dheeh
Hal abuur gedii soo kaliyo gebi abwaanno dhaan
Inta samaha goobaysa iyo gacan walaalo ah dheeh.
Gardaadshaad ismaaciil tihiyo geesi caan baxaye
Hayin geeska loo soodiroo gaara baad tahaye
Gurmad eebe noo soo diroon gaabin baad tahaye
Gaadiid ilaah soo diroo goo’niyaad tahaye
Afrikaba ilays wada galoo gaadhay baad tahaye
Garab eebe noo soo diriyo geed hadhalaad tahye
Guulayso gaashaan biirow gaasire tahay
Markii aay iskala gadatay ee garishdii wayday
Ee taladu aay gees martee gebi ka sii duushay
God ka dheer markii loo qodee geeshku u heshiiyey
Markii gaal u soo heesay gudin u soo qaatay
Ragii aay ka go'aysyna markii giniga loo tuuray
Ee gabax indhuhu ay noqdeen baad u gaard didaye .
Godobtii amxaar doonayaa goolka loo dhigaye
Inta uu guntaa u soo galuu goostay midhihiiye
Oo gabanaddii layeyo iyo guurti odayaalee
Gabdhaha iyo hooyooyinkii gawraca uu simaye
Golxad buu gurboodkii la galay gebiahntodba
Markii uu gelgelimeeyey baad gaadhay gacaloowe.
Waxba gabaygu yuu ila gudhine aan gunaanado e
Guntintii xidhnayd geesi furay garaashadiisi dhee
Garka iyo hoggaankii lumaad gacanta haysaa dhee
Gumaysiga madow iyo ninkii gaala-daba diiday
Gafaniyo gabaray ninkii gooyey magacooda
Guuleyso gaashaan biirow gaasiraad tahaye
wabilaahi tawfiiq
Thursday, 4 June 2009
JAAHWAREER
Wiilkaan jeclaaye
Jamaal eebbe siiyiyo
Jawhara la moodkii
Dhankuu iga jiraa tolow.
Jeedaa lo day deyey
Jalleecada indhuu teba
Jaahwarerka igu dhacay
Jaha kasta ka eegee
Dhan kuu iga jiraa tolow.
Intuu jiifo aadmigu
Hurdo wayga jarn tahay
Jabaq dii dhaqaqdaba
Waan juuq dhegaystaan.
Jalka iyo biyaha iyo
Uma jeesto oonto
waan jidiin qalalayo
Jayfnkaa dibnaha iyo
Jiilku waygu gona yahay.
Imisuu jirdayiyo
Dhibic jawda haysiyo
Jibin roobku tuuriyo
daad soo jaguugliyo
Jirda gooye ila tegey.
Intaan jiidhay buura
Ama jeexay kayma
waxa aan jiid dheer maray
Ama gebiyo ila jabaya
joog ima tidhaahdee
naftu igu jujuub toon
jarka duulay awgaa.
Intaan jeerin qodax liyo
jiica iyo mraagiyo
bilcil jeenyo dheeriyo
jillbka iyo marobob
Sogsog jiitay awgaa.
Naf jacayl wareemo
Dhuuxa uu jejbiyoo
Jeegada u taaloo
Jamanaysa muuqaa
jabka iyo halaagaa
Uma jeedo gaclow.
Jamaal awdaa baan
Joofla ah libaxoo
Jiiriqasanaya micidoo
Intuu jaawo geel helay
Kala jaray halbowla.
Isa goo jiriidkiyo
Jeenyaha isdhafshoo
Jaruqasanya dhiigaan
Jabada ku la ngaado
jaahahiisa eego
U la jaaray owgaa.
Jiliflow maroodigu
Markuu jiido gacan kee
Dhirta uu jibaax ee
Laama jejebiyana.
Naftu kama jidh diideeee
kama jixin jixoot
jidhidhaco ma qabate
jamaal aawadaban
jabada kula negaado
jaaha hiisa eego
ula jaaray awgaa.
waxse aan jabkasiyo
jirbakaa u marayaa
jacalkeena weeyee
dhankee iga jirtaa tolow .
WABILAAHI TAWFIIQ
caasha luul maxamuud yuusuf
Thursday, 28 May 2009
SAMAAN BADANE
gabaygan magciisu waa (samaan badane) Wuxuu soo baxay 27/05/2009 Akhris wanaagsan.
Indhawaydba siinki murtida waan ka saahidaye
Sarbeebtii Kaman furin tixihii samayda waynaaye
Ma sawdeeyo Maansooyin kaan sari jiray waaye
Bal aan sadarrada u furo wax badan wayga sugayseen .
Ilaahbaa cirkaa sare u dhigay simay adduunkoo dhan
Dabadeed insaanka u sakhiray oo ku wada sooray
Saldhig buu u kala yeeliyo sabad barwaaqaad-e
Sumad na waa u kala yelyiyo sowarac iyo muuqe
Sawd kuu u kala weeciyiow saanta araggeeda
Nin waliba saxeex buu ku qoray calana waa saaratay.
Inaguna siddo kale ayaan sacab tumaynye
Saanad guuradii qaranka iyo sadkii weeyaane
Sumcada iyo sharaftii la helay sagalkii weeyaane
Saadashii SNM keentay iyo samaydii weyaane
Sitaac iyo iftiinkiyo sidii subaxa weeyaane
Balse kii safaad moodyow waad sah wiyay saye.
Saqaafa ragii noo gale soorta cuni wayay
Ee saawasawii dagal sumucu leefayay
Ragii solol ka jiidhaaye-ye ee sabanka turayay
Suugiyo shilka ridijiriyo weliba siikaawe
Soodhkiyo ragii waranka siday waa sidii weliye
haddii aan SNM siday ahayd saaka yara sheego
Sujaacyadii hadan yara-dayo saafo hadalkayga
Siraad aan damayn bay shideen saatir mahadiye
Nabad bay ku seexdaan dadkii tan iyo sool bariye
Saylac iyo ilaa boramiyo saw duleekeda.
Surad iyo sanaag iyo ilaa buurta sagaxeeda
Salka ceerigabiyo ilaa suuqayada haragaysa
Burco iyo ilaa saaxil iyo sabadka hawd odhan
Nabad aan sal guuraynin baa eebe noo sugaye
Hadii anay sababtaa lahayan waa sal goilayne..
Sadax midable way sudhan yahoo wasidan rabaye
Calankaa sabadka u eeg diinta ku salaysan
Tawxiidka waxaan ugu suntaday saatir magaciisa
Sama taliis inuu ii noqdoo suursho xuma hoodhan
Sabool koriye inuu ii noqde iyo saxalka kii reebaaye.
Sebiga iyo agoomaha inuu nabad ku sooraayo
Sibaraar caano uga buuxinoo sidig umalaayo
Waayeelka socon waayay inuu sare u qaadaye
Kuwa uu siradkii ka lumay araga siinayey
Iyo sucod ku waan haybasanee daba siqaynaaya
Iyagaana sedkoodii inuu xaq ugu saaraye .
Samaan badane weeyoo dhamaan wayna simayay
Salka ciida waxuu ugu hayaa sakabiyo dhaadheere
Sedriguu kuyaloo rag baa seetada u xidhaye
Saamalayl rag baa ugu jiroon seexan abidkoode
Sara jog rag baa u taagan oo soogan garabkise
Balse kii safaad moodayo waad sah wiyay saaye.
SNM samantaa lahoo saaray calankaase
Sidii aay ahayd iyo yagaa keenay sahaydiiye
Sandulayn raagbay kaga dhigeen saakin iyo yeelmo
Ka sindhiidhe somalikale inuu sukeeyeye
Sulub bay ka door teen Rabia waa ku saacidaye .
Waxaba gabaygu yuu ila siqine waan sakalayaye
Duco saafiyiyan marinyaa subiciya aamiinta
Intii aakhirow socotay een saacan nala joogin
Suaashodo tii suubane saxayso diintenu
Inta samada laga soo aqabalay saatir haka yeelo
Saxeex qalinku haydinku dhaco saatir idinkisa
Safka nebiga kuwa aanka hadhin saatir haka yeelo
Sarira janada ee bahay hawga dhigo sooryo
Sarihii fardaowsan ilaah hawga dhigo saanad
Wabilaahi Tawfiiq
Caasha Maxamuud YuusufLondon UK
Thursday, 14 May 2009
maanlawe
Maansooyin kii daayay iyo magaci suugaane
Maaxdiyo xareedii ma shubin meeriska ahaaye
Murse haday ka daran tahay tixdan caawa marinyo
Oon maanku doonaynino maqalku diidaayo
Runtu waa ka marmaan inan madasha keenaaye.
Maanlaawihii cararayow dhegaha miishaari
Misciriirta maantay gashee taladu ay maagto
Madfaciyo shilkaa maalintii miigu dhabanayey
Miidaamis mooyaane aan madax la reebaynin
Maxastiyo caruurtii markii milicda loo daadshay
Manfacii la cunayiyo biyii laga mabnuucayay
Mahuraan dalkoodii markii lagu maduurayay
Marna igama maydhmine maxaa adiga ku muqday
Muxbada dadkayagaan ku nacay keli muraqowga.
Mugdigii ku soo maray miyaa ayar kula mooday
Maalmihii qadhadhaa miyaa kula macaanaaday
Majarii lagaa furay miyay muhatay laabatadu
Umushaa minddidii lagu jariyo murugtu dhaaftaye
Adigaa mesaalkeed ka daran kana maciin liita .
Ma hilamantay midab sooci iyo magac lagu diido
Ma hilmanitay mooshinkii dagaal maydku tira beelay
Ma hilmaantay dhaawaca makalan welina miirabin
Muxubada dadkaygan ku nacay keli muraqowga.
Haday mala awaal kula tihiyo sheeko muran joogta
Oo aadan maandhow ogayn muurti lagu leeday
Dacarataan mugabshiyo suntaan malin wada laacnay
haday adiga miid kula tahiyo malabkii doocanka
Muut muut haday kaa gashiyo mala malayn beena
Oo aadan maan kaba ku hayn shalay waxad mooday.
hadii maabku uu kaa qaldamay waa mashaqo wayne
Darkalena inaad maamushaa waa midan dhicine
Ka mashiiqso ceebtaad mulkiday magac xumaantaada.
Mujaahidintii noo soo kacee midigta noo taagay
Ee macangaggii naga kacshiyo taliskii maanlaawe
Muslinimo kuwii doonayee magaca dhawraayey
Maalkiyo naftii noo huree mawdka u badheedhay
Magacood ha raagee SNM mahad ayaan siiyay
Milgo iyo waxay naga muteen sharaf la miisamay
Masnad dahaba bay kaga jiraan moolka taarikhda.
Midhihii bisladiyo wakaa madhaxii aan ahayno
Maskabkii lahelay iyo wakaa calankii miignaaye
Macdantii baddiyo waynagaa dhurayna moodkiiye
Mataanay ku curataa hashii magaca waynayde
Mush mushaaxanay somaaliland malin iyo layle
Mafsuud baan kuwada noolihiyo mahad ilahaye
Maansha alaa weeye iyo mahad ilaahaye.
Waxba gabayga yaan meela kale kula muraaqoone
Macankaa ninkii aan arakayn waa makalaynaay e
Mareegtiyo waxaan galinaynaa maqasha oodeeda
Miishaar af wayn baan ku jari madaxa uu taagay
Mandheeriyo waxaan gaynaynaa maadharka agtisa
Moofiyo tinarkaynu gelin magac xumaantisa
wabilaahi tawfiiq
caasha luul maxamuud yusuf
Sunday, 8 March 2009
waa heelo la magac baxaday cudoon
Caleentii baxadon crjabin weli
Cagaarkiyoo doogu u cusubyahay
Intuu cokan yahay biyii cabyoo
Cal calyadu ceegagto kadimado
Halakaad cagta saarto ciiraysoo
Rayskuna celinaayo cidhibtaadoo
Shinbiruu ciyayan codkala jaado
cabaar dabeded rahuna u ceshoo.
Ubaxoo cutub cutub cilaansamay
Curbtana caradeedu siman yaha
Hobantu casuus casan yar tahoo
Canbuushiyo midhuhu ciireenoo
Ca’ashiyo cidhifyada iskuhayanoo
Curdankii u bisladay cayn cayn.
Cunahay maraysan ka caagaynoo
Cuyuun kii arkaan cadhonaynoo
Cindi gasaana caajis gelahaayn.
Caynadu u egyahay cajiib badanaa
Caqliga aadamaan cadayn karinoo
Carabka ruux ku sheegay baan curin
Cadark iyo ka udgoon cabarka lashitoo
Cuudkaan ku masalay carfteedee.
Afrtaa ku cabiray cilmilo wacan
Carigaan u dhashaa ku can baxay
Ciidiisaa dahaboon cid gooynayn
Caynaaniyo waa cawiyo nabado
Caawaba waaniga ku ciidayee
Cadaalad ku caafimad qaba
Cirkoon caad iyo cirjiido lahayn
Daruuri cudhaynin ceeryanlihi
Jeegan ku caweermin laba caynlihi
Cad ceed subaxuun la cayanadahoo
Cadiyo dayax lagu cawaysimay.
Dhalintii isu cugteen ciyaartiioo
Cagtiyo jiibtu aay is celiyeenoo
Curayjj iyo caalin maryaanoo
Wiilshii carbisnaa cartamayaan
Cadradii luuqdii u celiyeenoo
Golii camirmoo culays yahaybaa
Cakuye libdhadii cadan noqotoo
Ciyaarti ku dhamatay caaynkaa.
Hablihii canab iyo canbaro laa
Dhiilihii culaygiyo cartiriyeen
Canihii loogu shubayo caruurtiiyo
Ciirtii lulyaan cudoon dumaroo
Codcodkuna ubadii ku cigan yaha.
Calooshoo nadiifa lays casumo
Cashiradu nabad ku wada ceeshto
Ciyigii laysa siiyey ceebliiyoo
Colaad raagtiyo casbiyi jirinoo
Cuqaal iyo culimo taliynaysoo
Cisiyo sharaf cadil ugu deeqo
Caamahan cafis beshu kala tahay.
Afrtaa ku cabiray cilmilo wacan
Carigaan u dhashaa ku can baxay
Ciidiisaa dahaboon cid gooynayn
Caynano iyo waa cawiyo nabado
Caawaba waaniga ku ciidayee
Cadalad ku caafimad qaba.
Caraabuu galbtii is carabsado
Ceelkii ka warama cidiihii kale
Cawdiyo saligii ciyaalku dhigoo
casariyihii la wada cabayoo
Cidhiidh iyo aan cardoof jirinoo
Cafiif tahay sheeko carifaahoo
Cabsiyo aanay jirin calolyow
Caabudaada aliyo cibaado gutoo
Cilmiga diintiyo casharka la marshoo
Caynk an u daydaba naftani calmatee
Alow ha ka ceelin nimcaadan u camiran.
Friday, 6 February 2009
garwaaqsi waxuu so baxay 06 09 2008
Ma gorfaynin maansooyinkii gulucda waynaaye
Waxse aan u yara gaabiyoo reebay gacantay
daAma aan godkaan degi jiriyo meeris uga giigay
Markay dawladdeenii gudhee gaane uun noqotay
Ee gaaggax mooyee mar qudha godolba loo diiday.
Garbay noqotay inaan gees maroo go’a hagoogtaaye
Garbay noqotay inaan gaabsadoon gabayba daayaaye
Waxse galabta ii yeedhay oo godolka nooleeyay
Golaheennan waynee murtidu gallan-galcaynayso
Geeraaradaa is dhaafaaya iyo gabay rag soo tiriyay
Giiriyaale guubaabo iyo siduu gudgude sheegay
Ama maansadii garab la'a ee gama'a ii diidday
Garwaaqsaday in loo baahan yahay garab aan liicaynnin
Garwaaqsaday in loo baahan yahay talo la wada goosto
Garwaaqsaday in loo baahan yahay garasho dheeraada
Saddex gees ayaan eegay oo wada galoof madhan ah
Geesi waa tahriibtaa la galay ee gam naga siiyay
Geesna waa ganboorkaa raggii goostay badankoodu
Geesna waa gumaystaha qarsoon een la garanaynin.
Gudin iyo hangool bay sitaan geed qudhana waabin
Geeddiga la raray lama yaqaan goor la furi doono
Guurtidu ma hadashoo dhammaan waa gabbanayaane
Gole Baarlamankii xilkii waa ka gaabsadaye
Gabbaarayda ina hayasatiyo garab castaa daadsan
Gumaystaha qarsoon waa inaan gaadh ka qabannaaye
Gafanaha gigtaa nagu hayee guraya dhiiggeenna
Giddigood inaan wada gurnaan talo ku soo gooyay
Galbeed geedka laga keenayee aan la garanaynin
Gumartaa intay dhilanayeen baa la gees maraye
Gabdho iyo inay reer dhaqdaan waa ku waa gabaye
Godka ay galeen bay dhammaan guul u haystaane
Guul darrada geyiga taalla een cidi ka giigaynin
Inta gabanno aan wayney ee gaws yaxaas jiifta
Ama badahu ay guuranayaan ee gundhada yaalla
Ama gegi cidlaa uu intaa bahal ku goobaayo
Ee gaajada u le’eday ee luunku wada gooyay
Ee fiintu ay goohday ee galowgu ooyaayo
Waa geeri laba geeriyood gayax lana taagn
Waxba gabygu yuu ila gudbine ducaan ku soo gooyay
Allahayow geyiga nooga yeel guri barwaaqaad
Allahayow geyiiga nooga yeel gogol nabaadiino
Allahayow cirkoo noo godlada guunyo noo daaqdo
Allahayow nimcada gaaxanteyna noo ged dhali manta
Allow madaxda garansii xaqana gebi ahantoodba
Thursday, 5 February 2009
carurta nafada ah buu ka hadalyaa gerarkani
cudrkaa wax dilaaya
iyo caruurta nafadu hayso
igu sheegatay codkaaga
calooshaan ka ilmeeyay
murugo aan lacarceray
cuntadii la cunaayay
iyo biyihii lacabayay
waan ka caaga xagooda.
cajilad aan damahayn
baa cawadii iyo maalin
cindigyga ka daaran
oo ugu soo ceshamayasa
calolyo aan goahayan buu
igu beery codkaagu.
Caadilkii i abuurtow
casiiskii ilahayow
ubadkaa aan cimrigood
ku cawaynin negaad
caafimadana ku toosin
oo caruur iiny la faraxan
cayar aya la tuntaan
calooshoda ku haayn .
malaaigta cisaysaan
ee sharafta aad ku casuntay
caafimad ugu dhiib.
canabay carigeena
cibaro aad u balaadhan
iyo cudur aan ddawo hayasan
oo cadibaya halboowle
maskaxdii ciladeeyey
qaarna go'oyay cagaa
caamiyo aan waxa aarkayan
oo usha loo celinaayoiyo
maasiibaa camiraan.
Waaxse uu cudurkase
ku cabadayaa manata
ama uu cunyaa
ciroole aan kaca hayan
iyo caruurtaa yaryar weeye
ilaahow cawiya mooyee
cidina aay u maqanaayn
sida aad cabirayso ee gabaygaagu
cadeeyey inaagaw cida maanata
ee ceebi yaya ina raacin.
Tuesday, 3 February 2009
gabaygan tabasho waxan u tiriyey halyeyadii SNM
Tartan kaa aduunyada gashaa, tiigsataa libine
madaxwayne Taama aad heshaa goleha ku taagan
oo aad halkaad taab dhigtaba lagu tixgelinaayo
sharaf lagugu teedshaa marakaad taagan tahay miiska
ubax lagugu turaa marakad hadalka tebinysid
Alaylehe bilaash lama tabcee taa SNM baa keentay
Hadaan eebahay toosinayan, teemed ma masheene
Ragii tiirka adaag noo dhisee, nolasha noo taagay
Tawaxiidka adag raacayee, rabi ku taageeray
Ee talo ilaah baa lahee, aan ka tegin diinta.
Taliskii caqliga liitay iyo, tawradii jeebiyay
Ee toogatay cadawgeeniyee, faqashtii taan dheeyeyee
toos ubaxay inaya helaan xornimo tooxweyne
Alylehe bilaash lama tabacee, taa SNM baa keentay
Alaylee tiriig aan damayan, eebe nagu taagye.
Tuuskan caawa noo hoorayiyo, togaagan noo buuxa
Tiigaaddaa baxaysiyo nimacadan, meel kastaba taala
Tobanaan kun oo wiil ayaa, akhiroow teegaye
Hayeeshee wax baan Toyonayaa, laabtu tabaysaaye
In taalooyin adag loo dhisoo, magacayo loo teedsho
Oo laydhadh laga taago bay, laabtu tabaysaa
Tacsi qaraan in lagu soo xusay, laabtu tabaysaaoo
Taarikhda lagu wada dhigay, laabtu tabaysaa
Ciidamada in lagu teba baraay, laabtu tebaysaa
Oo calanka lagu taago bay, laabtu tebaysaa
Oo taalooyin koodii wacanaa, lagu tusalaysto
Oo toosna loo qaato bay, laabtu yebaysas.
kuwa tacabirkaan soo marniyo, diidan taladeena
ama tiraya magaceena ee, lumiyay taariikhda
ama inaan tis qadniyo jeclayn, tooska nolosheena
ee tabiya xumeheena ee, caalam kaw tiriyayee
tacadiigii dhacay waqood, dib ugu taanaaya
inay tooriyayn maalin oo, taar ku mari doonto
SNM baa tilmantaa lehe taa hala ogaado.
Tiriigaa dhulkii wada ifshee, bari ka soo toosay
ee sanaag tisqaadki xornimo, sool ku tamash leeyey
ee guusha loo wada tashaday, lagu taxaasheeyey
Alaylee bilaash lama tabcee, taa SNM keentay
Ninka weli tiraabaya iyo tal xumaa jooga
Ee wiliba Soo taagan baay, tiirku xidhayaane
Taariikhdu way qoran tahee, tab iyo xeeshiinna.
Dhammaad.
dariiqaan lahayn qodax waxay soo baxaday 3/ july /2008
deelayda curiyee
Darmo lagu caweeyiyo
dhigay duraaxadaha ee
Ardaa noo dingiigshee
dabana yidhi kulaalee
Doobi xorka buxana
dabac nooga maalee
ubbo noo daboolaw
salaan diiran iga hano.
Aan taa ka soo deego
ragii hadal da wayan
Iyo deelayda tiriyee
reebay duugan maanta ah
duco aan u mariyee
aaminta igu dara
inta daarta akhiro
rabigay u dirayee
jooga taan la Diidayn
daayinoow alahayoow
durdurada fardoowsiyo
Ilaaha dareeriyo
darka weligii aan gi'in
Ku warabi deeqadaa
oo danbigooda wada dhaaf
daaqadaha janada
eebe haw dilaacshoo
daaha hawga qaado
hablo dahaba lamoodoo
eebahay diyaarshiyo
xuuracayan ha dortaan
wiilala da'da isleeg oo
dirshadda u nuguloo
hawsha aan ka daalayan
Dushooda haku meraan
dayinow alahyow
Qof daciifa baan ee
ducadayada iga yeel.
Inta eebe dayee
ifka weli dul joogtana
duco aan u mariyee
aaminta igu daraa
alee haydin Daayo
dabayl cafimad iyo
daawo aan dhamanyn
Haydinku deeqee
dadaalkinii waakaa
doogoobin weligii
dunidu way sal wayntee
daantaa ka jogtaan
Kudakeeya raaxoo
ku dalxisa nabadoo
nuurkinu yuuDaamin
taarikhudna ma daashoo
da'yarataa u aydee
daddaal kinii waa kaa
dadku wada higsanayaan .
Aan taa ka soo deego
raggan deelka mariyee
maanasada isu diryee
doodu ay dhex marray soow
marka hore dan waa kow
marka xigana aan dego
dantaan maanata leeyahay
hadaladan dawanayee
deelayed lagu dhigay
ma dan baa ma daawaa
Ma deeq baa madayraa
ma abara da'wayn iyo
dabadheer lamodbaa
ma digniin shisheeyoo
weli aan la dihanbaa
ma siyaasad doqonoo
duul hore Kudaaleen
baynu daba hablayanaa,
mise damal hadhwaynoo
Dumaraka iyo carurtiyo
duqaydaan Kacayn iyo
Deeqaya maxastaa.
aan taa ka soo deego
dareenkayguWuxu yidhi
danta guud ma eegnaa
abwanada Dalakaygoowiyo
kuwa debeda joogoow
maxay uga Dabooshen
dibnahodii waa kow .
dayartiyo carurtiyo
dumarakaa idlaadee
baduhu ay la deegayaan
ee Tahariib ku dabar go'ay
miyaan laga damqana hayn
Midkalaa se dacal taal
dumarkaan xishood kiyo
dabar aan lahayne
damiir kii waxa celin jiray
kaga Lumay dariiqyada
ee diiran aaya qaadkii
iyo rag Dulaysan baa badan
oo dunidaba ka haajiray.
Gurya heeni wada dumme
ubadkeeni waakaa
u dareeray meel darran
ee raggan soo duryamayoow
dawadeedu Waa maxay ?
daliil keeda yaa heli?
yaa furaya dawa Wacan
iyo dariiq aan lahayn qodax .
Wabi lahaahi tawfiiq
ducoo waxuu soo baxay 10 /28/2008
maankaba kumaan hayn inaan mariyo luuqdeede
hayeeshee ducadaad meerisyo maansadii gasbayga
Miyir kay i qaadoo runbaan ula muraaqooday
Madax iyo minjaba waan bardee mawle kuu yeel
Oo rbbibaa muftax yada hayee Maxamed haw yeelo
Oo waa masiibee xanuun maalin ha u doorsho
Alahyow malaaigta culus midgta ay saarto oo
Aay macsuun uga dhigaan caafimad maxmed
Waxes aan u magasan saday ilaah mawlena u tugay
Inuu maxamed noo caafiyoo murugtu ina daayso
Oo uu mushaaxo ku maro meelwalaba raaxo
Oo diinta noo meriyoo mu'aadin noo gaadho
Oo uu mushiikh culus noqdoo makka ka eedamo
Alahyow mac buud baad tahiyo mawa lahay wayne
Mustajaba eebow ka yeel ducada aan mariyay
Qof waliba inuu mowd dhadhamin waa midh lahubaye
Qof waliba inuu malin teegi waa midh lahubaye
Ina aduunku uu madhan maraly waa midh lahubay
Anigu ducaan moosya magane aamin dheeh
Alahyow mulkow maligow maxamed noo caafi
Alahyow macbuud baad tehee maxamed noo caafi
Ducadan ku maansonya meel fog weyaane
Oo maxamed baan doonya inan u mariyay
Idinkuna ha iga maaigine mariya aaminta
Oo mawle ila tuuga oo mariya aaminta
alahyow adaa mamula dunidan misaman
majaraha adaa noo hayoo noo meshan mari dono
alahyow muradkayaga culus maanta noo yeel
Oo maxamed oo guri lehoo ubad gardadinya
Oo mudanihisii dhaliyo mamadis qaali iyaguna
mafsuud ay yihiin oo midig ka yaalan
Alahyow adaa mahada lehee manta noo yeel
oo maxamed waa jecelnaheye nooga yeel munad
waxa la yidhahdaa hayaan
Hadhac roobku heely
Hooyga looga dhiigay
Salaan hayabada laan
Hawada ugu diiray
Hawad roobka daya
Hamash doogu yahay
hawreen dhirtuuna
hayaan kaan galee
hayinka ugu raraya
sowdin kan hakalaya
hanaq iyo wadanaha
hootada ku jaraay
Halelada dhashaan
hadhuub buuxi laa
hadhka damaladan
hurdo seexo laa
hoobaan baxadaan
hadaba gooso laaa
haro buuxsan taan
ku haraad bax laa
sowdinka hakalay
hanaqa iyo wadanah
hootada ku jaray
hawrarta gabaya
heesaa qurxoon
jiiftada haboon
maansada la hufo
hogee baad degtan
oo ka hal qaadataan
siduu hore u yidhi
qolqol noo hor kacay
hadimadu ma yara
dhulkii waa haloof
hadal kana dulmara
sarbebta haka tegiin
higadad dhigtana
yaan hebed ku garan
nacas yuu hanaqalin
heer sare garaac
hadal iyo dhamaan
hubka dhiga ragow
koly waan hubaa
ways hilin ogtiin
ee hog kale uga baxa
gabaygan waxa la yidhaahdaa isqar dhaaf waxuu soo baxay 10 15 2008
ma qotominnin maansooyin kaan qaabadayn jiraye
qalanbaawi gii wan gaboo qun uma luuqayne
halka se uu qalbigu doonayuu qalinku raacaaye
wax wayn bay su kay qaban la oo aan qawadayaaye
Is qar dhaafka noloshii ku dhacay waa qisiyo yaab.
**********
Qormo nabada Soomaali ood quruxda yaabayso
oo qoys wanaag iyo ku sugan waxan la qudhaynin
qosol iyo mashxarad beesha oo lagu qaxwaynayo
oo sharafta quutoo ku nool qadarin ta u fiican
oo aan qiiyamo iyo aqoon quudhsi ruuxkaleba
nolosheenii qiimaha lahayad waa la qonsaday e.
*********
Haadaan qun uga faalodo oon qodob ka soo qaato
ama qoys ku sidii uu ahaa kuuba yara qeexo
qorshe kala danbeeyuu lahaa qaybo miisaaman
qaynuuno culus buu lahaa meel la qabadasiiyo
Qof kastaaba xeer qabanayaa qoorta loo sudhayay
qalad kiisa waxu sii saxadaa qaabilka hortiiye
qaabkaasi noloshii horiyo qiimaheedii dheh
wax qayiray qiyaastaa wacnayd qaad nin laasimaye
*********
Qoton beena hadal aan wax qaban qararac daa taagan
qayliyo sawaxan aan damayn qaare beenaad ka
qalalaase ruuxuun ku nool oon qaboobaynin
oo qalaw ka laalaada oon kuu qab samahaynin.
haddii uu qabriga ruux galoo luxudka loo qaydo
qalbigaga samir baa galoo waad ku qanacadaye
wax qaracanka kugu rida qof aan dhimana nolyn e
qalad kiisa ruuxaan aqoon iyo qaloociisa
qammacana ku naaxoo ka hela nolosha ta u qaawan.
*****
Ragga qubaya qiimii dadnimo eeyna kala qaaray
qalwadii maskiyo waxay galeen qarandi hooy geede
Ka qadhmuun halkuu qaadka yaal qaadhka waxaraaye
ninka qaadka gadanaaya baa qabatin loo yahaye
qool buu gashaday oo nin qudhi qawl ma celinaayo
qolqolkay u tuban yiin sii qoon la doorsaday e
eaxa qaribaya soomaali ee qarannimow u diiday
ee qaylo dami wayday iyo qaaq ka yeedhsiiyay
inuu qaadka shayga-si yahay yaa ka qaba dood.
******
waxaba gabay gu yuu ila qunbacan ama saan qiiroone
Gobannimadda qoyskaa xukuma laguna qaydaaye
haddaan qodax aroortiyo la tirin qoomamo iyo ciilka
ama aan qorshiyo haybad wacan seeska lagu qaydin
oon qadafka ceebtiyo la latirin qaxarka reerkooda
Gunnimmadu inay qaalib noqon waa la qirayaaye
halkaas oo qorshaa laga saxaa qiil la heli laaye
bal qiyaasa tiiyoo ragani talada qoolayo
oo ay haween kay qabeen qoyska dhinac hayso
oo aan qalooc iyo lahayn wax is qilaafya.
bal wax Qiimahaa yeesha iyo sheega quurux deeda
Thursday, 22 January 2009
qalin waxuu soo baxay 01/08/2009
haddii aan qiyaas buuxda iyo talada qoondeeyo
haddii aan waxa qabadakiisa iyo sheego qalad kiisa
waxa qamar sanaaciga cirkaa lugu qayraanshay
ee dayaxa loo qaybsadee looga dhigay qaarad
nukliyeerka qaacaaya ee qaraxa tuuraaya
intaa miig qumaatiga u kaca ee hawada qaada
markab qaarar wayn liyo waxaa badaha quusaaya
dhakhtarada jidhkaa qaaliga ah maqas dhex qaadsiiya
ee haddana qodob aan la'arag aayar qabad siiya
qormo lacagta lagu kaydiyiyo Qaanadaha buuxa
ee dunida qayabataad tagtaba aad ka qadanaysid
qaladakuna ka dheeryoo xisab qoran laguu dhiibi
qaxar iyo dhibatiyo iyagoon gelin qisaastoona
qallin baa intaba lagu sugee may ku iman qaylo
qaran reer galbeed baa dhistoo taagatay qaynuune
qabqabliyo waxay dabar jareen magac qabiil baase
qoraal bay ku sareen kursiga iyo qiiyaas toosan
qalin baa saxeexo shacbigu waa ku qaanacaye
qaxar iyo dhibatiyo iyagoon gelin qisaastoona
Qalin baa intaa lagu sugee maya ku iman qaylo
Afrikaa qaloocuun taqaan iyo qiyaamaynta
iyagaan qashaafaynin oo quudhsiga ku naaxa
qaraamaad in lo soo guray talo ku qaateene
oo koonbo loo qaybiyoo loo qabanado e
iyagaa qadhiidh uun ku nool quudmo ruux kale e
Arfikaa qasarha u badan qalinku uu keeno
inkastuu degree qaato uu qiimo badan yeesho
inuu qadada soo tuugsada waa wax qaalibe
qalin baa wanaga lugu helaa qarana soo saara
dhalinyarada qiimaha laheey qaata waanada tan
qalinkiinu yuu baydhin ee toos u qabadsiiya
qiyaamaynta laydinku wadiyo qaladka soo sara
quwaadiina siiyo dhamaan qaata derisaatka
qardoofaha shisheeyuu wadiyo qaybsanan diida
qarniyaan danbaynaa somaliland qaybta hore keena
qalin daarka ka ilaasha oo qaybtu ha sinaato
qorshi hiinu ha ahaado inaad tuuga qabatane
qalqalooca ka ilaaliyoo toos sha qarankeenna
Gabaygan wax la yidhaahda tiiraanyo waxuu soo baxay 29 /11 /2008
Tuduciisa waatan ka hadhay toya sha diisiye
tumatigu markuu dhacay ayaa laygu tibix yidhiye
aan taamay qalnkaan ka tegay oo tixahan qoraye
Dar baa ararta kal tuura oon toos u qabad siine
Aniguse halkaan taabku dhigo waaw tamadiyay
Bal aan tiriyo caawoo kalan toosiyaa hadale.
Markuu taarku soo dhacay warkii toonkii laga sheagay
Tiiranayadaan qaaday baan tiicayaa weliye
Is tahbiibi kari waayay oo waa tukubayaaye
Idinkuna tabtaas inaa tihiin waa tu la hubaaye
Ina taabatoo dhami ahaan waynagaa tubane
Tacsi inan dirnaa weeye iyo tamar waxan hayno
Naf waliba iny malin tagi waa tu'lahubayee
Samir baa wax kuu toosiyee taajir idin siiye,
Hayeeshee tabalaha dhiciyo tuuga nala yala
Cadawgaa taxashiyey dhulkii waayna tolyay
Talaabada halkuu dhigo hadan tooshka lagu haaynin
Oon lala tacaal gelin runti wayna tudhayaaye
Hadan shacbku kii aay tuhmaan shokiga ku tuurin
Oo aanay tiir adag ku xidhin towstu way badane.
Ninka qaraxa nagu tuuray ee toogatay shacbkena
Iyo talaxumaaha soo diraya ee aan u tudha haynin
Tawxiidkiyo quraankiyo sidiiay tidhiba diinteenu
Labadaba inay naartu tumi waa tu la hubaaye
Toolmoni hii maxamed baa taa inoo dhigaye (csw).
Afartaa tiriiggii murtida tahan ma qaadsiiyay
Ma tilmaamay waxan tabanayiyo taan ka socon waayay
Afar kalena waa tu aan ku odhan talo wadaag taayda
Aduunkuba tabaaliyo mar buu turun turoodayee
Tusaalay inoo wada tahiyo tab iyo xeel dheere
Tuka daran tan baa iman hadaan teedka loo xidhine
Tartan bayn garab rooraya iyo cadaw na taamaya
Talaababa inaan qaado oon turuqa aan maalno
Raggay toorri kaga daran tahaa toonka nala yaala
Isu tabiya meeshay galaan oo yanay tamarayasan
Waxaba gabaygu yuu ila teegine taama hadalkayga
Ileen midigtu tamar male hadan bidixdu tiilayne
Iskutiirsanan bay gacmuu tamar ku yeshane
Qurbe joogow aan toosno waa layna tebayaaye
Tashii wayn inaan yeelano tabaruc aan gayno
Oo tacabku waa badan yahee dhiibno tamarteena
Oo aynan is tooyan malintay taagan tahay hoodu
Tuyar iyo tu wayn waa inan taagno gacanteena
Tabaabulshe rag baa lagu ogyee tiirsha dhiniciina
Ooyayna is toyan malin taay taagan taha hoodu
gabaygan waxa la yidhaahda guubaabo waxu soo baxay 17/12/2008.
oo an ka gaabsaday beryahan gabayo iyo maanso
ayuun baa shinbiro gudaya iyo geydhe lay keenay
galaw baa farriin soo diriyo fiintii gololaysay
gorgor duulayaa iigu yimi gogoshii aan jiifay
oo yidhi waxan garan laa’ gacalisow taagan
geeskaan ku naalliyo haddaan geyigii ku sheego
goobtaad is taagtaba xinjiraa galan galcaynaaya
gidaarkaad ka soo weecataba meyd go’aa yaalla
waa lagu goblamay geeskiyee garo waxaan yeelo?
Markaasaan intaan gaar u baxay keligay goobayaalay
oon idhi wataa goosatee geed qadhaadh daaqday
garashadii haddii ay luntoo uu caligii gaabtay
gujo kuma irmanaado oo gaaggax weeyaane
bal gadhsii farriintayda oo gee warkan sheegay.
Ma gumaysigaa aad gashaa adiga kuu guula
Ma gumaadka Soomaali baa adiga kuu guula
Gubashada dalkaaga mindhaa adiga kuu guula
Gurboodkaa la wada laayey baa adiga kuu guula
Hooyada gambada qaadday baa adiga kuu guula
Odayada lagaa gawracaa adiga kuu guula
Geesiga xabaal kaa galaa adiga kuu guula
Calankaaga googo’aya ayaa adiga kuu guula
Gacamaha ood nin kale horsataa adiga kuu guula.
Gantaalaha ku soo daatay ee gubaya Soomaali
Kaaraha ku soo guuxyee gaw ka wada siiyey
Beebeega googooyey ee wada gumaadaaya
Garnayl Miiggu soo ganaya ee gaabshay badankooda
Diyaaradaha gumaystuhu diree guure dhabanaaya
Gabbalkii dhaciyo waaberyaba lagu garaacaayo
aan gelinna laga joojin ee lagu gumadaayo
Intaas oo gunnimo aad qabtaa aanad garanayn dheh!
Geerina ma tihid nololna waa kaa gababsiday dheh!
Nin garaadka kula mida ayaa galabba kuu yeedha
Gamuun culus dar kugu ganaya baa gogosha kuu xaadha
Gacan-haadis beenaad ku jiri guure iyo baabba’.
Garshada inta u liidataad gaar u leedahay dheh!
Adduunyada casriga gaadhay baad gooni-joog tahaydheh!
Afrika oo caqligu wada gudhaad gaane sii tahay dheh!
Gumucii la wada dayrhey baad gaar u sidataa dheh!
Inta aad is kala gadanaysaan guuli kaa dheere.
Maxaa adiga kuu gaara oo gubaya maankaaga?
Maxaa guusha kuu diidey ee geedka kaa saaray?
Maxaa gulufka iyo weerarkiyo gaaska kugu beegay?
Gebagebo maxaa kugu salliday gacan shisheeyaadka?!
Ma gartaad lahayd baad adigu goosan kari waydey?
Godob raagatey iyo ciil maxa kugu guhaameeyey?
Soomaaliya gumoodaye hadmaad garan wixii baaqday?.
Haddii gaawe kuu buuxi jiray gacaliyow daato
Gobaad inaad ku maashaad mar kale godol ka doontaaye
Gobannimo waxaa laga helaa gacan walaalnimo’e
Soomaalay is garo waadigaa gaws libaax galaye
Is-garowsadoo waar mar qudha goosta taladiinna
Nabaddana waa u wada goohayaa shicibka gaadhsiiya
Oo gogol ku wada seexda oo gaar isugu baydha.
Waxba gabaygu yuu ila gudbinne waxaan ku soo gooyey
Ilmo gobo leh dhiiggaa guntamey garshadaa ooydey
Gurracaa dhexdiinnii galiyo gaalo kala raaca
Garab garab ku riixiyo mid kale gooni ula foofka
Nin garaadkii lacag siistay baa gubay dhulkinniiye
Gebi buu ka tuuroo dalkii gaasna qabadsiiye
Doolarkaa uu guranaayo iyo isaga gaadhigaw danahe
Ubadkiisa waa kaa gurtee geeyey meel kale’e
Geyi reer galbeed buu u raray gebi ahaantoodba
Idinkana is googoosta buu idinku gubaabshey
Gacal iyo sokeeyaad tihiin geesh walaalo ahe
Oo guriba guri garanayoo laysu soo gelo’e
Oon geeri mooye marnaba geeddi kala geyne
Ee goosankiinnaa hadhow nabad is gaadhsiiya!!!
wabilaahi tawfiiq
aqal laba daryaala ah
Dar alleee salaan wacan
dadnimona ku ladhan tahay
wadnahayga diirani
abwaanada u soo diray
dul ahaan ba shicib kuna
dareen ila wadagaan
hadhwanaagna lagu daro
waa bariido debec sane
rabi haydin daystee
beryo dunida joogoo
ku dekeeya noloshoo
raaxo aan dakaamayn
iska daaqa baan idhi
*****************
Deelkii la curiyaba
doodii la sheegaba
Dadaalkii lakeenaba
ninwaliba god kuudegay
Dacalkuu u jeediyo
ula durgu halkuurabay
Dayrkiina lama xidhin
hadalkii ma daba go'in
Danta guud ka hadalkeed
ragu waysku dayayaa
Dacwad baa u socotoo
ana waan ku dirsaday
Diraays baan u xidhanoo
kama daalo waanada
********************
Degalkeena Somaal
inta dookh jacaly dilaya
ama Duuga lagu qoray
cilmi baw da'wayn
baal Dahaba kaga yaal
dadkuna wada ogsoonyiin
Dabka kugu baxyiyo
dareenkaa ku taabatayna
Dawo inan u dooniyo
talo laysku wada daro
Diyaar baan u ahayee
dabubatayda iga qabo
*******************
Dulmar inynu doonoo
daaroole qabanoo
duqii aabaheediyo
wiilashooda doonoo
dadab aan yagleeloo
dahab iyo xariir iyo
doolar aan ka bixinoo
boqolgeela didinoo
dunbukh laba dhacaayiyo
sange diir qurxoon iyo
baarqab doobta ridayaba
daradooda gaynoo
ku dulfrano heeryda
oon Dhiibno duunyada
ku ducayso culimadu
*****************
Dumarkuna mushxaradiyo
sacab iyo durbaan iyo
damaanshaad ciyareed
ilaa waagu daalco
darandoori loo tuumo
dabadeena hawd gee
dixidiiyo dureemada
doogiyo barwaaqada
daawshada u wacanee
dadku ay u xiisan
ha il doog satee gee.
aqal laba daryaale ah
daafaha u kala degay
moole loo diyaarshoo
dadab loo sameeyiyo
isku joog dunwacan iyo
googooska damaca waal
aqal lagu dahaadhoo
dushasare xariiriyo
kebed lagu dabooloo
dermadii darfooly
loo dadshay quruxoo
daymada jaleecada
aad ku dirsanysaan
Dulmar loo diyaarshiyo
duuubka sheekada taladii
kudayee doorkii ragan suugi
waxay talo ku darayaan
wabilaahi tawfiiq
Wednesday, 21 January 2009
gabaygan waxa la yidhaahda gocasho 2
Waatan ana tixidii gabaanyd aan kujawabaya
Waxa gabaga iga keenay oo labatu iga gigtey
oo gubay naftaydii faadumooy gamaana ii diiday
geyigaan ku nolahaya marak gebi ahaan ee gay
gidigoodba adame dhaaman gala iyo islaamba
guryahoda waa wada dhaqadan iyo gaban carureede
somali waxa gaar ka dhigay way igeli wayaday.
Gidii hooyo somali waa wada godankase
gebibaa ku soo dumay dhaman guud haldhaalye
guri lagu negadiyo marakaya wayaday gacaltoyo
uu gabay masuulkii ilaaah garka ugu yeelay
ee geegi habasaliyo ku furay guri aabara wayne.
Gabaahirta hooyada fadhida ee goonida utaagan
Ee gaalku jaarka u yaheen layasu gelahaynin
een gacalan Soo booqn een garabana eegaynin
googol lagu caweey iyo Arkayan Gaaf la wada joogo
oo guri dheexdii yuurutoon Geesna qabanaynin
gayax iyo walaal aan lahayn gacalo soo eegta
Ee kii garagaarka u ahaa ganafka taagayo
soomali waxa gaar ka dhiigay waa I geli wayday.
yeelaha waxaw gooyayee gudin afle u diiday
oo geedi loo sahan tago iyo guri naqle u waayeyee
gogoshii lagu seexan jiray gocondho kaga daadshey
Go’od iyo aabees waxa ka dhigay wanan garanayne
gafan iyo maxa kugu saliday shlin gabarayada
Galoof iyo maxaa ka ga dhigay geela wada gaane,
Gaawaha inaad soo cusho iyo gabano haaneda
Gobaadeey halad maasho iyo goodolka kuu diiday
ee somaali guriigeed ka dhigay gelin waxan dhaamin .
Waxa nala gudboon fadumay gebi ahaantenba
talo loo gudbonyahayoo dhaman laysku garab siiyo
waa inana garataa aan furna golena gayanye
garayaqanadii hadalak iyo guurti aragtaye
oo lagu gorfeeyaa waa inatoy guulo dhalisayeeeeeee!!!!!!!
gabagan waxa la yidhaahda gocasho 1
Nimaankaa naftoodii gabaye wada galiilyaysan
Nimankaa naftoodii gubee wada gawaamaaya
Nimankaan garsooriyo lahayn garasho wayeelba,
Ganboor iyo waxay daaqayaan geed Ilaah nacaye
Gawaan iyo waxay yuururaan guri xashiish weyne
Goolaftankaa kaaga daran geesiyo is moodka
Galladi waata Eebbee markuu gabay masuulkiiba
Gabadhiyo carruurtii markuu gooyey ehelkiiba
Ee uu gasiinkii ka jaray guri xanaankiiba.
Ee gacalo waa hooyo ee gubatay tiiraanyo,
Labadeeda geesood markuu gaalku kala jiitay
Gidigii haneenkii waxay gawdh la ledi wayday
Gurmad iyo markii aanay hayn aabbe garab taagan
Ee iniba gees aaddey ee talo ku gawdhiidhay
Gabbal dhaciyo waagii beryaba gocasho ooyayaso
Inta ay gacamaa hoorsatay Guule baridaaye
Iskuullada markay geyso bay gur u dhaqadaye
Guntigay u xidhataa ilayn hawshii uu gabaye
Gasiin iyo waxay raadisaa shoping-kii go'aye
Gaadhi bay ka soo buuxisaa gurigii keentaye
Iyadoo harraad gawracan oo gaajo socon waydey
Ayay dheri gangaantaa haddana gaar u karisaye
Galabnimo markay gaadho ee wakhtigu gaabto
Gucla orod ma daysee haddana ubadkii goobtaaye
Sida goodirkiyo cawsha bay gooni socotaaye
Galabtii ayuun bay baxan gabannadii qaare,
Sida galawga iyo fiinta oo uu gudgude haysto
Inta uu nafluhu gama’san yahay gaadh ayay tahaye
Gaaf wareeg ayuu ugu baryaa waagu galacdiiye
Waxba gabaygu yuu ila gudbine waxan ku soo gaabshay
Hooyada guhaaddaa qabteen laga garaabaynin
Hooyada raggeedii gabaye gaabagebaw taagan
Guullaha Ilaahow adaa garan wax meel yaalle
Adigaa gartaa goynayoo gooni kuu tahaye
Adigaa garsoor taama iyo gaadh-hayow u diriye
Mar haddaanan gumuc iyo rasaas kugu garayanin
Ama geed qudhaanjo leh tolkaa kugu gigsiinaynin
Waa inoo godkii Aakhiriyo Golihii Waaynaa dheh!!!!
gabaygan waxa la yidhaahda shaan shaan
gabaygan waxa la yidhaah daa (shaan shaan)waxuu soo baxay 8/18/2008
Indhawayd ba shaqal-kii murtida shiish kuman laline
mashakaalin maansooyin kaan shaacir ku ahaaye
aan shukaanta soo weeciyoo shaagga qabad siiyo
haddaad faysaloow shaaxin wayn sheeko adag saartay
oo aad shaxdii jeexday oo shiinkii aad curisay
waxse shaamareer keenay iyo sheeko lala yaabo
Inaad shirisay shaygii raggood shuuftay dumar kiiba
oo shaybe mooyee cidkale tidhi ma shawrayso
xaal baa shullaha kuu fadhiya aan shin go’in abid
************************************
hal xidhaala haad sheegaty ee shaalka ku hagoogtay
eeshaacir-kii inan raglaa sheegi kari waayay
anigaa shifada kuu hayoo kuu sharrixi doona
*********************************
wax shisheeye laga soo gatoo shaaxin lagu keeno
oo aan shar mooyee wanaag shayna kugu biirin
Shay xabashi laga keenay oo shidaya maal keena
oo Shoodhe iyo wiilashiii odayba shirinaaya
oowaliba shakigana ku riday waali lagu sheegay
oo shayadanku wada foorar shoo shaabad ugu jiiday
Shaan shaan halaga tuuro ee sharaf dhac jaad waaye (QAADKA)****************************************
shaqadaa dad wa da doontay ee sharafta loo waayay
ee kii ku sheegmaana uu shaadh cada tolanaayo
oo uu shishlaan iyo baruur laba shidhoobayo
oo shamaca loo daaryee shaarub bira yeesha
oo shiikha iyo weliga Iyo shiicbka laynaaya
oo shookiga ku tuura kii sheef u noqon waaya
waa siyaasdaa lagu shug yidhi ee la wada sheegatay (SIYAASAD)
***************************************
shuf u madhatay xaydh wayn haddii olol shidmaayaaye
Inta aan shabaab weynay ee badaha lagu sheegay
shanqadh dambena aynaan ka maqal iyo wax sheegaaya
shabeel bar baraaliyo libaax wada shuraakooby
hilbahooda ay shimidh sadeen cidina soo sheegin
shaygaasi waa uun tahriib kaa shuf naga siisay
hadday dawladdeenii shibtiidhi oo ka shiri wayday
oon culimadii shaacinayn diintu siday sheegtay
arintani shil nagu soo kordhiyo shuush na rogay weeye (TAAHRIIB)
*****************************************
hariim cadku shay guu diluu dhiiga ka shubtaaye
kayn shareeran buur shalaw ah oon shaagba mara haynin
shilka dhacaya baasuuke iyo shumuc yaraw qoriga
shil aloosan meel lagu shuf yidhi weerar laga shaacay
niman kii shafkoodaw dhigee cadaw ga shiishaayay
niman kii shisheeyaha lagaly dirir shirqoolaysan
niman kii xornimo soo shubee shicibku taageeray
sharcigooda niman kii fushee goosashada sheegay
dawlad shiciba niman kii dhasheen sheegan magaceeda
shidhadii in loo cunay oon ragaa sharaf ba loo haynin
haddii aanay shaygaasi noqon anigu maan sheegin ( SNM)
**************************************
dirxi guba shilbuu ugu dhashaa shay bakhtiya meel
shariir yaha markuu laasto ee shayna laga waayo
isagaa is wada sheema oo shoodhiihis cune
marka doogu soo shaaco ee roobku yara shuuxo
ee shilnta aan wadagurniyo qodax na shaashaysa
ee aan shalaad wada galee aan digriga sheegno
ee shiikha Reer ka ugu wacan uu shin dhalad keeno
mid shar qaba Ma waynoo qabiil shaati loo tolaye
shoodhihiisa wuu cuni qof kaan daynin sheeg sheega (QABYALADA)
maansadan waxa la yidhaahda dabayshii tahriibeed
Waxay soo baxaday 12/7/2008
Inta deelka marisee
daadihisay maansada
abawanada dalkeeniyo
kuwa debeda joogaba salaan
baan u dirayaa.
dabayshaa tahribtuba
waa waxaan ka diirree
Deelka aan ku mariyee
jidhku iga dubaaxshee
Ka damqaday dhibaatadu
inta hooyo diriceed
Ama inan la daawado
baddu ay la durugtee
Dibna looga maqal hadal
waxse igaga sii daran
Inta aan damiirkiyo
aan lahayn dareenkee
Daba socota meeshay
dayartii ku madhatee
darka aad u furaysaa
Ee doog jacayl iyo
dahabaa la guursaday
ugu marisay Deelkee
isku guraya doonyaha
kolay waano diide
Haddii ay ku daataan
dumaddaada weeyaan .
Dadku waa islaam
dood yar baa laga yidhi
Diinlaga baxaayiyo
dad lasoo muslimiyoo
kuma ogi dalkeennii
doc kalaad u Baydhee
hadaadse mooday Diintaba
dadka inaad ka leedahay
waa dabar ilaahay
Daayinkeen na farayoo
qofna aanu diidayn
daliilkeedu wuxuu yahay
﴿٥٥﴾ وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنْسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ ﴿
Ee danta maysu Sheegnaa.
Debaddaa iska joogoo
daaraha shisheeiyo
iskadaawo yurub na
dood yar baa laga yidhi
mamarkay dekaameen
ee dabaylii xagaagiyo
mawjaddii dilaaceenee
laashash kii wax dilli jiray
ee dekedaha ku meeraayay
doonyii istaageen baad
Dalku inuu wacana yoo
khayraad ku dihin yahay
Iyo garatay dawadii
dadkuna ku samafalay
Ha afduubin xaajadana
dood yar baa laga yidhi
Adigaaba duway oo
dookh iyo jacayl iyo
Diif iyo kalgacal iyo
Dana gaarra sheegoo
Dawgii ka weecshoo
u dawaafay meel kalee
Dummaddaada weeyee
aniga haygu soo duwin.
Waxaan se kaaga digayaa
ama kugu darayaa
marlabaad Ku deeqsiin
deelaydu laba ruux dood
inay wadagaan oo dadaka
kale ka weecshan
ka da'wayn warkeeduye,
Waa dood abwaannoo
waa harro doc wayn oo
waa ceel Daluuniyo
dabin uu abwaan xidhay
waxse loo dulmarayaa
Ama loo dejinayaa
duuga loogu qorayaa
inay noqoto daawayn
Dad ka soo kacaayiyo
duul aanan weli dhalan
kuwaan aan dareemayn
digo hoos ka nool iyo
xero aan la deginoo
Dulin ku uu ku badan yahay
ku dul furayaa reeraha
ayaa loogu Digayaa ee
dooddeenna kaga guudub.
by
caasha luul maxamuud yuusuf
Tuesday, 20 January 2009
dareen nabada lagu sii
Inamada dadaalee
daabacaya Maansada
ee gudbinaya doodahaa
Marna aan ka daalayn
Dib u dhacu ka dheeryahay
Dalabaadaka soo gala
marna aan la daahayn
salaan ban u diryaa .
darkan wiilka furay Iyo
abawaanada ka daba tegay
Ee dajinaaya maansada
salaan Daafo waayn baan
hawada ugu Dirayaa
Deelayda mansada
maan jecalayn In dood iyo
daagal uu bilowdoo,
dadkuna isu muqdan
waxse aan Ka doorbiday
inan debec sanan Iyo
hadal aan denbi lahaayn
warka Kugu duur xulo
danta guud ma eegna
Haday noqotay deel qaaf
daliilban Kalleeyoo
abwaanadaan u diray taa
Dumar baa xishodkiyo
daadinya Sharaftii
hadday adiga doog iyo
Kugu noqotay shay daran
Dareen nabada lagu sii,
anba Dumar ayaan ahay
oo dhibtu Waay damaqaysaa
hadaadse Mooday daayrow
inuu roobka Kuu da'ay
dadku uu ka siman Yahay
maralabaad digniin Hoo,
dalkeenii iyo debadaba
Anoon dood ku kala gurin
Ama dayr ku kala xidhin
hadaan daawo wadayoo
an lahaa dabiib iyo
hadal dhegaha deeqaba
abwaanadu ha daadsheen
Miyay noqtay dacar iyo
naftu Waxanay doonayn.
hadaadse diiday Waanada
adigiyo dad nimma daa,
dalkan anu joogniyo
debadaan kumaqa nahay
dad islaama baanoo
dumarkiyo caruutuba
inta daayin jecelyahay
diintay ilaashaan.
Duufan tahriibeed
iyo degelo baabay
inta hooyo damalkeed
ama dahabadeedii
doonyuu la caryeen
ee dalliyada ka tuureen
ee dugaagga iyo yaydiyo
bahaluhu daldalayaan
duggayda iyo barortiyo
damin wayday qaylada
hadii aan dareemoo
damqashada la qaybsaday,
hooyadaa la daayacay
yaa duubku iga xanunee
maxa keenay diiftiyo
dookhiyo Jacayalkiyo ,
deeqa layga guursaday
Dalkan lagu rogamadyee
dabayluu dhufteenee
Baduhu ay la degyaan
yaad keenatay dooboow
niman doolar sidabaa
dahabadan jecelan
jiray dushaydii ku gursaday
waxa layidhaahda mansadan xilka dorasha guud
Abwaan keena diirane
Baa shax inoo dilaac shoo
Isku Duuba yidhi dega
nin weliba god buu degay
aniguna ka daba tegay
Dooddana ka qayb galay
deegayoo halkaa dhigay
ninka aniga iidaran
Iyo kaan i doonayn
Daawadayda kii neceb
Daldalooladay jecel
dacwadayda hoos dhiga
Daba dhiilifka igu jiraa
Dusha sare nin iga jecel
dabar gooyna ila raba
hadba derejo saara
Yoo daadihiya hawalaha
Waxa igaga sii daran
Sida aan u daba joogee
Dookha iyo xiisuu
Weli iigu daran yahay ee
Inuu daaska sii joogana
Damacaygu sii yahay
Haddaan dooda sii wada
deelaydu durugtoo
Duqaydii ka foof too
Da'yar baa isgu tiimi
Iyana waa dareen yimii
Oo diga rogasho loo waa
Waxase aan ku daraya
Doodana ku soo xidhay
Dimuquradi waxa wada
Dastuurkeena hagi kara
Dawaladaha la xidhan kara
Deejin karaya hawlaa
Deelqaafa ka saxi karaa
Dalaka horumarkii jecel
Diirnacayb qabiiliyo
Danbigana ka daahira
Dareenkoodu uu qabo
Isku duubin wadajiira
citiraaf kudayi karaa
dariiqii saxanaa iyo
dawgeeda marrin kara
Dumarakeena weeyaane
Cabdoow duurkan maanta ah
Xilka doorshada guud
iyagaan ku deyaynaaye
Raggu daacad ma ka yahay
dib inaan isugu waco
dumarkaba dhamaan tood
ka dhex dayo duqda u wacan
darajana u qalantiyo
door kii adnoo kale
iyadaan dan gaariyo
doqoniimo wadanoo
cid kaloo duwaysiyo
nacas daba socdaa jirin
iyadaa dadkeediyo
dalka horu markiisiyo
dawadiisa jeceloo
doog iyo barwaaqiyo
meel ducaysan gayn layd
kinsi waa darwiish adag
aaminaan dabkeediyo
diranaan lahaydoo
doodeedu adagahay
iyadaan dirays kiyo
hubka lagu dagaalamo
dusha sare ka xidhanoo
difaacaysa qarankee
ma u dooranaayoo
raggu daacad ma ka yahay
hadaad diidan tiin taas
iska daba wareeg iyo
deel baa la curiyaa
hadal lagu daqiiqaa
dawo keeni maysee
duuduuba hadalkoo
deeleeyda xidha oo
dana kale ka raacdoo
dembi yaanay nagu noqon